Somali Medical Forums
January 08, 2009, 12:07:47 AM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: PICTURES: Handicap patients in Martini Hospital needs immediate health care
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Waa maxay Hiatal hernia?  (Read 373 times)
0 Members and 1 Guest are viewing this topic.
A. Sharif
Newbie
*

Points: 0
Offline Offline

Gender: Male
Posts: 5



« on: March 12, 2008, 04:43:46 PM »

Assalamu alaikum,

I have done some research on hiatal hernia however the information is more complex the I would have liked, My father has been diagnosed with having this type of hernia (still waiting on pathology report), he had been complaining of indigestion, heart burn and belching for some considerable time in past 10 years. He just had a Gastroscopy, the doctor suggested tightening the 'hole in the diaphram', what does this involve and how should I explain to him?   
Logged
SomaliDoc
Moderator
*****

Points: 0
Online Online

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 224


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« Reply #1 on: March 13, 2008, 03:39:27 AM »

Hiatal Hernia waa nooc ka mid ah eernooyinka ku dhaca jirka qeybihiisa kala gedisan.
Eearnada ma aha cudur balse waa dabacsanaan ku timaada murqaha iyo seedaha jirka kuwaas oo darbi ahaan u shaqeeya una diida waxa jirka ku jira inay banaanka u soo baxaaan, soo muuqdaan ama soo kuusmaan.

Earnadu waxa ay ku dhacdaa meelo badan oo jirka ka tirsan waxaana ka mid ah: caloosha, qooraha, Xudunta iyo meelo kalaba.

Eernada ku dhacda diyaafragmaha (diyaafragmuhu waa muruqa kala teeda caloosha iyo xabadka waxa ku kala jira) waxaa loo yaqaanaa Hiatal Hernia.

Earnada noocani waxay dhacdaa markii qeyb ka mid ah caloosha ay u soo gudubto dhinaca xabadka iyadoo ay soo dhex marto meel daloosha ee ku taala diyaafragmaha, daloolkan oo loo yaqaano duleelka hunguriga taasoo macnaheedu ah daloolka ay ka gudubto tubada cunto mareenka (esophagus).

Daloolkan waa dalool ay mari karto tubada hunguriga kaliya lakin markii uu dabco waxa ay keeni kartaa in calooshu ay soo cadaadiso, daloolka uu weynaado kadibne ka soo gudubto.

Eernada diyaafragmaha waa xaalad caam ah oo ilaa 60% gaarta markii qofka da'diisa 60 sano kor u dhaafto, waxayna u qeybsantaa laba nooc:
  • Nooc I: markii calooshu uu ka yaraado cadaadiska waxay ku soo laabataa booskeeda, waana nooca ugu badan (95%) (Sliding Type).
  • Nooc II: qeyb ka mid ah calooshu ay ka koreyso diyaafragmaha aysan booskeeda ku soo laaban (Fixed Type).

Maxaa keeni kara Eernadan?
1- Cayilka
2- Qufaca joogtada ah
3- Is cadaadin markii calooshu ku fadhido
4- Qaadis wax aad u culus
5- Dhaxal
6- Sigaar cabidda
7- Muruqa diyaafragmaha oo jiran.

Maxaa ka mid ah calaamadaha qofka qaba eernadan lagu arko:
1- Feero xanuun ama cadaadis
2- Laabjeex
3- Wax liqidda oo dhib noqota
4- Qufac iyo sixasho
5- Meesha oo soo kuusanta
6- Higgo

Sidee loo daaweeyaa?
Earnada waxaa lagu daaweeyaa qaliin kaliya, waa in la xoojiyaa muruqii ama seedkii dabcay, waa in layareeyaa duleelkii weynaaday si jirka qeybihiisa aysan iskugu kala gudbin.
Lakin waxaad u baahantahay inaad waxyaabahaan soo socda sameysid si aysan u soo laaban eernada calaamadaha aad dareemaysane kaaga yaraadaan:
1- Yarey miisaankaaga, kana fogow culeeska saaidka ah
2- Iska ilaali gebi-rogashada, si toosan oo caafimaad leh u fadhiiso
3- Jimicsi joogto ah sameey
4- Jiifo adigoo laba barkin is kor saarta
5- Ka fogow cuntadan (Kaffeyga, shukulaatada iyo cuntooyinka dufanka leh)
6- jooji sigaar cabidda, khamrina ha u dhawaan.
7- Cunto badan ha cunin adigoo hurdi raba.
8- Waxaad qaadan kartaa daawooyinka yareeya laabjeexa.

Waalidka waxaa ugu sheegi kartaa sidatan:
Earnada mahan cudur waa jilicsanaan ama dabacsanaan ku dhacay muruqa kala teeda xabadka iyo caloosha, taasoo keentay in qeyb ka mid ah caloosha ay kor u cadaadiso muruqaas.
Cadaadiska wuxuu weyneeyay duleel ku yaalay muruqa oo ay ka soo gudbi jiray tubada hunguriga, cadaadiskaasne wuxuu keenay qufac, sixasho, laabjeex iyo feero xanuun.
Eeranda waxaa lagu daaweeyaa qaliin kaliya, waxa ka soo haray ee daawoyin ah (kaniini, sharoobo iyo cirbad) waxay yareeyaan kaliya calaamadaha iyo xanuunka aad dareemeyso.

Wixii su'aalo dheeraad ah oo ku saabsan mawduucaan halkaan ku weydii
SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Related Topics
Subject Started by Replies Views Last post
waa maxay negro Feel Free Here Dr.Salwa 4 491 Last post March 17, 2007, 09:54:03 PM
by Dr.Salwa
Waa Maxay HIV, AIDS? Qaybta Wacyi Galinta SomaliDoc 0 508 Last post November 26, 2007, 07:24:14 AM
by SomaliDoc
Hernia Qaybta Su'aalaha Yaxya 3 254 Last post December 11, 2008, 01:51:32 PM
by dr-awale
Waa Maxay Overactive Thyroid? Qaybta Su'aalaha Raaliyo 1 207 Last post September 01, 2008, 02:23:53 PM
by SomaliDoc
Waa Maxay Kolestarool (Cholesterol)?! Qaybta Wacyi Galinta SomaliDoc 0 160 Last post September 02, 2008, 10:50:43 AM
by SomaliDoc
Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.7 | SMF © 2006-2008, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page December 25, 2008, 01:10:20 AM