Author Topic: Qalliinka Hooyada Uurka leh (Caesarean section)  (Read 53344 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Qalliinka Hooyada Uurka leh (Caesarean section)
« on: May 15, 2008, 01:11:37 PM »


Dhallida qallinka, dhakhtarku wuxuu sameyn doonaa jeexdin gumaarka korkiis ama caloosha qaybteeda hoose iyo ilmo galeenka oo laga soo bixin doono cunugga. Waa inaad maskaxda ku haysaa dhalida qallinku uu marwalba suuragal noqon karo, inkastoo haween badan suragalkaas uu mid yar yahay.

Sababaha Qalliinka
  • Xaaladaha qaarkood rabitaanka qalliinku horey baa loo saadaalin karaa waxaanad heli karta wakhti aad isugu diyaariso waxaana ka mid ah:
    • Daba keen (Cunuggu markuu u yimaado lugaha ama bowda marka hore).
    • Gudub (Cunuggu marku u yimaado dhinac).
  • Xaalada kale go'aanka qallinka waxaa suubindoona dhakhtarka, haddii ay jiraan dhibaato degdeg ah inta foosha socoto. Waxaa ka mid ah:
    • Miskaha oo yar ama cunugga oo weyn.
    • Cunugga oo mushkilaysan oo macnaheedu yahay in uusan u dulqaadan karin foosha.
    • Dhiig bax ka yimaada xubnaha dhalmada macnaheedu wuxuu noqon karaa iyado ay jirto dhibaato ebida iyo cunuggaaga oon helayn dhiig ku filan, ogsijiin iyo nafaqo u marta xudunta.
  • Sababo kale oo keena qalliinka waxaa ka mid ah:
    • Dhibaato cafimaad oy ka mid tahay sonkorowga, isqaadasha la'aanta dhiiga ama casabiyada dhiiga oo kacsan.
    • Jeermiska cudurka dhliya oo firfircoon lana xiriita minka afkiisa, candhada ama faruuryaha, sida heerbiska (waa cudur gala maqaarka keenana maqaar dildilaac).

U Diyaar Garowga Qallinka
Intaan qalliinku dhicin waa inaad waxyabahan soo socda sameeysa:
  • Saxiix ogolaansho qalliinka
  • Dhiig qaadid
  • Caloosha dhiqid iyo xiirid
  • Bilow faleebe "Canula" iyo kaadi soo qaade lagu gesho.
  • Waraysi uu dhaqtarka suuxdinta kula yeesha.

Ilmaha lagu Qalay ama Uurdoox
Jeexdin ayaa lagu sameynayaa darbiga caloosha iyo ilmo galeenka. Jeexdimahaas waxay noqon karaan kor ama hoos (dherer) ama (gudub). Cunugga iyo ebidaba waxaa laga dhalinaya jeexdintaas daqiiqado yar gudahood marka qalliinka la bilaabay. Dabadeed jeexdimaha waa la xiri doona iyadoo qaadan doonta ila hal saac. Qalliinka ka dib, waxaa laguu dhigi doona qolka so naaxidda. Inta waqtigaas socdo dhiigaaga, xididkaaga xawliga neefsigaaga iyo dhayida jeexdintaba si joogta ah ayaa loo eegi doona. Waxaad fiiro u yeelan doonta dhiig bax fara badan.

Daryeelka Qalliinka Ka Dib
  • Si caadi ah waxaa sariirta joogi doonta 6-8 saac oo qalliinka ka dambeya. Dabadeed waxaa lagugu boorin doona dhaqdhaqaaq ayado lagu caawinayo.
  • Dhuunta kaadida qaada "kateetar" waa lagaa saari qalliinka ka dib. Faleebaha waa la wadi doona ilaa aad awoodo cunid iyo cabid.
  • Daawada xanuunka bi'sa waa lagu siin doona haddii aad rabto.
  • Inta badan, haweenku waxay cusbitaalka kaga tagaan 2-4 beri ka dib dhalida uurdooxa.
  • Urdooxidu marnaba ma hor istagayso nuujinta cunuggaaga.
  • Waxaad u baahantahay nasiino ka badan haweenka hoos ka dhalay, waxay qaadata 4-6 asbuuc intaad si buuxda dib ugu noqon lahayd xarakaadkaagii.

Uur Yeelashada Mustaqbalka
Haweenka qaarkood waxay awoodaan inay caadi u dhalaan uurarka soo socda sikasto uurdooxid loogu sameyey. Kala munaaqashood tan dhakhtarkaga.

Akriso qoraal ku saabsan Foolinta hooyada uurka leh: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4161.0.html

Haddii aad su'aalo qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


Offline Aamsheikh

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Re: Uurdoox (ilmaha lagu qalay) [C/S]
« Reply #1 on: March 29, 2012, 08:14:58 AM »
2 jeer baa laygu qalay ilmo waxaana dakhtarku goaamiyay in aan qaato spinal anesthesia waxaan kala kulmay dhabarxanuun iyo luguxanuun. mararbadan waxaa moodaa in miskaha layjajabiyay. marka xigta hadii rabi idmo waxan doonayaa in aan general anesthesia qaato dhaqtarkaygu ma ogola oo wuxuu leeyahay ilmahay bay dhibaataynaysaa sabakalena iima sheegayo marka fadlan waxkaqora 2daba dhibaatooyinkooda.
waadna mahadsantihiin

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Uurdoox (ilmaha lagu qalay) [C/S]
« Reply #2 on: April 06, 2012, 06:25:47 PM »
Badanaa spinal anasthesia haddii sidii saxda ah loo sameeyo wax dhibaato ah ma keento laakiin haddii dhaawc la gaarsiiyo neerfaha maro xangullaha waxay keeni karaan calaamadaha aad ka cabanayso.

Qalliinka ilmaha waxaa u roon suuxdinka dhabarka maxaa yeelay suuxdinta guud waxay keeni kartaa in uurjiifka isagane uu suuxo oo wadna garaaciisa aad u yaraado oo uu safiican u neefsan kari waayo markii banaanka u soo baxo ama laga soo saari waayo biyihii iyo xabkii uu ku sixday.

Haddii xanuunka aad wali dareemyso la xiriir takhtarkaagii una sheeg sidii waagii laguu suuxiyay oo cirbada dhabarka lagaa galiyay xanuun qaarka dambe ah ayaad dareemeysaa, kadib wuxuu kugula taliyo arag.

Laakiin haddii xanuunkii uu kaa yaraaday oo wax dhibaato ah aadan dareemeynin hadda, hadduu eebe qadaro in aad uur qaado oo ay noqon in lagu qalo, talada takhtarkaaga yeel.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Bilan Mubarig

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Re: Qalliinka Hooyada Uurka leh (Caesarean section)
« Reply #3 on: February 23, 2016, 07:42:28 PM »
Asc walaal ad iyo adbad uu mahadsantiin adban idiin salamaya salan kadib waxan raba in an soo gudbiyo su ashayda waxaa weyan waxan ahay hoyo lagu qalay 5 carura  alaxmdulila waxaa dhiba kalama kulmiin lkn waxan uu liitaa dhabarka mudo hada laga jogo 11sano ilaa hada xanunku wuu isasii taraya waxaa ii xanunya jidhkaa odhan lafaha waxan daremaya mar walba diqad iyo xanun badan oo igaa haya dhabrka hadana waxaban maryaa inan dhulka waxaba kaa soo qadii kariin socon karin tagnan kariin waxasoo dhana waxaa igu sabab xanunka igaa haya dhabrka waxaa ii dher cadadi oo an igaa imanayn oo iska maqananaysa sanad ama 10 bil markay igaa timadana waxay soconaysa bil amaa kabadan markaa waxan raba inad ii shegtan dhibka ii haysta maa wuxuu kaa socoda qalinadi an galay mise waa mushkilad kalee oo ii haysa wll idiinko ad uu mahadsan igaa soo jawaba


 

Su'aal: Sidee uurka looga hortagi karaa hadduu dhakhtarka ku taliyo?

Started by CeeblaaweBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 75390
Last post June 28, 2015, 11:26:21 AM
by SomaliDoc
Su'aal: maxaa sababa gabadha uurka leh oo aan kaadida xejin karin?

Started by Nuur12Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 39618
Last post March 30, 2011, 01:35:12 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Haween uurka laga joojiyay, masiin karaa plis 21?

Started by Nuur12Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 20429
Last post May 14, 2011, 10:14:27 PM
by SomaliDoc
haweenka uurka leh dawooyinka antibiotics-ka dhib ma u keenaysaa?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 32364
Last post June 22, 2009, 08:13:49 AM
by Cmqalinle
Tilmaamtaada Ee Uurka Caafimaadka Leh, Dhalmo iyo Daryeelka Caruurta

Started by ShenamicBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 2
Views: 23571
Last post January 27, 2015, 12:58:16 PM
by SomaliDoc