Diseases and Conditions > Cudurrada Caruurta
Waa maxay Cabeeb, Yuuna ku dhacaa?
(1/1)
SomaliDoc:
Wa Maxay Cabeeb?
Cabeeb-ka waa infakshan guud oo ku dhaca jirka meelihiisa jilicsan khaas ahaan xuubdheecaanka "mucous membrane" sida Afka, Ibta naasaha iyo Cawrada.
Waxaana keena jeermiska khamiiriyaha ee loo yaqaan Candida albicans. Waxay jeceshahay inay ku korto meelaha diiran oo qoyan sida afka (oral candida), waxayna ku dhuumataa maqaarka ku yaalla sarcanta, dabada agagaarkeeda, marmarka qaarkoodna kilkilada.
Afka gudahiisa, waxay ku samaysaa meela cad cad oo guduud ku jiro. Badanaa wareega camanka, laakiin marmarka qaarkood wuxuu galaa ciridka, dhabxanaga ama carabka.
Cabeebka wuxuu ku dhacaa badanaa maqaarka meelaha sarcanyuhu ku yaalliin. Dabadeedna waxay ku fidaan bawdyaha ama barida meelaha ka fog maqaarka kaas oo ay wax yeeshay jeermiska candida. Midkaani caam ayuu ku yahay meelaha naabiga lagu xiro halkaas oo qoyan isla markaana diiran. Meelaha infakshanku ku dhashay waxay yeeshaan guduud waxaana dhici kara in wax fuulaan qarka laymanka yaryar oo ku fidaya meelaha maqaarku ka laaban yahay.
Yuu ku dhacaa Cabeebka?
1- Caruurta yaryar, waxaana ku badan nooca afka, taasoo u keenta ina y diidaan wax cunista ama nuujinta naaska.
2- Dadka xirto ilkaha aartifiishalka ah, weliba haddii aan habeenkii la iska siibin markii la seexanayo ama joogto loo nadiifinin.
3- Dadka joogteeyo cunista qallajiyaha ama antiobitikada, tanoo disha bakteeriyada fiican ee jirka ka ilaalisa cabeebka iyo wixii la mid ah.
4- Dadka ku luqluqdo daawooyinka lagu dilo bakteeriyada af-ka.
5- Dadka isticmaalo daawooyinka difaaca jirka hoos u dhigo sida "steroids-ka" oo soomaalida aad u isticmaasho iyo daawooyinka neefta loo qaato oo iyadane ay ku jiraan.
6- Dadka badnaa afkoodu qalalan yahay oo aan calyadu ku yartahay, waxay fursad siisaa in jeermiska Candida ku dhex tarmo afka.
7- Dadka sonkorta qabo waxay halis ugu jiraan xanuunkaan maadaama sonkorta ay dhiigga macayso, difaacane hoos u dhigto, taasoo ku kaalmaynayso jeermiskaan inuu tarmo.
8- Dadka dhiig-yarida hayso ama ay ku yartahay vitamiin-ka B12.
9- Dadka difaaca jirkooda liito sida dadka Aydhiska qabo.
10- Dadka sigaarka cabo way kaga nugul yihiin dadka kale inuu cabeeb ku dhaco.
Maxaa lagu gartaa Cabeebka?
Cabeebka waxaa qaba boqolkiiba 20% dadweynaha iyadoo aan keenin wax dhibaato ah. Haddii ay jiraan xaallada gaara, sida isticmaalida antibaayootikis, waxaa dhici kara in cabeebka intii ka sii weynaato. Waxaa dhici karta cuntada afka lagaga tegay sida cabitaana macaan ama caano, inay qayb ka qaadato koritaanka infakshanka cabeebka.
Qoyaanka iyo diirimaadka meelaha diiran (meelaha laabma ee maqaarka) khaasatan meelaha jirada maqaarku ay ka jirto, ayaa ka dhigi kara cabeebka infakshan inay noqoto.
Calaamadahaan soo socdo iska fiiri, hadduu kaaga dhaco:
1- Afka: nabro cadcad ama gaduud carabka, dhanxanaga ama daamaha gudahooda oo ku xanuuna markaa wax cunaysid.
2- Cawrada ama Farjiga: waxaa lagu gartaa cuncun iyo qoyaan cad oo labeen-ta u eg oo aan dhakhso fuqaynin, fadlan halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan sababtu xanuunkaan ugu badan yahay haweenka soomaalida: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5709.0.html
3- Ibta naasaha: wuxuu aad ugu badan yahay haweenka ilmaha nuujiyo, waxaana lagu arkaa dildillaac yar oo loo maleeyo in sakiin lagu jaray aadna u xanuun badan xilliga naas nuujinta, halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1438.0.html
Sadaxdaa meel ayaa ugu badan meelaha cabeebka uu ku dhaco, intaba waa meelo jilicsan oo qoyan oo jeermiskaan ku tarmi karo si sahlan.
Haddii aad istaamahaas isku aragto fadlan la xiriir takhtarka si laguugu qoro daawo loogu tala galay, maxaa yeelay daawooyinka kale way kaaga sii darayaan sida kareemyada la marayo oo badanaa ku jiraan maadada "Steroid-ka" iyo qallajiyayaasha oo sii faafiya xanuunkaan.
Sidee lagu daaweeyaa?
Daawada loogu tala galay cabeebka waxaa ka mid ah kareem la mariyo meelaha naabiga aafeeyey iyo jel ama goojo la mariyo ama lagu shubo afka. Haddii hooyadu yeellato cabeebka ibta waxay u baahnaan doontaa daawo dhakhtar u qoro.
Daawadaan waxay leedahay kaniini iyo cirbad, waxayna ku xiran tahay daawada nooca lagu siinayo heerka uu gaarsiisan yahay cabeebkaaga.
Sidee looga hortagi karaa Cabeebka?
Cabiraada guud oo inaka caawimaysa in lagu hortago cudurkaan waxa weeye in la ogaado waxay jeceshahay waana:
* Joojinta antibaayootikiska sida ugu dhaqsaha badan.
* Si taxadaran u qalajinta meelaha maqaarku ka laabmo qubayska ka dib
* Isticmaalida dhar aan kugu dheganayn si aad isaga ilaaliso inaad kululaato
* Xakameynta heerka sonkortaada ama macaankaaga
* Qaadashada cunno nafaqo leh.
* Iska daaweynta xanuuanda difaaca jirka hoos u dhigo.
* Joojinta cabidda sigaarka iyo aalkoloda
Cabeebku waa xanuun dhakhtar guud uu daaweyn karo, laakiin hadduu dhakhtarka uu dareemo in cabeebka uu kugu soo laalaabanayo wuxuu kugula talin karaa in baaris dheeraad ku sameeyo jirkaaga sida in la baaro difaaca jirkaaga inuu hooseeyo iyo in kale.
Haddii aad qabtid su'aalo dheeraad ah ama faahfaahin u baahan tahay, halkaan ku waydii
http://somalidoc.com
Navigation
[0] Message Index
Go to full version