
Wacalaykum Salaam.
Walaal San-gororku wuxuu calaamad u yahay cudurro aad u badan, si lagu ogaadane sababta u keeni karta qof gooni ah waxay u baahantahay wareysi buuxa iyo baaritaanba, sidaa awgeed waxaan isku dayayaa intii karaankeyga ah in aan warbixin guud iyo talooyin kaa siiyo mushkiladaan.
San-goroku waa dhiiga ka yimaada sanka waana mushkilad guud taasoo ay ka timid in sanka uu ka mid yahay xubnaha ay quudiyaan xidido badan, wuxuuna ku yaalaa meel uu helis ugu jiro in dhaawac uu gaaro maadaama uu wejiga uu ka soobaxsanyahay, sidaa darteed wixii jug gaara wejiga sankane dhawac ayey gaarsiiyaan kadibne san-goror ayay keenaan.
Dhiiga sanka ka socdo wuu badnana karaa ama wuu yaraan karaa, waxayne ku xirantahay dhaawaca garay inta ay la egtahay.
San-gororka wuu bilaban karaa silama filaan ah iyadoo aysan jirin wax dhibaato ah oo gaartay qofka, taaso ay ka imaan karto qolfaha sanka oo qalalaan kadibne ay dilaacaan taaso ay u badantahay dadka ku nool cimilada qaleelka ah ama bilaha winterkaba, markii hawadu ay qalalantahay lana adeegsanayo kuleelalayaal guriga dheexdiisa.
San-gororku marka uu sahlanyahay aysan jirine wax sabab oo loo jeedo waxaa lagu istaajin karaa sidaan:
1- Farta iyo suulka ku qabo fooda hore ee sanka (qeybta jilicsan)
2- Si aayar ah dhinaca wejiga u cadaadi adigoo ku dhagan weli sanka.
3- Si tartiib ah madaxa horay ugu soo qalooci, gadaal inu qofka u liicsado ka ilaali waxay keeni kartaa in dhiiga gadaal u baxo kadibne uu keeno in dhiiga lagu sixado ama la neefsado.
4- Sidaa u hay ilaa 5 daqiiqo, aayar u fadhiisi qofka, kana ilaali inuu seexdo ama madax uu aad u foorariyo.
5- Baraf ku daboolan shukumaan ka saar saar sanka iyo dhabanada.
Hadii san-gororka istaago, aadna ka baqeyso inuu soo laabto sidaan samey:
1- Naso adigoo madaxaaga uu ka sareeyo qeybaha jirkaada oo kale (laba barkin isku saar qofka)
2- Ha diifsanin, sankane fartaada ha galin.
3- Qofkii sigaar caba waa inuu joojiyaa.
4- Cun cunto jilicsan, hana cabin wax kulul muddo 24 saac ah.
5- Ha qaadanin wax daawo ah oo jilciya dhiiga, sida asprin, warfarin iyo ibuprofen.
6- Hadii uu sanka gudihisia qalalanyahay waxaad dhkhatarkaaga ka doonataa kareem loogu talagalay oo jilciya qolfaha sanka.
7- Hadii mar labaad dhiiga uu soo laabto, sanka ka dhadiifi wixii xinjir ah adigoo safiican u diifsada waxaana dhakhtarkaaga ka doonataa daawooyinka lagu buufiyo sanka. (Hadii dhiga kar aad qabto ka fogow daawooyinkan)
U tag dhakhtarkaaga sida ugu dhakhsiyaga badan:
1- Hadii dhiigu istaagi waayo ama uu soo laalabanayo.
2- Hadii dhiigu uu badanyahay ama si aad ah u socdo.
3- Hadii aad dareemeysid wareer ama daciifnimo, dhiiga kaa baxay awgiis
Waxyaabaha keena san gororka waxaa loo kala qaadaa labo qeybood:
1- Mushkilad ku eg sanka kaliya oo ka imaan karta:
- Sabab aan la garaneyn
- Sanka oo wasakh gasho
- Sanka oo infakshan ku dhaca
- Sanboor joogto ah oo dhaawac sanka gaarsiiya
- Buro sanka gudihiisa ka soo baxda
- Daawooyinka qaar oo sanka laga qaato si joogto ah sida Steroid-ka
- Qaliin hada ka hor sanka lagu sameeyay
- Jug gaarta inta u dhaxeysa wejiga iyo sanka
- Qofka oo dhaawaca sanka gudihiisa isagoo caado ka dhigtay inuu fareeyo ama xoog u diifsado
2- Mushkilad ka baxsan sanka:
- Daawoyinka qaari sida: Aspirin, warfarin iyo ibuprofen
- Xasaasiyad jirka oo dhan ah, taasoo keeneysa in xidadu balaartaan kadibne dhiig ka yimaado
- Dhiiga oo jiran oo iska qulqula, aan si dhakhso ah ku xinjiroobin
- Kansarka ku dhaca dhiiga
- Cadaadisak dhiiga oo aad u sareeya
- Wadnaha oo hawl gaba, kaas oo cadaadis xoog leh saara aroorayaasha dhiiga (venous pressure)
- Maandooriyaasha qaar ka mid ah sida Cocaine
- Haweenka qaar markii ay uur yeeshaan
- Mushkilad ka jirta xidida jirka, si sahlan u dhiig baxaan.
- Infakshanada qaar oo la is qaadsiiyo
Si lagu kala sooco sababaha keena san-gorogrka aan kor ku soo xusay, dhakhtarkaagu wuxuu ku weydiin doonaa dhawr su'aalood waxaana ka mid ah kuwaan:
1- Meeqo ayuu dhiigu ka socday wiilka? ma 3-da sano ilaa hada dhiiga wuu socday?
2- Dhiiga ma labada dalool oo sanka ayuu ka socdaa mise hal dalool?
3- Dhiiga ma mid xinjir wata mise mid kalarkiisa is badalay?
4- Wax xanuuno oo kale miyaa la socda sida madax xanuun, indha xanuun?
5- Maxaad sameysaan si dhiiga aad u joojisaan?
6- Wax daawo ah uu qaato miyaa jirta ama cudur kale uu qabo?
7- Wax wareer ah, neef tuur, wadna garaac saaid ah iyo daciifnimo ma ka dareentay sidii uu u bilawday mushkiladan?
Waxaan kuula dardaarmayaa walaal Haldhaa, inaad wiilka dhakhtar u geyso sababahan awgeed:
1- Waxaad sheegtay in dhiigu uu badanyahay uu barkinta buuxinayo, tana waxay keeni kartaa dhiig yari
2- Waxaa jira sabab aad isleedahay inay mushkiladaan keentay oo ah jugta ka gaartay wejiga 3 sano ka hor.
Akhriso waxa keeno
"Cirid Dhiiga": http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1409.0.html
Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha:
http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.htmlhttp://somalidoc.com