Author Topic: OGEYSIIS (Dhamaan Xubnaha Cusub)  (Read 6063 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Admin

  • Administrator
  • *****
  • Posts: 1489
  • Points: +60/-0
  • Gender: Male
  • Towards a better peaceful and healthy life!
    • Somali Medical Association
OGEYSIIS (Dhamaan Xubnaha Cusub)
« on: April 28, 2008, 01:25:05 PM »
Waxaa halkaan ka salaamayaa dhamaan xubnaha cusub ee ku soo biiray webka.
Waxaan jeclahay in aadan idin la socodsiiyo dahwr arrimood kana jawaabo su'aalo iga soo gaaray qaar idin ka mid ah:

Sidee su'aal u weydiin karaa?
Hadii aad xubin tahay leedahayne magac iyo password aad ku soo gasho webka waxaa awood u leedahay inaad su'aal soo gudbiso.
Waxaa booqataa bogaan oo loogu talagalay su'aalah laguna magacaabo "Ask Doctor".
Markii aad furto waxaad arkeysaa qoraalo dhawr ah oo ah su'aalihii laga jawaabay, waxaa ka koreeya sadar buluug ah, oo dhinaciisa midig waxaad ku arkeysaa meel ay ku qorantahay "New Topic", halkaa riix, kadib waxaa kuu furmaya bog kale oo banaan ku qor su'aashaada cinwaankeeda iyo waxa ay ka koobantahay kadib dir adigoo riixa button kale oo hoos ku yaal oo la dhaho "Post"

Sidee ku ogaan karaa in su'aashaan hada ka hor laga jawaabay?
Waxaa booqataa bogaan (Somali Topics) oo aad ka heli karto dhamaan su'aalaha iyo qoraalada ku saabsan afsomaliga ee webka ku qoran ilaa iyo hadda.

Sidee ku ogaadaa in la iiga soo jawaabay su'aasheyda?
Waxaad ku ogaan kartaa dhawr siyaabood oo kala ah:
1- In aad soo booqatid bogga su'aalaha oo hadii aad aragtid in uu yeeshay calaamad "new" ah ay macnaheedu tahay in laga jawaabay
2- In aad fiirisid bogga hore ee forumka qeybtiisa hoose oo aad ka heli kartid 40-kii qoraal ee ugu dambeeyay ee la qoray in ay ku jirto su'aashaada iyo qofka ka jawaabay oo ku hor qoran.
3- In inta aadan "Post" dhihin su'aashaada aad doorato box-ka ay ku qorantahay "Notify me of replies" oo aad ka heli karto meesha ay ku qorantahay "Additional Options..." buttonka "post" ka kor dhinaca bidix, kadib isla markii lagaaga jawaabo su'aashaada si automatic ah waxaa kuu imaanaya email kuu sheegaya in lagaaga jawaabay su'aashaada. (emailka laguugu soo diri doono waa emailka aad isku register gareysay)

Meel kale oo aan su'aalaha ku soo gudbin karo miyaa jira?
Su'aashadu hadii ay tahay mid shakhsi ah oo adiga kaliya in ay kugu ekaato aad jeceshahay waxaad ku soo diri kartaa emailkaan help@somalidoc.com hadii su'aashu aysan aheyn mid shakhsi ah lagama jawaabi doono hadii aad ku soo dirtid emailkaas.
F.G: waxaa jirta meesha ugu koreysa forumka oo ay xubnaha qaar ku sheekeystaan, meeshaas looguma tala galin in su'aal lagu weydiiyo maxaa yeelay sababahaan soo socda awgeed:
1- Qoraalka halkaan lagu qoro wuuu tirtirmayaa dhawr sadar kadib
2- Dadka oo idil wada arki maayaan su'aashaada.
3- Adiga hadhowdii dib uma raaci kartid jawaabta.

Sidee u fahmi karaa isticmaalka webkan?
qoraalkaan oo kuu sharxaya ka akhriso http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=40.0

Sidee isku register gareeyaa?
Halkaan iska regiser gareey: http://somalidoc.com/smf/index.php?action=register

Sidee u soo ceshadaa magacii iga lumay ama passwordkii?
Bogaan fur (Forget login) kadib gali emailkaaga aad isku register gareysay hada ka hor waxaa laguu soo dirayaa link kuu sheegaya sidii aad ku soo ceshan laheed magacaaga ama passwordkaaga isla markiiba.

Sidee ula xiriir karaaa qof gooin ah?
Qofka aad rabto in aad message u dirto magaciisa click sii kadib bogga kuu furmaya, waxaad ka heli kartaa emailkiisa, hadii uu qarsanyahay emailka, waxaad u diri kartaa message adigoo click siiya meesha hoose isla bogga ay ku qorantahay send personal message to this member.

Ma sameysan karaa magac kale?
Lama ogola in halkii qof uu yeesho dhawr magac, hadii ay dhacdane waa la kansali doonaa, hadii ay jirto sabab aad u dooneyso in aad magac kale u sameysato nala soo socodsii admin@somalidoc.com

Hadii ay jiraan su'aalo kale oo aan ka jawaabin, hlakaan ku weydii.

Thanks


"you never cure a patient, you treat pain often but you always comfort the patient."
www.somalidoc.com


 

Qadashada Ardayda Cusub ee Kulliyada Cafimaadka Norman Bethune ee Dalka CHINA

Started by Dr.RashaadBoard I want to Study Medicine

Replies: 3
Views: 15465
Last post April 07, 2011, 11:28:26 PM
by Diagnostic
Frankincense (Xabag): Reer galbeedka oo soomalida ka faaiday daawo cusub!

Started by AdminBoard Health News and Events

Replies: 1
Views: 18160
Last post June 24, 2011, 02:26:05 AM
by Dr.Adnan
Dood Wanaag: Jaamacado Caafimaad ee Cusub (Faaido iyo Dhibaato)?

Started by Waxbaro!Board Feel Free Here

Replies: 10
Views: 20034
Last post March 06, 2011, 05:46:52 PM
by Pharmacist
Su'aal: MAXAAAN SAMEEYAA INTA AANAN ISARAG XAASKAGYA CUSUB?

Started by Khadar CaliBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 13691
Last post January 29, 2012, 02:37:24 PM
by SomaliDoc
(MSF) Casuumaad: xafladda soo bandhigista buuga cusub ee “Out of Somalia” ..

Started by DrkheyreBoard Health News and Events

Replies: 0
Views: 7237
Last post June 16, 2012, 06:34:41 PM
by Drkheyre