Author Topic: Hal kaniini ayaa ku filan malaariyada!!  (Read 7737 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Admin

  • Administrator
  • *****
  • Posts: 1489
  • Points: +60/-0
  • Gender: Male
  • Towards a better peaceful and healthy life!
    • Somali Medical Association
Hal kaniini ayaa ku filan malaariyada!!
« on: March 01, 2007, 08:08:35 PM »
Shirkad la yiraahdo (DNDi) loona soo gaabiyey Drugs for Neglected diseases ayaa waxay ay soo saartay daawadaan oo lagu magacaabo "ASAQ".
Daawadaan waxay kakoobantahay laba daawo oo la isku daray oo kala ah (artesunate + amodiaquine).
Inkastoo "WHO" ay jeceshahay in malaariayda lagu daaweeyo daawooyinka ku base gareysan artemisinin laakiin daawooyinkaan ayaan ku filneyn dadka loogu talaglay inay gaarto maxaa yeelay sanad walbo waxa ay malaariayda ku dhacdaa in kabadan 400-500 million qof.
Sanadkii lasoo dhaafay MSF waxa ay isticmaashay daawadaan laakiin oo laba kaniini kala ah inta aan la isku darin oo waxa ay ku daaweysay in kabadan 1,7 million qof.
SMF maanta waxa si diiran ay usoo dhaweysay daawadaan raqiiska ah oo hal marne laqaadanayo maalintii inta la qaadan lahaa afar kaniini maalin walba.
Daawadaan mar dhaw ayey suuqa soo galeysa iyadoo lagu heli karo qiimo jaban, SMF-ne meelaha ay ka shaqeyso way ka bilaabi doontaa daawadaan isticmaalkeeda sida ay sheegeen.

By: Dr.Mahdi


"you never cure a patient, you treat pain often but you always comfort the patient."
www.somalidoc.com