Author Topic: Su'aal: Maxa Keena Cago-barar?  (Read 46270 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Hafsa Isse

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Su'aal: Maxa Keena Cago-barar?
« on: March 29, 2015, 11:29:35 AM »
A salaam calaykum  Dhakhaatiirta  Sharafleh

Waxa ibarar cagaha  barar siyaada ah inta canqowga ka hooseysa  hadn farta  ku mudu god bay noqota  way tuqmaysa
maxa tala walal ?
 

many thanks




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Maxa Keena Cago-barar?
« Reply #1 on: March 30, 2015, 04:32:48 PM »


Caga bararka waa arrin dad badan ay ka sheegtaan, qasab ma ahan in ay xanuun ama cillad caafimaad ay la xiriirto.

Qofka hadduu in muddo ah taagnaado ama uu fadhiyo ama socod dheer uu soo galo way bararaan.
Hadduu qofka lugaha uu cadaadis saaro sida in kabo ku dhaggan uu qaato iyadane cadaadis way keentaa.

Xilliga uurka in anqawga iyo cagaha ay bararaan iyadane waa arrin caadi ah, inkastoo xanuun uurka la socdo sida dhiigkarka uu cagaha bararin karo.

Xanuunnada keeno caga bararka waxaa ugu horreeyo:
1- Dhaawac hadduu gaaro anqawga ama kalagoyska cagta is inay murgacato ama laabanto oo kale.
2- Haddii cillad xagga scodoka dhiigga uu jiro sida xanuunka xinjirowga arooriyaasha ee loo yaqaanno "DVT" oo halkaan aad ka akhrisan kartid: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1460.0.html
3- Haddii cillad ka timaado xagga qanjirrada dheecaanka lugaha ka qaado sida in ay bararaan oo kale taasoo keenayso in dheecaanka lugaha ku aruuro, tan ma ahan mid aad u badan, bararka ay keentane ma ahan mid diismaayo ama farta ay gali karto.
4- Haddii ay jirto cillad xagga wadnaha taasoo keenayso in dhiigga uu cagaha ku haro oo wadnaha awood lahayn inuu ku saaro, sida wadnaha oo bararan iyo haddii howlgab wadno ay jirto.
5- Dhiig karka markuu kacsan yahay oo muddo sidaa ahaado wuu keenaa caga barar iyo neeftuur ama xiiq markuu qofka howl qabto ama jaranjaro uu fuulo waana calaamad cadaadis wadne.
6- Haddii cillad xagga beerka ma kilyaha ka jirto iyadane cagaha barar way galiyaan inkastoo bararka beerka la socdo uu caloosha ka billaaban karo, midka kilyaha la socdane uu wajiga ma indhaha hareerahooda oo ka billaaban karo.
7- Daawooyinka qaar way keenaan cago barar sida daawooyinka hormoonnada, kuwa ka hortagga uurka, daawooyinka dhiig karka qaar ka mid ah, daawooyinka "steroids-ka", daawooyinka diiqada iyo welwelka loo qaato qaar ka mid ah iyo daawooyinka sonkorowga loo qaato qaar ka mid ah iyagane.
8- Miisaanka ama cayilka wuu ka qeyb qaataa cago-bararka taasoo ka dhalan karta cadaadis saarma kala-goyska.

Haddii aad cago barar isku aragtid aad is leedahay xanuun ayuu la xiriiri karaa ka mid ah kuwa aan kor ku soo xusnay waxaa habboon in aad la xiriirtid takthar si laguu baaro.

Cago-bararka la xiriiro xanuunka wadnaha, kilyaha, beerka, dhiig-karka, cayilka iyo daawooyinka waxaa lagu arkaa labada lug.

Qasab ma ahan in cago-bararka uu la socdo xanuun si loo dhaho cillad caafimaad ayaa keentay, cago-bararka badanaa xanuun ma wato.

Bararka markuu fudud yahay ama billow yahay, waxaa lagula taliyaa qofka inuu lugaha uu meel sare saaro si uu bararka uga dago, laakiin haddii joogto ay noqoto ama ay soo laalaabato, la xiriir takhtar.

Haddii dhiig-kar, sonkor ama kolestarool aad qabtid fadlan daawadaada joogtey, lana soco xaaladaada caafimaad sida in aad cadaadiska dhiigga ama sonkorta aad joogto iskaga baartid oo kale.

Talo
1- Istaagga ama fadhiga badan iska ilaali
2- Miisaankaaga yareey
3- Jimicsi joogto ah sameey
4- Daawada xanuunkaaga si joogto ah u qaado.
5- La xiriir dhakhtar haddii aad isku aragtid cago-barar leh calaamado kale sida neefsasahda oo ku dhibayso ama qufac ama tabardarri ama kaadidaada oo yaraato ama indhahaaga oo midab huruud yeesho ama daqnasho lugaha ah.
6- Ha xiran kabo kugu dhaggan.

Haddii aad faahfaahin dheeraad ah u baahan tahay ama su'aalo kale aad qabtid waad na soo waydiin kartaa.
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Hafsa Isse

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Maxa Keena Cago-barar?
« Reply #2 on: April 05, 2015, 11:55:04 AM »
 asc
Dear Somaali Doc Team

wa cuna  cuno cusbadu ku badnthay  , Muruquhuna wa ixanuunaan lkn wax dhaaawac igama gaarin

 Many Thanks

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Maxa Keena Cago-barar?
« Reply #3 on: April 07, 2015, 04:08:20 PM »
Fadlan takhtar la xiriir si xanuunada aan kuu sheegay lagaaga baaro.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Maxaa Keena: Calaacalaha Gacmaha Iyo Cagaha Inta Cadcad Oo Marna Kulul Marna Qabow?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 26808
Last post March 10, 2012, 02:33:13 PM
by SomaliDoc
Maxaa keena inuu sanka korkiisa finan yar oo malax ku jirto kasoo baxo=?

Started by CfatahBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 23365
Last post June 16, 2009, 10:44:01 PM
by SomaliDoc
Maxaa keena in ay dibnahaaga qolof cad korto? Maxaase lagula tacaali karaa?

Started by Cabdi2Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 24114
Last post February 15, 2016, 05:22:18 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keena kor cuncun waliba jirka dhan gasatan naaasaha?

Started by NehaaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 11952
Last post February 06, 2016, 03:31:04 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keena in lugaha biyo galaan dadka sokorta qaba?

Started by Iraado MacalinBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 9128
Last post March 26, 2016, 02:29:50 PM
by SomaliDoc