Somali Medical Forums
January 08, 2009, 12:33:43 AM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: PICTURES: Handicap patients in Martini Hospital needs immediate health care
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Maxay Saaxiibadu iyo Reerku Samayn karaan inay i Caawiyaan?  (Read 236 times)
0 Members and 1 Guest are viewing this topic.
SomaliDoc
Moderator
*****

Points: 0
Online Online

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 224


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« on: April 01, 2008, 02:56:07 AM »

Dadka diiqsani had iyo jeer way ka fogaadaan saaxiibada iyo qaraabada, intii ay caawimo waydiisan lahaayeen. Si kasta ha ahaatee xiliganu waa markay aad kaalmo ugu baahanyihiin. Sida ugu fiican ee reerka iyo asaxaabtu samayn karaan inay caawiyaan qofka xanuusanaya, waa inay u tilmaamaan siday daawayn u raadsan lahaayeen. Dabeecada xanuunka diiqadda ayaa sababaysa in qofku isu arko mid aan qiimo iyo rajo lahayn, taasoo iska hortaagaysa inuu kaalmo raadsado.

Kaalmaynta qof saaxiiba ama ehel ah waa fursad aad u fiican sidii aad u dhisi lahayd cilaaqad ku raali galinaysa. Hasa yeeshee waa shaqo aad u culus. Waxaad dareemi kartaa ciriiri mar marka qaarkood hadii aanad naftaata daryeelin. Waxa dadka xanuusanayaa u baahanyihiin qof daryeela. Waxaad ku tusi kartaa in aad daryeelaysid adoo si naxariis ku jirto u dhegaysanaya, adoo qadarinaya qofka ama adoo waqti ku luminaya inaad ag joogtid. Waxaad ku kaalmayn kartaa adoo ku dhiiri gelinaya inay ka hadlaan siday dareemayaan, ama in aad ka caawiso wixii ay qabsan karaan, ama wixii ay noloshooda ka bedeli karaan, si xanuunka diiqadda ula macaamili lahaayeen.

Hadii qofka xanuunka diiqadda qabaa aad u xanuusanayo, waxa laga yaabaa inaad ku khasbantahay in aad go’aano adag gaarto wixii aad dhinacooda uga qaban karto. Hadii, masalan, aanay gacantooda wax ku qabsan karayn, miyaad wax u soo iibisaa, u karisaa, u nadiifisaa, hadii aad awoodid? Mise waad ku dhiiri gelisaa? Jawaab sahlani ma jirto xaaladan. Waxa ku caawin kara hadii aad helaysid qof aad arimahan kala tashato, iyo wixii arimo kale ahba.

Marka aad saaxiib ama ehel daryeelaysid waa inaad isku daydaa in aanad ku canaanan xanuunka diiqadda, ama ku oran ‘naftiina hagaajiya’. Waxa ay u dhowdahay inay canaanayaan naftooda, markaa canaantu waxay u sii kordhinaysaa inay sii diiqaan (xanuusadaan). Amaantu way ka fiicantahy oo ka wax tar badantahay canaanta. Waad xasuusin kartaa inay suurogal tahay in naftooda hagaajiyaan, laakiin waa in aad si naxariis iyo daryeel ku jiro u dhahdaa.

Waa muhiin in aad baahidooda u feejig naato. Tijaabi in aad daryeelka saaxiibka ama ehelkaa musuuliyadeeda la qaybsato dad badan. Tijaabi in aad hesho dad aan walwalkaaga u sharaxdo.

1- Waa maxay diiqaddu ama niyad jabku?
2- Meeqo nooc oo niyad jab ah ayaa jirta?
3- Waa maxay calaamadaha diiqaddu/niyad jabku?
4- Maxaa dhaliya diiqadda/jiyad jabka?
5- Sidee loo daaweeyaa diiqadda/niyad jabka?
6- Noocyada daawooyinka ee diiqadda/niyad jabka?
7- Maxaan samayn karaa ee naftayda ku caawiyaa?
8- Maxay saaxiibadu iyo reerku samayn karaan inay i caawiyaan?

Wixii su'aal ah halkaan ku weydii
SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Related Topics
Subject Started by Replies Views Last post
Waa Maxay Daroogadu? Qaybta Wacyi Galinta Pharmacist 0 297 Last post December 07, 2007, 12:32:13 PM
by Pharmacist
Waa Maxay Mammogram?! Radiology & Medical Imaging Waxbaro! 1 621 Last post June 21, 2008, 12:49:23 AM
by Princess_Muni
Noocyadee bay xanuunnada maskaxdu yeelan karaan? Cudurrada Maskaxda SomaliDoc 0 244 Last post March 10, 2008, 05:08:29 PM
by SomaliDoc
Maxay asxaabtu iyo qaraabadu samayn karaan si ay kuu caawiyaan? Cudurrada Maskaxda SomaliDoc 0 189 Last post March 17, 2008, 07:27:12 AM
by SomaliDoc
Maxaan samayn karaa ee naftayda ku caawiyaa? Cudurrada Maskaxda SomaliDoc 0 266 Last post April 01, 2008, 02:48:32 AM
by SomaliDoc
Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.7 | SMF © 2006-2008, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page January 03, 2009, 01:26:15 PM