Author Topic: Waa maxay Herpes Simplex?  (Read 19329 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Waa maxay Herpes Simplex?
« on: April 22, 2008, 08:01:16 PM »
Herpes simplex waa infakshan ka dhasha fayraska wuxuuna keenaa caabuq iyo biya gala meella mucayina oo maqaarka ka mid ah. Infakshanka asaasiga ah oo u horreeya wuxuu ku dhacaa carruurta. Badanaa infakshanka iska socdaa wuxuu dib ugu soo noqnoqdaa sanadaha soo socda wuxuuna leeyahay barar guduudnaan iyo meella biya-galaan, badanaana waxaa lagu arkaa bushinta iyo afka agagaarkiisa.

Infakshanka asaasiga ah waxaa laga yaabaa inaan la garan. Badanaa wuxuu noqon karaa mid aad u daran kaas oo keenaya xannuun afka ah oo siyaada ah iyo qanjirada surka oo weynaada. Carruurta canbaarta qabta infakshanka herpes simplex oo canbaar la socoto wuxuu ku samayn karaa meella badan oo biya galeen marka canbaartu la socoto waana in dhakhtar si degdeg ah u arkaa.

Infakshanka soo noqda oo guud, ama "cold sores", waxaa laga yaabaa inuu keenay xumad, u furnaanta qoraxda ama dabayl, ama marmarka qaarkood cadaadis. Wuxuu ku bilawdaa xanxanto qaniinyo la socoto, gubniin uu la socdo caabuq (guduud uu la socdo beerbal iyo kaffee), dabadeedna biya gala. Tani waxay dhacdaa 24-48 saacadood waxayna qaadataa 4-5 berri si lagu dhamaystiro. Infakshanka bakteeriyada ka dhalatay "cold sore" ayaa dhici karta.

Sidee looga hortagaa?
Herpes-ku si sahlan ayey dadka qaba cold sores-ku ku gudbin karaan waana in laga fogaadaa in jirku is taabto sida shuminta.
Isticmaalida difaaca qoraxda, sida dharka, koofiyad iyo iskiriinka qoraxda, ayaa muhiim ah in lagaga hortago weerar soo noqnoqda ee cold sores oo wajiga ku dhaca.

Sidee lagu daweeyaa?
Daawada fayrasku looma isticmaalo badanaa infakshanka herpes simples-ka asaasiga ah. Carruurta waa in la siiyaa biya badan iyo cunta khafiifa haddii uu jiro in afku caabuq (nabar jira) yeesho. Haddii meelaha biyuhu galeen ama dilaacay xannuun hayo xumadina jirto, baanadol khafiifa oo xannuunka biĆ­ya ayaa lagama maarmaana.

Waxaa jira kareema badan loo helli karo cold sores-ka. Si kasta ha ahaatee, dawa ma leh. Nasiib wanaag, jiradu waxay dhacdaa waqti aan badnayn waxayna noqotaa wax sahlan isla maalmahaasba.

Dawa mucayina oo fayraska farmashiyaha ayaa laga gataa waana in la isticmaalaa saacadaha ugu horreeya si loo khafiifiyo waxyeellida cold soreska.
Dawada wax lagu dhaqo ama kareemka waa in la bilaabaa si looga hortago infakshanka bakteeriyada uu keenay cold sores-ku.

Wixii macluumaad intaas ka badan halkaan ka weydii
SomaliDoc


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?

Started by KamalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 66492
Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Waa maxay "Angina"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 69515
Last post February 05, 2008, 07:56:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 62435
Last post September 01, 2009, 02:23:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "gynecomastia"?

Started by AnassmBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 46720
Last post May 06, 2018, 01:17:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Priapism"?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 44974
Last post January 22, 2019, 08:47:10 PM
by SomaliDoc