Author Topic: Muxuu Yahay Cudurka Dab-dhulka (Impetigo)?  (Read 51439 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Muxuu Yahay Cudurka Dab-dhulka (Impetigo)?
« on: April 17, 2008, 11:39:05 PM »


Waa maxay dab-dhul?
dabdhulku waa caabuq maqaarka ku dhaco oo ay keento bakteeriya, marka ugu horayso fin ayaa jirka ka soo baxo, kadibne biyo ayay yeelataa, biyihii way dillaacaan oo finkii iyo hareerihiisao o idil ayaa wada bukato, waxayna meesha u ekaataa sidii wax gubtay oo kale sida sawirka kore ka muuqdo. waxay badanaa nabrahaa ka soo baxaan wajiga sida daamanka, sanka, faruuryaha iyo garka, mararka qaarkoodna waxay u gudubtaa jirka qaybihiisa waaweyn.
Aad baa laysu qaadsiiyaa waxaana is qaadsiin kara xubnaha qoyska, carruurta wax isla barto way is qaadsiiyaan, xanuunkaan waxaa afka qalaad lagu dhahaa "Impetigo".

Caabuqa badanaa ma keeno wax calaamad ah mana sababo baqdin. Wuxuu mararka qaarkood ku dhacaa maqaarka dushiisa sida cambaarta oo kale. haddii aan daawo toos loo qaadan waxaa dhici karta inuu soo noqnoqdo.

Sidee loo daaweeyaa?
Impetigo (dab-dhul) waxay ka bilaabataa ka dib marka la xoqo meel cayayaan qaniinay ama dhaawac fudud. Si looga hortagane, waa in lagu dhaqaa daawo jeermiska disho, haddii aadan daawada haysan waa in biyo qandac ah oo cusbo leh lagu nadiifiyaa meesha finka ama nabarka uu ka soo baxay, markuu nabarka dillaacane waxaad marin kartaa malab saafi ah haddii aad haysatid.
Caabuqaan markuu bilaw yahay oo qofku uusan qandho yeelan waxaa lagula tacaalaa kareemyo ama daawo qallajiye ah oo lagu dhaqo nabraha. Haddii infakshanku uu faafo ama qandho uu qofku yeesho, dhakhatarku wuxuu qori karaa daawa afka laga qaato iyo mid kale oo lagu dhayo.

Carruurta qabta caabuqaan waa in laga fogeeya kuwa kaleeto. 24 saac ka dib markuu qofka daawada qaato, badanaa caruurta isma qaadsiiso, laakiin waxaa dhaca mararka qaar in bakteeriyada caabuqa keentay ay adkaysi u yeelato daawada, sidaa darteed qoyaanka ama dheecaanka maqaarka galo ayaa baaritaan lagu sameeyaa si loo ogaado jeermiska nuuca uu yahay.

Waxaa jiro xanuuno kale oo lagu qaldo caabuqaan, sida allarjiga maqaarka biyaha gashto laakin cilladaan ma lahan wax qandho ah, biyaha markay dillaacaane nabar ma reebo mana sii faafo. waxaa kaloo lagu qaldaa xanuunka busbuska / hablo-baasta (Chickenpox), waxaa kaloo lagu qaldaa xanuunka Isnadaamiska (Scabies). intaba waa xanuuno kala duwan isku daawane looma isticmaalo. hoos ka akhriso warbixin ku saabsan xanuunada lagu qaldo dab-dhulka.

Isnidaamis: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1078.0
Busbus / Hablobaas: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=831.0
Allarji / Xasaasiyad: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1091.0
Cambaarta: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1682.0.html

Haddii aad faahfaahin dheeraad ah u baahan tahay fadlan su'aashaada ku soo gudbi qeybta su'aalaah: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


Offline Sandybrosto

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Muxuu yahay Impetigo?
« Reply #1 on: June 21, 2010, 06:18:25 AM »
This really very terrific and completely hazardous. This infection leads to very harmful effects. I am grateful to you for awaring  about this properly. It would be if it has been described in English.


 

Waa Maxay Cudurka "Ebola"?

Started by Waxbaro!Board Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 46529
Last post December 10, 2007, 08:31:26 PM
by Waxbaro!
Waa maxey cudurka "Rubella Virus"?

Started by ManaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 28939
Last post January 24, 2009, 11:26:50 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Ha la ii faahfaahiyo cudurka kalamisada "Pre-eclamsia"?

Started by Mohamud FarahBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 18459
Last post May 02, 2011, 06:10:16 PM
by Drkheyre
Waa Maxay Bidaarta Cudurka ah ee "Alopecia"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Maqaarka

Replies: 0
Views: 95986
Last post April 21, 2015, 11:16:29 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay walaalayaal cudurka loo yaqaan infectionka xaglaha ama murqaha?

Started by TuuraqBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 27107
Last post February 05, 2011, 04:08:18 PM
by SomaliDoc