Somali Medical Forums
September 09, 2010, 03:00:00 AM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: VIDEO: Medical doctors graduated in Somalia
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Waa Maxay Walafku?  (Read 680 times)
0 Members and 1 Guest are viewing this topic.
SomaliDoc
Moderator
*****

Points: 0
Offline Offline

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 535


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« on: July 05, 2009, 11:40:16 PM »

Walafku (Addiction) waa u barasho ama dabeecad ka dhigasho isticmaalka maandooriye ama mukhadaraad, taasooy inta badan adagtahay in layska joojiyo. Walafku wuxuu inta badan waxyeeleeyaa, wax weyna u dhimaa qofka noloshiisa. Waxaa dhici kara in uu qofka ka maarmi waayo isticmaalaka mukhaadaraadka sida khamriga ama kuwa kale, ama uu ku mashquulo ciyaaridda sida khamaarka.
Ma jirto sabab qur ah ee loo aaneeyo in qof si ba′an uu u isticmaalo khamriga ama mukhaadaraad kale, ama muxuu qof ciyaaridda khamaarka uu ugu waashaa. In badan oo naga mid ah waxay bilaabaan in ay ku mamaan isticmaalka mukhadraadka midkood sida khamriga, si ay isu illowsiiyaan mashaakilka noloshooda. In muddo ah, isticmaalka mukhadaraadka ama sida ciyaaridda khamaarka waxaa laga yaaba in ay si dhalanteed ah noo ilowsiiyaan xanuunkeenna ama naga saaraan cabsideenna. Hase ahaatee, ugu dambaystii xalka aan ka raadineyno mukhaadaraadka ayaa nagu dhaliya mushkilad kaasoo inta badan burburiya xiriirradeenna iyo qoysaskeenna.

Ma sahlan tahay in la aqoonsado calaamooyinka walafku?
Dadka qaar ma dhacdo in laga arko calaamooyin muujinaaya in ay leeyihiin mushkiladaha walafka.
Waa sahlan tahay in lagu walfo oo laga marimi waayo isticmaalka mukhaadaraad ama fal kale oo la mid ah, iyadoo aan durbadiiba lays garanin. Waxaa laga yaabaa xitaa dadka la nool ama u dhow qof walaf leh aysan garan in muddo ah in uu qofka leeyahay mushkilad.

Waa maxay calaamooyinka iyo dareennada lagu garto walafku?
Dad badan ayaa cabba khamri, mukhaadaraad kalena isticmaala, am khamaarka ciyaara iyagoo aan la kulmin mushaakil. Laakin, qaar baa waxay ogaadaan goor dambe in, ay xad gudbeen” ayna gabeen awooddii ay ku gaari lahaayeen go′aanno wax ku ool ah.
Calaamooyinka walafku waa badan yihiin, waxayna ku xiran tahay hadba sida ay yihiin mushkiladaha iyo qofka ba. Isticmaal mukhaadaraad iyo fal ba waxay mushkilad noqdaan marka ay:
• Saameeyaan maskaxdaada iyo caafimaadka jirkaaga
• Kugu kalifaan sharci jebin (haddi qof gaari wado isagoo cabsan, ama uu isticmaalayo ama haysto mukhaadaro uu sharcigu oggolayn)
• Dhaawaceyso arrimo dhaqaale/lacageed
• Dhawaceyso dadka aad la xiriitid iyo asxaabtaada ba
• Wax u dhimeyso Shaqadaada

Sidee xubnaha qoyska u Waxyeelloobaan?
Sida badan xubnaha qoyska waxay bartaan sida ay ugu adkeysan lahaayeen mushaakilka la xiriira qofka ku mammay mukhadaraadka Waxaase dhici karta in:
• Uu wada xiriirkoodu yaraado
• Ay ka gaabsadaan in ay mushkilada ka hadlaan ama ay muujiyaan dareennadooda
• Ay bulshada ka qariyaan walafka
• Ay qaataan xilkii uu cidleeyay qofka walfay
• Ay dareemaan wareer, caro, ciil,cidlo cabsi, iyo ceeb
Daawayn ma caawin kartaa?
Haa. Walafku waa sida mushkilo kale ee caafimaad.Waxay u baahan tahay in la aqoonsado inta aanan la daawayn. Laakin waa la daawayn karaa.
Dadka waxay u maleeyaan inay iskood isaga joojin karaan mukhaadaraadka ama khamaarka. Inkastoo dadka qaarkood awoodaan, mar walba ma sahlana. Barnaamijyo daawayn ah iyo kooxo is taageero ayaa caawin karaan in la yareeyo ama la baabi′iyo Geesinnimo ayay u baahan tahay qaadista tallaabada hore ee caawinaad raadsashada ah, laakin looma baahna in keli ahaan loo sameeyo

Goormay tahay muhiim in caawinaad la helo?
Marna caawinaadda lama yiraahdo waad ku deg-degtay ama waad ka daahday.Waxaa laga yaabaa in aadan kala hubin in mashaakilku uu ka yimid adiga ama qof kale madaama aad labadiinuba aad wada isticmaashaan maandooriye ama aad ciyaartaan khamaarka. Ama malaha waad og tahay in mushkilo jirto, laakin garan maysid meesha aad u doonan lahayd caawinaad.
Haddii aad qof kale ka walwalsan tahay, ku dhiirri geli qofkaa in uu doonto caawinaad. Haddii ay adiga ku khusaysana , bilow in aad kala hadashid qof aad ku kalsoon tahay, xushmadna aad u haysid sida:
• Dhakhtar ama kalkaaliye caafimaad
• La-taliye ka tirsan Barnaamijka Daryeelka Shaqaalaha ama dhakhtarka ama kalkaaliyaha caafimaadka ee jooga goobta aad ka shaqeeysid
• La-taliye ama terabiiste (therapist) ee ka shaqeeya beeshaada dhexdeeda
• Adeegaha bulashada (Social Worker)
• Wadaad diineed

Maxaa dhaca marka la daawaynaayo?
Adeeg walba wuxuu qabaa wax gooni ah. Waa kuwan qaar ka mid ah waxyaabaha ay qabtaan:
• In ay ka baaraandegaan sida walafku u saameeyo nolosha qofka
• Waxay sameeyaan qorshaha borogaraamka daweeynta qofka, iyo maxaa ku dhici doona qofka daawaynta ka dib, iyo in lala socodo marka qofka uu dhex galo bulshada
• Qofka oo lala xiriiriyo adeegyada kale
• In qofka la baro halista la socoto ku walafka mukhadaraadka
• In qofka la baro tabo uu suurageliya in uu ku noolaado nolol caafimaad leh oo hadana dheellitiran
• In qofka uu helo la talin iyo taakuleyn isagu u gaar ah, iyo toosinba, iyo in qofka lagu xiro kooxaha iskood isu taakuleeyo « self help group » ama kooxaha isweydaarsada taakuleynta.
• Taakulyn iyo xogwarran qoyska loo fidiyo
Ma aha in aad keligaa dhibaatootid.. Caawinaad ayaad heli kartaa.

Haddii aad qabto su'aalo dheeraad ah, halkaan ka weydii
SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
WWW.SOMALIDOC.COM
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Related Topics
Subject Started by Replies Views Last post
waa maxay negro Feel Free Here Dr.Salwa 4 1118 Last post March 17, 2007, 08:54:03 PM
by Dr.Salwa
Waa Maxay HIV, AIDS? Qaybta Wacyi Galinta SomaliDoc 0 2063 Last post November 26, 2007, 06:24:14 AM
by SomaliDoc
Waa Maxay Daroogadu? Qaybta Wacyi Galinta Pharmacist 0 1106 Last post December 07, 2007, 11:32:13 AM
by Pharmacist
Waa Maxay Mammogram?! Radiology & Medical Imaging Waxbaro! 1 1610 Last post June 20, 2008, 11:49:23 PM
by Princess_Muni
Waa maxay Qaadku? Qaybta Wacyi Galinta Waxbaro! 2 2346 Last post May 11, 2008, 02:49:48 PM
by Pllisken
Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.11 | SMF © 2006-2009, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page September 07, 2010, 12:44:22 PM