Author Topic: Xajiinta Gacmaha (Irritant Hand)  (Read 37901 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Xajiinta Gacmaha (Irritant Hand)
« on: May 08, 2008, 04:20:18 PM »


Maxay tahay?
Xajiinta maqaarka (xajiinta ama eksimada) waa caabuq ku dhaca jirka oo keena in jirku guduuto, cuncun yeesho qolofina fuusho.
Maqaarka oo midab yeesha wuxuu noqon karaa beerbal halkii uu ka noqon lahaa guduud ama ku fogaan lahaa midabka maqaarka.

Xaggee ku dhacdaa?
Markay ku dhacdo gacmaha, waxay kaloo yeellan kartaa nabaro farta geeseheeda ah ama calaacasha. Gacmuhu waxay noqon karaan kuwa qalalan oo xannuuna iyo dildilaaca ka muuqda calaacasha iyo wareega faraha.

Maxaa sababa iyada?
Gacmaha oo si joogta ah loo qooyo ama qalajiyo, iyo iyadoo saabuun ama waxyaallaha wax lagu dhaqo ama xajiimay-yaalka kale carruurtaada markaad hagaajinayso ayaa laga yaabaa inay gacmaha xajiin u yeellaan. Haddii qofku u nugul yahay inuu yeesho xajiin maqaarka ah, waxay u badan yihiin inay gacmaha ku yeeshaan xaajiin. Laakiin badanaa xajiinta ku dhacda gacmaha maahaa xasaasiyad.
Tamarta oo kaa dhamaata, daalka iyo cadaadis kugu yimaada ayaa sii xumeeya xajiinta maqaarka. Xoqidu waxay keentaa maqaarka kore ee jirka oo goá iyo xajiinta maqaarka oo laga yaabo inay hurgunto. Xajiinta maqaarka gacanta waa ka sii dara inta qaboobaha lagu jiro oo hawadu qabowdahay waxayna keentaa in qoyaanka hawadu yaraado maqaarkana qalajiyo.
Taabashada waxyaallaha kale ee qalajiya maqaarka sida turpentine, kerosene, batrool, qalabka guriga, beerfalida iyo diyaarinta cuntada ayaa kugu sii siyaadinaya dhibaatada.

Sidee lagu daaweeyaa?
Qaybweyn oo ka mid ah maamulida xajiinta maqaarka gacanta waa in laga fogaado waxyaallaha maqaarka xajiinta u keenaya. Kaas waxaa ku jira yaraynta gacan ku dhiqida, taabashada saabuunta, kuwa alaabta lagu nadiifiyo iyo waxyaallaha kale ee milma ama xajiinta leh. Galoofiska cudbiga ayaa u fiican shaqada badan. Shaqada khafiifka ah galoofiska cudbiga hoos ka ah ayaa loo isticmaali karaa. Galoofiska rabbarka keliya ahi waxaa laga yaabaa inay sii xajiimeeyaan maqaarka dhididka dartiis.
Faraatigu waxaa laga yaabaa inuu saabuunta, kiimikaalka iyo biyaha hayo waana in la iska bixiyaa ka hor inta aan gacmaha la dhiqin ama ka hor inta aan shaqada guriga la bilaabin.
Faraatiga maqaarka ka hooseeya waa la qalajiyaa. Ammonia-da ku jirta naabiga iyana waa keentaa xajiinta. Naabiga waa in lagu qabtaa birqabad ama galoofis si looga fogaado in gacmuhu taabtaan. Biyaha keligood waxay noqon karaan kuwa xajiinta keena iyagoo ka dhaqaya maqaarka saliidii.
Kuwa qoyaanka u yeella maqaarka sida kareemka sorbolene-ta ama boomaatad baaba’da ayaa la isticmaali karaa meeshii saabuun laga isticmaali lahaa. Sidoo kale waxaa joogta loo mariyaa maqaarka maalinimada si ay jirka u qooyaan dhiqida ka dib. Marka maqaar xannuunku kacsan yahay, kareem ka cortisone-ka ama boomaatada dhaqtarku qoray ayaa laga yaabaa inay dejiyaan caabuqa. Daaweynta infakshan kasta waxaa laga yaabaa in uu u baahdo antibaayootik dhakhtar qoray.
Marka maqaarka xannuunku dego, waa in la joojiyaa kareemka cortisone-ka.
Si looga hortago xannuunka maqaarka waa in la wadaa ku celcelinta kuwa jirka qooya waana in la sii wadaa iska ilaalinta waxyaallaha xajiinta keena.
Badanaa, maqaarka oo uu baaro dhaqtarka maqaarku wuxuu muhiim u noqon karaa in la ogaado haddii xasaasiyad dhab ahi dhacayso. Haddii xasaasiyadi dhici lahayd, muhiim bay noqon lahayd in la iska ilaaliyo kiimikada.

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0

http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Maxaa Keena: Calaacalaha Gacmaha Iyo Cagaha Inta Cadcad Oo Marna Kulul Marna Qabow?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 26815
Last post March 10, 2012, 02:33:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Shanqarta xubnaha jirka oo dhen sida lowyaha iyo gacmaha?

Started by CabdulahiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 21243
Last post February 27, 2011, 09:46:36 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuun Iga haysta Gacmaha murqahooda iyo Bowd-yaha Lugaha

Started by AbdirizakBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 6
Views: 28140
Last post May 07, 2011, 09:17:44 AM
by Abdirizak
Su'aal: waxaan dareemaa tabar darri xagga gacmaha ah?

Started by Dr baddalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7951
Last post April 11, 2011, 07:21:39 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxa sababo dhididka gacmaha iyo lugaha oo joogto ah?

Started by SahnuunyarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8928
Last post May 15, 2013, 03:42:08 PM
by SomaliDoc