Author Topic: Su'aal: San-Goror (Nose Bleeding)?  (Read 52742 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Haldhaa

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: San-Goror (Nose Bleeding)?
« on: April 27, 2008, 09:05:53 PM »
Salaamu calaykum dhamaantii waad ku mahadasantahiin webkan qiimahaleh illahay ajara iyo xasanaad hadinka siiyo dhamaantiin intii faaiidaysa iyo ka faaiidaba , walaal aniga waxaan u socdaa inaan addinsuaalo suaal. wax weeye, waxay ku saabsantahay gororka, sanka dhiiga, waxa jira wiil yaroo  gororaaya habeenkii markuu seexdo barkinta waaba buuxdaa fadalan maxaa keenaya ,-hadda kahor waxa jira mudo 3sano kahora dariishad uu  kasoo dhacay fooda ayuu dhulka ku dhiftay waxkaloo dhiba magaranaayo fadlan iisoo faadiye dawedeeda iyo dhibkaas by




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aaal (San-goror)
« Reply #1 on: April 28, 2008, 09:39:25 AM »


Wacalaykum Salaam.

Walaal San-gororku wuxuu calaamad u yahay cudurro aad u badan, si lagu ogaadane sababta u keeni karta qof gooni ah waxay u baahantahay wareysi buuxa iyo baaritaanba, sidaa awgeed waxaan isku dayayaa intii karaankeyga ah in aan warbixin guud iyo talooyin kaa siiyo mushkiladaan.

San-goroku waa dhiiga ka yimaada sanka waana mushkilad guud taasoo ay ka timid in sanka uu ka mid yahay xubnaha ay quudiyaan xidido badan, wuxuuna ku yaalaa meel uu helis ugu jiro in dhaawac uu gaaro maadaama uu wejiga uu ka soobaxsanyahay, sidaa darteed wixii jug gaara wejiga sankane dhawac ayey gaarsiiyaan kadibne san-goror ayay keenaan.

Dhiiga sanka ka socdo wuu badnana karaa ama wuu yaraan karaa, waxayne ku xirantahay dhaawaca garay inta ay la egtahay.

San-gororka wuu bilaban karaa silama filaan ah iyadoo aysan jirin wax dhibaato ah oo gaartay qofka, taaso ay ka imaan karto qolfaha sanka oo qalalaan kadibne ay dilaacaan taaso ay u badantahay dadka ku nool cimilada qaleelka ah ama bilaha winterkaba, markii hawadu ay qalalantahay lana adeegsanayo kuleelalayaal guriga dheexdiisa.

San-gororku marka uu sahlanyahay aysan jirine wax sabab oo loo jeedo waxaa lagu istaajin karaa sidaan:
1- Farta iyo suulka ku qabo fooda hore ee sanka (qeybta jilicsan)
2- Si aayar ah dhinaca wejiga u cadaadi adigoo ku dhagan weli sanka.
3- Si tartiib ah madaxa horay ugu soo qalooci, gadaal inu qofka u liicsado ka ilaali waxay keeni kartaa in dhiiga gadaal u baxo kadibne uu keeno in dhiiga lagu sixado ama la neefsado.
4- Sidaa u hay ilaa 5 daqiiqo, aayar u fadhiisi qofka, kana ilaali inuu seexdo ama madax uu aad u foorariyo.
5- Baraf ku daboolan shukumaan ka saar saar sanka iyo dhabanada.

Hadii san-gororka istaago, aadna ka baqeyso inuu soo laabto sidaan samey:
1- Naso adigoo madaxaaga uu ka sareeyo qeybaha jirkaada oo kale (laba barkin isku saar qofka)
2- Ha diifsanin, sankane fartaada ha galin.
3- Qofkii sigaar caba waa inuu joojiyaa.
4- Cun cunto jilicsan, hana cabin wax kulul muddo 24 saac ah.
5- Ha qaadanin wax daawo ah oo jilciya dhiiga, sida asprin, warfarin iyo ibuprofen.
6- Hadii uu sanka gudihisia qalalanyahay waxaad dhkhatarkaaga ka doonataa kareem loogu talagalay oo jilciya qolfaha sanka.
7- Hadii mar labaad dhiiga uu soo laabto, sanka ka dhadiifi wixii xinjir ah adigoo safiican u diifsada waxaana dhakhtarkaaga ka doonataa daawooyinka lagu buufiyo sanka. (Hadii dhiga kar aad qabto ka fogow daawooyinkan)

U tag dhakhtarkaaga sida ugu dhakhsiyaga badan:
1- Hadii dhiigu istaagi  waayo ama uu soo laalabanayo.
2- Hadii dhiigu uu badanyahay ama si aad ah u socdo.
3- Hadii aad dareemeysid wareer ama daciifnimo, dhiiga kaa baxay awgiis

Waxyaabaha keena san gororka waxaa loo kala qaadaa labo qeybood:
1- Mushkilad ku eg sanka kaliya oo ka imaan karta:
  • Sabab aan la garaneyn
  • Sanka oo wasakh gasho
  • Sanka oo infakshan ku dhaca
  • Sanboor joogto ah oo dhaawac sanka gaarsiiya
  • Buro sanka gudihiisa ka soo baxda
  • Daawooyinka qaar oo sanka laga qaato si joogto ah sida Steroid-ka
  • Qaliin hada ka hor sanka lagu sameeyay
  • Jug gaarta inta u dhaxeysa wejiga iyo sanka
  • Qofka oo dhaawaca sanka gudihiisa isagoo caado ka dhigtay inuu fareeyo ama xoog u diifsado

2- Mushkilad ka baxsan sanka:
  • Daawoyinka qaari sida: Aspirin, warfarin iyo ibuprofen
  • Xasaasiyad jirka oo dhan ah, taasoo keeneysa in xidadu balaartaan kadibne dhiig ka yimaado
  • Dhiiga oo jiran oo iska qulqula, aan si dhakhso ah ku xinjiroobin
  • Kansarka ku dhaca dhiiga
  • Cadaadisak dhiiga oo aad u sareeya
  • Wadnaha oo hawl gaba, kaas oo cadaadis xoog leh saara aroorayaasha dhiiga (venous pressure)
  • Maandooriyaasha qaar ka mid ah sida Cocaine
  • Haweenka qaar markii ay uur yeeshaan
  • Mushkilad ka jirta xidida jirka, si sahlan u dhiig baxaan.
  • Infakshanada qaar oo la is qaadsiiyo

Si lagu kala sooco sababaha keena san-gorogrka aan kor ku soo xusay, dhakhtarkaagu wuxuu ku weydiin doonaa dhawr su'aalood waxaana ka mid ah kuwaan:
1- Meeqo ayuu dhiigu ka socday wiilka? ma 3-da sano ilaa hada dhiiga wuu socday?
2- Dhiiga ma labada dalool oo sanka ayuu ka socdaa mise hal dalool?
3- Dhiiga ma mid xinjir wata mise mid kalarkiisa is badalay?
4- Wax xanuuno oo kale miyaa la socda sida madax xanuun, indha xanuun?
5- Maxaad sameysaan si dhiiga aad u joojisaan?
6- Wax daawo ah uu qaato miyaa jirta ama cudur kale uu qabo?
7- Wax wareer ah, neef tuur, wadna garaac saaid ah iyo daciifnimo ma ka dareentay sidii uu u bilawday mushkiladan?

Waxaan kuula dardaarmayaa walaal Haldhaa, inaad wiilka dhakhtar u geyso sababahan awgeed:
1- Waxaad sheegtay in dhiigu uu badanyahay uu barkinta buuxinayo, tana waxay keeni kartaa dhiig yari
2- Waxaa jira sabab aad isleedahay inay mushkiladaan keentay oo ah jugta ka gaartay wejiga 3 sano ka hor.

Akhriso waxa keeno "Cirid Dhiiga": http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1409.0.html

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Ummu Hafsa Och Hanan

  • Newbie
  • *
  • Posts: 7
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Re: Su'aaal (San-goror)
« Reply #2 on: December 17, 2011, 01:40:44 AM »
mudane doctor aad ayaan uga faaiiday waadna ku mahadsan tahay aniga waxaan qabaa canug yar 2 sano ma gaarin maalin ayay dhacday jug wayna ma u malaynayo inay gaartay waxay ku dhacday xusul qof ay dhabarkiisa ku cayaareesay dhiig ayaana ka yimid nadiifa sanka duleelkiisa midig hadana habeen ayadoo oyneeso oona jug gaarin sariirteedana aan jiif u geeyay ayaan ku arkay isla duleelki dhiig madow wadana xinjiro marka maxaad  u malayn kartaa doctor waana kuu sharaxay say wax u dhaceen waan ka wal walsanahay jawaabtaada iiga faa iidee qeer allaha kuugu badalee

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aaal (San-goror)
« Reply #3 on: January 06, 2012, 07:14:20 PM »
Sida aad ku sheegtayba su'aashaada wuxuu sangororka markii ugu horreeyay ku yimid jug ka gaartay sanka, dhiigaas oo ahaa mid fresh casaan ah, kadibne maalmo ka dib ayaa isla sankii ka yimid dhiig madoobaaday oo xinjirro wato, taasi wax dhibaato ah ma lahan waxayna u badan tahay in ay la xiriirto jugtii hore mana ahan wax dhib sanka dhaafsiisan ama maskaxda jirto.

Haddii dhiigga uu soo laalaabto ama xinjirro aad u waawayn ay si joogto ah uga soo baxaan waxaad u geysaa dhakhtar caruur si loo fiiriyo in cilladaan ay tahay mid halis ah iyo in kale.

Caafimaad ayaan u rajaynayaa cunugaaga.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Ummu Hafsa Och Hanan

  • Newbie
  • *
  • Posts: 7
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Re: Su'aaal (San-goror)
« Reply #4 on: January 08, 2012, 03:14:59 PM »
waan kuu mahad celinayaa doctor sida aad sheegtay waaye labadaas mar aan kuu sheegay ka dib kumaan arkin qayrna allaha ku siiyo

Offline Shoodhe

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Su'aaal (San-goror)
« Reply #5 on: January 11, 2012, 09:51:10 PM »
aadbaa umahadsantahay dictore

Offline Salaado cali

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 35
  • Points: +0/-0
Qoraxada iyo Sangororka
« Reply #6 on: April 05, 2015, 09:27:33 PM »
Asc wrb dhaqtiirta sharfta laha aad baan idinku mahadcelinaayee hawsha aad noo haysaan ilahyna ha idinka ajr siiyo
hadaba suashaydu waxay tahay maalintii aan ku socodo qoraxada oo aad u kulul waan sangororaa waana dhiig aan badan oo nadiif ah xijir ayuun ka bilaawdaa waan labo dhibici caml iyo labo xijir qiyaastii ayaan ayuu saas ahaanyaa ka bacadi waan iska feecanad hadana wuu soo noqdaa mudo ku dhow sadex sano ayaan qabaa thanks in badan

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: San-Goror (Nose Bleeding)?
« Reply #7 on: April 07, 2015, 04:15:18 PM »
Xilliyada dabeesha ay jirto, qoraxdane ay kulushahay, san-gororka wuu badan yahay waxaana keeno in xuubka sanka ay dabeesha qallajiso, kadibne xididada sanka ay dhaawacmaan saasne uu ku yimaado dhiigga.

Dadka way ku kala duwan yihiin wayna kala xidida jilcan yihiin, dad baa waxna ku noqon, dadne markay arkaan qorax kulul oo dabeel qallalan wadata way san-gororaan, si arrintaa looga hortago, waxaa sanka dulkiisa la marsadaa caream ka samaysan petroleum jelly, si kuleelka ama qalleyla aysan xididada yaryar ee sanka waxne u gaarsiin.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Inter menstrual Bleeding

Started by Ahmed_07Board Topics in Healthcare

Replies: 0
Views: 6576
Last post April 28, 2012, 04:46:17 PM
by Ahmed_07
Coffee, sex and blowing your nose could increase the risk of a type of stroke.

Started by DrkheyreBoard Health News and Events

Replies: 0
Views: 6086
Last post May 08, 2011, 07:45:29 PM
by Drkheyre
Gum bleeding need not come with pain

Started by Claire24Board Pre-Dental and Dental

Replies: 4
Views: 22355
Last post December 01, 2010, 02:25:41 PM
by Jackanderson
Bleeding

Started by Abdullahi!Board Questions, Exams & Study tips

Replies: 3
Views: 7968
Last post April 25, 2008, 10:30:38 AM
by Abdullahi!
Nose Picking

Started by Guled1Board Feel Free Here

Replies: 2
Views: 6589
Last post February 19, 2010, 08:06:40 PM
by Yaxya