Somali Medical Forums
January 07, 2009, 09:36:01 PM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: PICTURES: Handicap patients in Martini Hospital needs immediate health care
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Sidee loo daaweeyaa cudurka Iskitsoofiriiniya?  (Read 254 times)
0 Members and 1 Guest are viewing this topic.
SomaliDoc
Moderator
*****

Points: 0
Online Online

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 224


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« on: April 07, 2008, 03:54:22 AM »

Daaweynta daawo la isticmaalayo
Dadka qaba iskitsoofiriiniya intoobada badan waxaa loo qoraa daawooyin, kuwaasoo la doonayo inay yareeyaan calaamadaha togan.

Daawooyinka loo isticmaalo iskitsoofiriiniya waa ‘antipsychotics’ ama’ neuroleptics’ (dajiyeyaal (tranquillizers) waaweyn).
Labada kooxood ee ugu waaweyn daawooyinka ‘antipsychotics’ waa ‘antipsychotics’ caadi ah iyo ‘antipsychotics’ aan caadi ahayn. Daawooyinka ‘antipsychotics’ waxtarkoodu waxa uu qaadan karaa bil ilaa saddex bilood. Daawooyinka ‘antipsychotics’ ee caadiga ah waxaa loo qaataa kiniini am sharoobo ahaan. Qaarkood waxaa la heli karaa iyagoo ah mudis shaqeysa muddo dheer.

Daawooyinka ‘antipsychotics’ waxay yeellan karaan tiro ah waxyeellooyin. Waxay kuwaasi noqon karaan kuwo xun. Kuwa ugu daran waxaa ka mid ah dubaaxin muruq, dhaqdhaqaaq muruq oo aan caadi ahayn iyo dhaqdhaqaaq jir oo aan caadi ahayn iyo cilado dhaqdhaqaaq oo daran. Waxyeellooyinka daawooyinka ‘antipsychotics’ aan caadiga ahayni way ka khafiifsan yihiin kuwa daawooyina ‘antipsychotics’ ee caadiga ah, laakiin waxay ka qaalisan yihiin.

Daaweynta aan daawo la isticmaalin
Waxaa laga yaabaa in daaweynta hadalka ah sida la-talinta iyo fikrad-ku-daaweynta (psychotherapy) ay waxtar u leedahay dadka qaba iskitsoofiriiniya iyo qoysaskooda.
Daaweyntaa hadalka ah waxaa la isticmaalaa iyadoo uu barbar socdo daaweynta daawo la isticmaalayo marka qofku qabo iskitsoofiriiniya.

Daaweynta la isticmaalo garaadka iyo dhaqanka (Cognitive behavioural therapy) (CBT) ayaa si guul leh loogu isticmaalay calaamadaha
iskitsoofiriiniya sida dhaleenteedka ama isku-sawiridda.
Waxaa jira xoogaa ah marag-kac tilmaamaya in daaweynta beddelaad ah sida jimicsiga, fanka/ku-daaweynta muusigga, beddelida cuntada/nafaqada, daaweynta cudur-matalaadda ah ‘homeopathy’ iyo dhirta ayaa la arkay inay dadka qaba iskitsoofiriiniya qaarkood ay
faa’iido ka helaan.
Marmarka qaarkood, dadka heerka cudurkoodu daran yahay waxaa laga yaaba inay u baahan karaan in la dhigo cisbitaalka iyadoo la isticmaalayo Xeerka Caafimaadka Maskaxda (Mental Health Act) si loo qiimeeyo iyo/ama loo daaweeyo oggalaansho la’aan.
Taa waxaa la yiraahda qodob la-beegsi (sectioning). Marrar badan waxaa dhacda in dadka qaba iskitsoofiriiniya ay iyaga laftoodu is keenaan cisbitaalka haddii ay lagamamaarmaan tahay, hase yeeshe dadka qaba iskitsoofiriiniya intooda badani waxay ku dhex nool yihiin beesha qaar badanina waxaa kaliya ee ay arkaan dhakhtarkooda marka ay u baahan yihiin daawo.

Dad badan oo qaba iskitsoofiriiniya ayaa iminka sita Kaarar Qalalaase (Crisis Cards) ama waxay sii sameystaan Dardaaran Hormaris ah (Advance Directives) si ay u sheegaan rabitaankooda daaweyn haddii la dhigo cisbitaalka.

Dhib-koror (Complications)
Dhib-kororka ugu waaweyni waxa uu qabsadaa tayada nolosha:
• Cudur waali oo darani waa waayo cabsi leh – isku-sawiridda iyo dhalanteedku waxay si buuxda ugu eeg yihiin run marka ay qofka hayaan.
• Hawlaha bulsheed ee qofka, sida xiriirka uu la leeyahay dadka kale, awoodda shaqeynta iyo maamulidda nolol maalmeedka, ayaa badanaa si culus waxyeelo u gaaraa.
• Is-dilid iyo is-dhaawicid ayaa u caadi ah dadka qaba iskitsoofiriiniya: qiyaastii 10-kiiba mid ayaa ugu dambeyn nafta iska jara.
• Qaar ka mid ah daawooyinka la siiyo dadka qaba iskitsoofiriiniya ayaa keena waxyeelooyin dhib leh sida ciladaha dhaqaaqa, miisaan koror iyo hurdo-hurdo.

1- Waa maxay Iskitsoofiriiniya (Schizophrenia)?
2- Maxaa calaamado ah ee lagu gartaa Iskitsoofiriiniyada?
3- Maxaa sababa cudurka Iskitsoofiriiniyada?
4- Sidee loo baaraa cudurka Iskitsoofiriiniyada?
5- Sidee loo daaweeyaa cudurka Iskitsoofiriiniya?

Wixii su'aalo aad qabtid halkaan ku weydii
SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Related Topics
Subject Started by Replies Views Last post
Cudurka Dhimir Beelidda (Alzheimer) Cudurrada Guud SomaliDoc 0 320 Last post February 13, 2008, 06:05:22 PM
by SomaliDoc
Sidee Loo Daaweeyaa Diiqadda/Niyad Jabka? Cudurrada Maskaxda SomaliDoc 0 317 Last post March 30, 2008, 05:45:27 PM
by SomaliDoc
Waa Maxay Iskitsoofiriiniya (Schizophrenia)? Cudurrada Maskaxda SomaliDoc 0 293 Last post April 03, 2008, 06:26:15 AM
by SomaliDoc
Sidee lagu ogaadaa cudurka Iskitsoofiriiniyada? Cudurrada Maskaxda SomaliDoc 0 275 Last post April 07, 2008, 03:18:40 AM
by SomaliDoc
Cudurka Sambab Xaniban oo Mudo Dheer Jiray (Chronic Obstructive Pulmonary Diseas Cudurrada Guud SomaliDoc 0 261 Last post August 06, 2008, 10:19:29 PM
by SomaliDoc
Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.7 | SMF © 2006-2008, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page January 01, 2009, 01:31:23 AM