Author Topic: Waa maxay dhakaakuhu (Autism)?  (Read 64877 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Waa maxay dhakaakuhu (Autism)?
« on: April 27, 2008, 01:23:42 AM »


Inkastoo cudurkaan la ogaadey markii ugu horeesey sanadkii 1943, dhakaakuhu waa naafo aan aad loo aqoon.

Dadka dhakakaha qabaa jir ahaan naafo ma'aha, sida qof maskaxda ka dhaawac ah o kale; ma codsadaan kursi lagu riixo, waxaaney u muuqdaan si qof caadi ah oo naafo lahayn. Qarsoonaantaa awgeed, way adkaan kartaa inaad abuurto ogaansho iyo fahmo astaantan.

Sababtoo ah ilmaha dhakaakaha qabaa wuxuu u egyahay "caadi" dadka qaar waxay moodaan rabshoole ama in aan waalidku rabaynin ilmaha. Dadka aan aqoonini waxay dhahaan waa "saaqidnimo".
 
Waa maxay dhakaakuhu (autism)
Dhakaakuhu waa naafo muddo dheer la korta qofka oo saamaysa sida qofku ula hadlo iyo ula macaamilo dadka ku xeeran. Caruurta iyo dadka waaweyn ee qaba dhakaakaha waxay ku dhibanyihiin la xiriirka dadka kale si wax ku ool ah. Awoodooda inay asxaab samaystaan way koobantahay sida ay u koobantahay fahankooda dareenka dadka kale.

Dadka qaba dhakaakaha waxay had iyo jeer haystaan naafo waxbarshada ah, laakiin qof kasta oo xanuunkan qabaa waxa dhibaato ku ah sidii uu aduunka u fahmi lahaa.

Waxaa kale oo jira iin la dhaho "Asperger syndrome" kaas oo ah nooc dhakaake ah oo loo isticmaalo dadka aad ugu badanyahay dhakaakuhu. Wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan cudurkan "Asperger syndrome" waan ka hadli doonnaa.

Dhabtu waxay ula muuqataa qofka dhakaakaha qaba mid qasan, iyo dhacdooyin isku dhafan, dad, meelo, codad, iyo aragtiin. Waxaad moodaa inaad jid caddi jirin, hab ama macno waxba.

Waamaxay astaamaha dhakaakuhu (qofka maskaxda ka nuqsaanka ah)?
Dadka dhakaakaha had iyo jeer waxay la kulmaan sadex dhibaato; kuwan waxa loo yaqaan dejiyaasha dhakaakaha.

  • Xiriirka bulsho (dhibaatada xiriirka bulsho, tusaale in aad dadka ula muuqato mid fog oo aan dadka ka soocan (aan lala saaxiibi karin)).
  • La hadalka bulsho (dhibaato xaga hadalka afka iyo kaan afka ahaynba, sida fahan la'aanta hadalka, dhaqdhaqaaqa wejiga iyo codka laxankiisa).
  • Qiyaasida (dhibaatada korida, ciyaarista iyo qiyaasida, sida haysashada firfircooni kooban, oo uu qof ka soo eegtay kuna celcelinayo si joogta ah).

Maxaa keena autism - ka?
Sababaha dhabta ah ma muuqdaan, laakiin baaristu waxay muujisey in saameeyaal la dhaxlo ay muhiim yihiin. Waxa kale oo caddaan ah baarista in astaamooyin keeni karaan la xiriirida maskaxda koritaanka maskaxda, kuwaas oo dhaca ka hor, kadib ama xiliga dhalashada.
Soomaalida ku nool Minnesotta ayaa waxaa lagu arkay caruur badan inay xanuunkaan qabaan taasoo keentay walaac aad siyaado u ah, in tiro intaa la eg ay xanuunkaan haleelo taasoo in muddo ah dood ka taagneed sida in ay ka qaadeen tallaal laga qaato wadanka maraykanka ee loo yaqaanno "MMR", Fadlan halkaan ka akhriso dood aan kaga hadalnay arintaan sanadkii 2011

Daaweenta
Hadii daaweenta hore loo soo dhigo, waxa fiicnaanaya fursadaha qofku uu u helayo gargaar iyo taageero haboon.
Fadlan la xiriir takhtar aqoon u leh xanuunkaan si aad uga wada hadashdaan qaababka loo fududeyn karo dhibaatadaan iyo in aad isla fahantaan heerka uu cunugaagu gaarsiisan yahay dhakaakihiisa.

Aqoon khaas ah iyo taageero habaysan ayaa wax ka bedeli kara qofka haysta nolol dhakaaknimo ku jirto, taageeris in farsamada la buuxsho ayaa keeni karta in lagu guulaysto da'da dhalin yaranimo.

Wixii su'aalo ah ee ku saabsan qoraalkan halkaan ku weydii

Xanuunka Dhakaakaha iyo Soomaalida Minnesotta: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3251.0.html

http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


Offline Salaado cali

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 35
  • Points: +0/-0
Re: Waa maxay dhakaakuhu (Autism)?
« Reply #1 on: April 13, 2015, 04:36:02 PM »
Ilahay amarkii waxaa ii joogta gabdh labo jir ah hada oo aad u dabci xun markay socadka baranysay ayey markay jug gaarto mar laabad ku celin jirtay meeshay ka gaartay jugtaka dibna  ayeey ooyi jirtay marka waxan dagneen guri  aan qofna nala dagneen oo hooyo iyo aabe kaliyey arki jirtay inta badan suuqa ayaan u wadi jiray dadka kama ooyi jiran qofkii lahadla am qaada markay gaartay 11bil ayaan dagnay guri caruur laha oo dad badan isku imaado waxay bilaawaday oohin badan xanaaq  dad qaar ay ka oyso markay lahadlaan gabdhah la eg lamo ciyaari jiran wayba ka xanaaqaysaa waxay jeceleed inay kaligeed ciyaarto waxanan lagma taaban karo qolkeenan qof uma oglaan jirin  hada waa labo jir waxaan ku arkaa inaysan caruurta la ciyaari karin oo ay jecashahay inay u taliso caruurta ka wayen ama la eg hadii kale way oynaysaa dhulkay isku garaacaysaa marka qaar hadaad hadal ku dhahado way xanaaqaysaa oo cararysaa marka hurdo qabto oo kale waynaysaa ilaa yarnteedii marka tala iga siiye waxad ka fahnteen

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Waa maxay dhakaakuhu (Autism)?
« Reply #2 on: April 16, 2015, 11:16:27 AM »
Qasab ma ahan in xanuunkaan uu hayo sida aad tilmaantay waxaa dhici karo jawiga cusub oo aysan u baranin iyo boqortooyadii ay ku nooleyd in lala qeybsaday sidaa awgeed waxba haka walwalin waxaa laga yaabaa in dareenkeeda ay sidaas idin kugu soo gudbinayso, ka qeyb qaado in aad u badisid kalgacalka si ay u dareento waalidka inuusan waxba iska badalin oo meeshii loo guruaba jaceelka uu la socdo.

ha ku qasbin wax ay dhibsanayso, la soco xaaladeeda haddii ay saan ku waynaato oo ay keento dagaal siyaado ah, waa laga yaabaa markaas in aad takhtar la tashatid.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?

Started by KamalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 66502
Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Waa maxay "Angina"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 69526
Last post February 05, 2008, 07:56:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 62443
Last post September 01, 2009, 02:23:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "gynecomastia"?

Started by AnassmBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 46725
Last post May 06, 2018, 01:17:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Priapism"?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 44976
Last post January 22, 2019, 08:47:10 PM
by SomaliDoc