Author Topic: Cudurka Jabtada / Jabtida (Gonorrhoea)  (Read 74399 times)

0 Members and 4 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Cudurka Jabtada / Jabtida (Gonorrhoea)
« on: April 22, 2008, 08:18:27 PM »


Jabtidu waa infekshan bakteeriya dhaliso. Waa lagu kala qaadaa galmada (isutaga), waxayna ku dhacdaa xubnaha hoose iyo luqunta.

Calaamadaha iyo astaamaha.
Astaamaha xanuunku waxay soo baxaan inta u dhaxaysa 1 ilaa 14 cisho, kadib markii uu infekshanka qaaday. Waxa suurogal ah in jabti kugu dhacday oo aaney lahayn wax astaan ah. Raga ayaa inta badan ay astaamo ka muuqdaan

Dumarka: Astaamaha jabtidu waxa kamida:
  • Caadada dumarka iyo wixii lamida oo isbedela, waxa laga yaabaa in midab huruudi ama doogo ah yeesho, oo ur culisi la socoto.
  • Xanuun marka la kaajayo.
  • Cuncun ama wax ka yimaada dabada.

Raga: Astaamaha waxa kamida:
  • Dheecaan huruudi ama cadaana oo raga kayimaada.
  • Cuncun ama wax ka yimaada dabada
  • Barar ku dhaca midhicirka, iyo kaadi mareenka.

Sidee Jabtida loo kala qaadaa
  • Galmo (isutag)
  • Taabasho xubnaha qaba jabtida (sida cawrada).

Tijaabada (baarista) jabtida
Baarisbaa dhakhtar ama kalkaaliye ku samaynaysaa xubnaha cawrada.
Iyadoo isticmaalaya cudbi ayey muunad ka qaadayaan meelaha uu xanuunku ku dhacay.
Dumarka waxa laga qaadaa baaris.
Muunad kaadi ah baa la qaadi karaa.
Baarista ama muunada la qaadayo ma leh wax xanuuna, laakiin waxa laga yaabaa inaad diiqad yar dareento.

Waa inaad la xidhiirtaa dhakhtarkaaga sida ugu dhakhsaha badan hadii aad u malaynayso inaad jabti kugu dhacday.

Daweenta
Baarista iyo muunada la qaaday waxa lagu eegaa diirada "microscope" hadii uu jiro infekshanka jabtida. Xarumaha qaarkood jawaabta markiiba waa lagu siinayaa. Muunad kale waxa loo diraa laabka waxa ay inta badan qaadataa ilaa laba wiig. Daweentu waa muhiim, waana sahlantahay. Waxa lagu siinayaa antibiotics ah kiniin, sharoobo ama irbada.

Hadii aad xasaasiyad leedahay diid kiniinka antibiotics-ka, ama aad uur leedahay waa inaad dhakhtarkaaga u sheegt. Waxa muhiim ah inaad muddada dawada laguu qoray dhamayso (qaadashadeeda).

Hadii laguu sheegay inaad jabti qabtid, waxa laguu gudbin karaa lataliye caafimaad si uu kuusiiyo wixii talo ah. Lataliyehu waxa uu ku waydiinayaa inaad leedahay lamaane (nin ama xaas) si iyagana loo baaro inay xanuunka qabaan.

Waa inaad galmo samayn inta si fiican laguu daweenayo, laguuna sheegayo in xanuunkii kaa dhamaadey. Dhakhtarkaaga ayaa kuu sheegaya marka arintanu suurogal tahay.

Dabagal
Marka aad dhamaysato dawadaada waa inaad xarunta caafimaadka ku noqotaa wixii baaris ah ama dhakhtarkaaga.

Xanuunada jabtida qaar waxay adkaysi u leyihiin antibiotics-ka, khusuusan hadii aad debeda kasoo qaaday. Baaris dheeraad ah baa loo baahanayaa si loo hubiyo in xanuun baaba'ay. Hadii aaney baabi'in antibiotics kale ayaa loo baahanayaa.

Dumarka
Hadii aan la daweyn jabtidu waxay isu bedeli kartaa xanuunka "Pelvic Inflammatory Disease (PID)". Waxa xanuunka gaaraa dhabarka caloosha inta ka hooseesa xundhurta. PID waxay ka dhigi kartaa dumarka madhalays, ama ilmaha oo ka qoolma.
Hadii aad jabti leedahay oo aad ilme dhasho waxa aad waad qaadsiin kartaa. Waxaanu ilmuhu dhalan karaa isagoo indhaha ka xanuusanaya. Tan waa in la daweeyaa, hadii kale waxay sababi kartaa indha la'aan. Laakiin waxa fiican inta aanu dhalan in lagu daweeyo

Raga
Jabtidu waxay sababi kartaa mindhicarka iyo qaybta hoose oo bararta, taas oo keeni karta xanuun. Hadii aan la daween xanuuno kale oo tuubabka epididimis oo barara ama xannibma ayaa ka dhalan kara, kadibne madhalaysnimo keeni kara.
Marka jabtida lagaa daweeyo, masoo noqoto hadii aaney infekshankii dib kuugu dhacin.

Akhriso cudurada kale ee galmada lagu kala qaado: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,245.0.html
Wixii su'aalo dheeraad ah noogo soo dir link-gaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html

http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa Maxay Cudurka "Ebola"?

Started by Waxbaro!Board Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 46474
Last post December 10, 2007, 08:31:26 PM
by Waxbaro!
Waa maxey cudurka "Rubella Virus"?

Started by ManaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 28915
Last post January 24, 2009, 11:26:50 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Ha la ii faahfaahiyo cudurka kalamisada "Pre-eclamsia"?

Started by Mohamud FarahBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 18433
Last post May 02, 2011, 06:10:16 PM
by Drkheyre
Waa Maxay Bidaarta Cudurka ah ee "Alopecia"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Maqaarka

Replies: 0
Views: 95957
Last post April 21, 2015, 11:16:29 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay walaalayaal cudurka loo yaqaan infectionka xaglaha ama murqaha?

Started by TuuraqBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 27087
Last post February 05, 2011, 04:08:18 PM
by SomaliDoc