Author Topic: Maxaa keeno wadnaha inuu dalooshamo?  (Read 37899 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Maxaa keeno wadnaha inuu dalooshamo?
« on: December 28, 2015, 02:50:58 PM »


Waa maxay wadnaha duleelo?
Wadna oo duleela waa cillad ay caruurtu ku dhashaan, qaarkood way ku waynaadaan, qaarka kalane way ka bogsadaan markii ay koraan.
Sida ka muuqato sawirkaan hoose, wadnaha wuxuu u qaybsamaa laba dhinac, bidix iyo midig. labada dhinac waxaa kala xiro xuub eebe ugu talagalay inuu ku kala ilaaiyo in labada dhiig ee labada dhinac kala marayo in aysan isku qasmin, maadaama dhiiga ku jiro dhinaca midig uusan lahayn oksajiin, kan bidixa marayane uu oksajiin leeyahay, hadduu dalool wadnaha jiro waxaa dhicaya in labada dhiig ay isku qasmaan oo qofku ku yaraado oksajiinta, wadnaha shaqadiisane ay hoos u dhacdo.

Dhinaciiba waxaa sii kala qeybiyo xuub kale laakiin leh haniye ama meel furan oo loogu talagalay in dhiiga isaga gudbaan, marka wadnuhu wuxuu lahaanayaa 4 qeybood oo kala xiran, laba qeyb dhinaca bidix iyo labo qeyb dhinaca midig.

Marka daloolka wuxuu isku furi karaa labada qol ee kore, waxaana loo  soo gaabiyaa "ASD" ama labada qol ee hoose, waxaana loo soo gaabiyaa "VSD" sida ka muuqato sawirka kore.
"ASD" waxaa laga wadaa: Atrial Septal Defect (atrium waa magaca labada qolol ee kore ee wadnaha)
"VSD" waxaa laga wadaa Ventricular Septal Defect (ventricle waa magaca labada qol ee hoose ee wadnaha)

Caruurta badankood ku dhasha duleelka wadnaha horay lagama fahmo oo astaamaha waxay soo muuqdaan markuu cunuga dhaqdhaqaaqiisa uu bato ama culeys uu saarmo wadnaha, qaarkoodne hadduu duleelka yar yahay lama dareemo illaa in si kadis ah lagu arko iyadoo baaritaano la iska samaynayo mooyee.
hadduu duleelka uu yahay mid wayn isla markiiba waa la dareemaa oo ilmuhu ma koraan, astaamihii wadna xanuunkane way ka soo muuqdaan.

Maxaa keeno duleelka wadnaha?
Waa abuuris ilaahay oo ilmuhu way ku dhashaan, mana la sheegi karo waxa keenay, laakiin duleelada qaar waxay noqon karaan dhaxal, hadduu qof qoyska ka mid ah uu qabo cilladaan.
Xanuunada kale ee caruurta ku dhashaan ee iinta ah way lahaan karaan duleelka wadnaha sida xanuunka loo yaqaano "Down Syndrome" Akhriso waxa uu yahay xanuunkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,848.0.html
Hooyooyinka sigaarka cabo xilliga ay uurka leeyihiin waxaa la arkay in ay dhalaan ilmo wadnahooda duleelo markii loo fiiriyo hooyooyinka aanan sigaarka cabin.
Sababta saxda ah ee ka dambayso illaa iyo hadda lama hayo oo cilmibaaris dhowr ah ayaa ku socda arrintaan.

Astaamaha wadnaha duleelo:
  • Daal iyo tabardarri
  • Ilmaha oo markay ordaan, fariisto ama caruurta facooda ah aan la ciyaari karin
  • Neefsashada oo dhibayso
  • Sambabada oo biyo galaan
  • Miisaanka oo kori la'
  • Barar anqowyada, jilbaha, caloosha iyo dhabarka

Sidee lagu ogaadaa inuu duleel wadnaha jiro?
Haddii laga shakisan yahay duleel wadnaha inuu jiro waa qasab in aad la arko dhakhtar ku taqasusay wadnaha oo qofka xanuunsan la saaro qalabka wadnaha ee loo yaqaano "ECHO", waxaa laga yaabaa inuu dhakhtarka kuu diro baaritaano kale oo ay ka mid tahay raajada sambabada iyo dhiigaga ama waxyaabo kale.

Sidee loo daaweeyaa duleelka wadnaha?
Duleelada wadnaha ku dhaca badanaa markay caruurta yaryihiin lama daaweeyo oo waa loo sugaa illaa ay ka soo 5 illaa 7 sano, kadib ayaa dib loo eegaa oo la fiiriyaa haddii ay wax isbadal jirto iyo in qalliin duleelka lagu saxayo aanan laga maarmi karin.
Daawada duleelka wadnaha waa qalliin, qalliinkaas oo loo adeegsan karo siyaabo kala duwan, waxaa dhici karto in qofka loo daboolo duleelka iyadoo aan wadnaha la furin oo la adeegsanayo qalab fiilo oo kale ah oo xididka la raacsiiyo, waxaana loo yaqaanaa "Catheter Procedure".
Hadduu duleelka wadnaha uu wayn yahay sida in cunuga uu ku neeftuurayo ama ku daalayo naaska marka uu jaqayo, waa in la siiyaa taxadar gooni ah iyo nafaqayn dheeri ah si uu u koro.
Ilmaha qaar waxaa dhici karta in aan la qallin haddii noloshooda ay dabiici tahay oo uu dhakhtarka la socod xaaladooda wixii ku soo kordho.

Ka hortagga cudurada u soo dhuuman karo caruurta wadnaha ka duleelo:
Caruurta wadnaha ka duleelo waxay halis ugu jiraa dhowr infekshan, sidaas awgeed haddii cunuga lagu arko qandho ama xanuun waa isla markiiba daawo qallajiyayaal ah la siiyaa maadaama difaaca jirkiisu uu daciif yahay.
caruurta wadnaha ka duleelo waxaa lagula taliyaa in loo cadayo markasta oo ay seexanayaan iyo marka ay ka soo toosayaan.
Haddii lagu sameynayo qalliin ama waxyaabo kale sida in ilkaha laga siibo ama quumanka laga goynayo waa in taxadar dheeraad ah uu dhakhtarka muujiyaa oo uu siiyaa daawo antibiotic ah qalliinka ka hor.
Caruurta waa in laga ilaaliyaa ciyaaraha qaar sida banooniga ama xarig ka boodka ama wixii jimicsi la xiriiro si uusan wadnahooda u howlgabin.
Waa inuu cunuga leeyahay dhakhtar wadne oo si joogto ah ula xiriiro oo uu xaalidaasa ka warqabo.

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0

http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Diktoore, maxaa laga wadaa Reactive, Weak-reactive iyo Non-reactive?

Started by XidigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 55914
Last post July 02, 2017, 11:30:43 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Agoolka "Dandruff"?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 106919
Last post January 06, 2015, 08:30:19 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keni kara calol xanuunka iyo naaso xanuunka

Started by GacalsameBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 57928
Last post December 05, 2015, 01:19:38 PM
by SomaliDoc
Maxaa meydka loo qalaa? Waa maxay "Autopsy"?

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 62254
Last post April 06, 2016, 04:35:38 PM
by Mo Digdig
Su'aal: maxaa farqi u dhaxeeyo ragga leh jocorta iyo ragga aan laheen?

Started by JaakeyeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 28947
Last post June 11, 2017, 12:22:58 PM
by SomaliDoc