Author Topic: Su'aal ku saabsan kaadi ku dhaga (BPH)  (Read 31819 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Aiman

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal ku saabsan kaadi ku dhaga (BPH)
« on: May 15, 2008, 06:37:29 PM »
salaan kadib .
marka ugu horeysa waxaan dhamaan dhakhaatiirta somaliyeed ee noo furtay ama inoo sameysay WEB. somalidoc aan ugu hanbalyeynayaa horu marka wanaagsan ee ay gaadhsiiyeen aqoontooda una caawinayaa inta u baahan caawimaada .
Anigoo dhihi kara dadka sida khaaska uu faaido lama huraan ah u yahay kalkaaliya yaasha anigoo kale ah .
 waxaana dhihi lahaa ALLE haidinka ajirsiiyo
Hadaan u gudbo su aasha aan qabo ayaa ah
1: WAA MAXAY BPH
2: MIYAY JIRAAN WAX LA DHIHI KARO WAA AY SABABTAA
3: MA LEE YAHAY DAAWO
4: QALIIN KIISA WAA IMASA NOOC
5: MA KANSARBAA(CA)
6: MUXUU QOFKU KU GARAN KARAA INUU QABO XANUUNKAAS .
Anigoo doonaya inaan helo aqoon ahaan dhamaan wax yaabaha ku saabsan BPH ama wax raga inta badan da'da ah ku xidha kaadida
AAKHIRU KALAAM   shukran  ???




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal ku saabsan kaadi ku dhaga ( BPH)
« Reply #1 on: May 16, 2008, 06:15:54 PM »


Borastayt waa qanjir la xirira galmada oo laga helo ragga. Qofka weyn oo lab ah qanjirku wuxuu le’ekaanayaa qiyaasta iniinta miraha. Wuxuu ku yaallaa kaadi haysta hoosteeda, salka guska wuxuuna waxyar ka horeeyee saxara-mareenka (malawadka).
Wuxuu sameeyaa qaar ka mid ah dareere ku jira shahwada.

Borastaytku wuxuu leeyahay god dhuuban oo dhexda ku yaalla. Tuubada (kaadimareenka) faaruqisa kaadida oo ka timaada kaadi haysta ayaa marta godkaan markay ku socoto dhamaadka guska.

Borastaytka markuu bararo wuxuu keenaa cadaadis uu ku sameeyo tubada (kaadimareenka) faaruqisa, kaasoo qofku isku arki karo calaamadahaan hoos ku qoran, dhibaatadaan ayaa lagu magacaabaa (Benign Prostate Hyperplasia) oo ah macnaheeda "Bararka prostaytka ee aan kansarka aheyn"

Sidee ku ogaanayaa inaan qabo BPH?
Raggu, markay sii weynaadaanba (wixii ka weyn konton), waxay yeellan doonaan dhibaatooyin la xiriira borastaytka.
Waxaad dhibaato kala kulmaysaa kaadinta. Waxaa laga yaabaa inaad yeellato dhamaan ama qaar ka mid ah isbedeladaan:
• Inaad ku dhibaatooto bilaabida kaadinta, khaasatan markaad degdegsan tahay.
• Inaad ku dhibaatooto joojinta kaadida.
• Inay kugu qaadato waqti inaad kaadido, sababtoo ah kaadi marenka ayaa daciifa, ama marna waa istaagaysa marna waa bilaabmaysaa kaadidu.
• Kaadida ayaa da’aysa markaad dhamayso kaadida ka dib.
• Aadida musqusha oo badan maalinimada, in kastoo aanay jirin kaadi badan oo samaysmaysa.
• Habeenkii oo aad kacdo si aad u kaadidu, halka aad iska seexan jirtay. Taas ayaa kaa dhigaysa qof daalan oo aan caadi ahayn.
• Adoo mar walba raba inaad degdeg u gasho musqusha ama u kaadido.
• Dareemida in aadan weli kaadidii dhamayn, in kastoo aan waxba kaa soo baxayn.
• Kulayl ama xanuun ay kugu qabanayso kaadidu markaad kaadinayso.
• Marmarka qaarkood, dhiig ayaa ku jira kaadida. Arrintaan waa in mar walba dhakhtar eegaa.

Haddii aad qabto dhibaatooyinkaan kuwa ka mid ah, arag dhakhtarkaaga. Ha u qaadan inay qayb ka yihiin gabowga ama is badal cimillo—daawaynta saxda ah ayaa ku caawimi karta.

Maxaa keena BPH?
Boqolkiiba 90 dhibaatooyinka borastaytku markay dhacaan waxaa leh borastaytka isaga ayaana ballaarta kaas oo riixa kaadi-mareenka. Midaan waxaa loogu yeeraa Benign Prostatic Hyperplasia ama BPH waxaa keena isbedel ku dhacay hoormoonka borastaytka.
Tani waxay wax yeeshaa qiyaas ahaan boqolkiiba 50 ragga ka weyn konton mana aha kansar.
Mararka qaarkod bararka borastaytka waxaa dhalin kara infakshan loogu yeero prostatitis ama caabuq ku dhaca borastaytka, kaas oo la mid ah BPH laakiin wuxuu u badan yahay dadka dhalinta yar.
Xassuuso—dhibaatooyinka borastaytku maaha kansar, badankoodna waa la daaweyn karaa.

Sidee loo baaraa BPH?
Ugu horayn, dhakhtarku wuxuu u baahan yahay inuu hello waxa sababta u ah dhibta. Baaritaanada la sameeyana waxaa ka mid ah:
  • Digital rectal examination (baaritaan qofka malawadka lagaga samaynayo): Dhakhtarku wuxuu gelinayaa far galoof ku jiro saxaramareenkaaga (malawadka) si uu u dareemo inta uu le’eg yahay brostaytka, qaabka iyo sida uu u adag yahay ama u jilicsan yahay borastaytku.
  • Prostate specific antigen test (PSA): Kani waa dhiig laga qaado qofka si loo eego waxaa loogu yeero PSA, kaas oo uu sameeyo borastaytku. Haddii dhiigu aad u sarreeyo, waxaa laga yaabaa inaad qabto borastayt kansar—laakiin dhakhtarku wuxuu samayn doonaa baaritaano badan si uu u xaqiijiyo.
  • Biopsy (cad lagaa gooyo si loo baaro): Haddii baaritaankaaga PSA-gu uu yahay mid aan caadi ahayn (digital rectal examination), waxaa laga yaabaa in dhakhtarku kuu xawilo qof ku takhasusay qaybtaan (urologist). Dhakhtarkaan takhasuska ahi wuxuu soo jeedin doonaa in cad lagaa gooyo, waxaana la gelinayaa malawadka si loo hello meello aan caadi ahayn oo k amid ah borastaytka. Sambalada (badanaa lix ama ka badan) oo ka mid ah borastaytka ayaa loo diraa sheybaar si baaritaan siyaada ah loogu sameeyo.
    Badanaa qofka lama suuxiyo marka la samaynayo hawshaan. Dhakhtarka ayaa kula socodsiin doonaa arrintaan. Cad-goyntu waa sida ugu saxsan oo lagu sheegi karo haddii aad qabto kansarka borastaytka.
    Cad goyntu waxay muujisaa hadday u baahan tahay daawayn, xawliga kororka ee kansarku ku socdo iyo ilaa inta kansarku fiday.

Sidee loo daaweeyaa BPH?
Tani waxay ku xiran tahay waxa dhibtaadu tahay iyo siday u liidato. Dhakhtarkaag ayaa dooran doona habka ugu fiican oo wax loo qaban karo. Haddii borastaytkaagu aad u weyn yahay taas macneheedu maaha inaad qabto borastayt kansar.

Tan waxaa lagu dawayn karaa daawo ama qaliin.
Daawooyinku waxay bedeli karaan heerka hoormoonka, ama waxay debcin karaan ama shuuqin karaa borastaytka si aanu u cadaadin tuubada kaadida ama kaadi mareenka.
Waxaa laga yaabaa inaad daawadaas wado dhowr bilood ka hor inta xaalladaadu aanay ka soo rayn. Waxaad u baahan doontaa inaad qaadato daawada ilaa astaamaha la xakamayn karo, dhakhtarkaaguna joogto kuula socdo.
Qaliin ayaa laga yaabaa in la isticmaalo si loo gooyo qayb borastaytka ka mid ah, si loo joojiyo inay riixdo kaadi mareenka. qeybaha qaliinka waxaa ka mid noqon kara in la adeegsado qalab lagaliyo tubada kaadi mareenka illaa laga gaarayo borostaytka kadib cad yar laga gooyo si cadaadiska kadai mareenka ku hayo u yaraado, ama in la weyneeyo dhexroorka tubada kaadi mareenka, ama in la deegsado qaliin furan ama laser.

Haduu jiro  caabuqid borostaytka ah Kan badanaa waxaa lagu daweeyaa antibaayootikis.
Waxaa laga yaabaa inaad u baahato inaad qaadato antibaayootikis bila badan. Ragga qaarkiis ayaa laga yaabaa inay u baahan yihiin qaliin si ay u joojiyaan bararka borastaytka ee riixya kaadimareenka.


Hadii aad qabto su'aalo dheeraad ah iigu soo dir halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Dr Ilbir

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Su'aal ku saabsan kaadi ku dhaga (BPH)
« Reply #2 on: January 04, 2016, 10:19:19 AM »
waxaa jirta mararka qaaar markaan musqusha aado ee aan kaadiyo hadana markaan soo kaco waxaan dareeemayaa iney aad moodo innuu hadhaa jiro mararka qaar dib ayaan ugu laabtaa

su'aasha kale oo kamid aha dhaqanka somalida badhida idaha waxay ka aaminsan yihiin iyo caafimaad ahaan ba dhibaatadeeda

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal ku saabsan kaadi ku dhaga (BPH)
« Reply #3 on: January 09, 2016, 04:01:52 PM »
Markaa ka soo kacdo musqusha oo aad dareemayso inuu haraa jiro waxaa kaloo keeni karo, haddii ibta kaadida ay ciriir tahay oo kaadida si sahlan uga soo faaruqi la'dahay kaadi heesta.
Ama waxaa kaloo keeni karo haddii caabuq kaa heesto kaadi heysta laftirkeeda.
Inkastoo da'daada in aad noo sheegto haboonayd, laakiin dhakhtar la xiriir si loo ogaado dhibka meesha ay tahay.

Mida ku saabsna barida idaha, waxaan horay uga diyaarinay qoraal ee ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5927.0.html
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Barakaat

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal ku saabsan kaadi ku dhaga ( BPH)
« Reply #4 on: January 10, 2016, 03:54:13 PM »
Asc.dhaqtar aad ayaad u mahadsantahay Sida aad noogu faaidaynayso.
Waxaan qabaa sual dabasocota mowduucan dhamaan calaamadaha aad sheegtay iyo cuncun maqaarka weliba xaga hoose ee xubinta taranka markii ay soo qabato kaadi aabahay ayaa qabaa waan 62 jir lkn hada waxaan joognaa India. Alx. PSA Waa 1.5, gacantane wuu ku fiiriyey wana yaryahay. Dawo ayuu  noo qoray alx. Isbedel ayuu La kulmay oo hada 2 jeer ayuu kacaa habeenkii lkn suaashayada waxay tahay cuncunka iyo kaadida oo weli ku yar socodkeeda, iyo tistisleynta oo aanan dhamaanaynin. Marka waxaan doonayaa taladaada si aan ugula laabta jawaab celinta dhaqtarka.
Mahadsanid

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal ku saabsan kaadi ku dhaga (BPH)
« Reply #5 on: January 13, 2016, 11:56:52 AM »
Waxaa dhici karata in tubada kaadida ka soo qaado kaadiheysta oo banaanka u soo saarto ay cillad ka jirto taasoo ka dhalan karto inuu ciriiri noqday ama cillad kale ay ka jirto.
Waxaa kaloo suuragal ah afka kaadiheysta in uu daciif noqday ama kaadiheysta ay yaraatay awoodii ay kaadida kugu celni lahayd.
Ma jiraan baaritaan la yiraahdo "MCU" oo la idiin diray oo lagu ogaan karo cilaldahaas?
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal ku saabsan jirka dhexdiisa iiga socdo hawo guureyso?

Started by Maxamed1969Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 18551
Last post August 13, 2010, 03:34:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal ku saabsan gooryaanka caloosha iyo wax yeelada uu ugeeysto qofka qabo?

Started by DeeriusBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 27841
Last post October 27, 2012, 09:40:12 PM
by SomaliDoc
Warbixin guud oo ku saabsan waxbarashada ee dalka masar:

Started by Dr.HabiibBoard I want to Study Medicine

Replies: 0
Views: 23830
Last post September 04, 2011, 04:19:01 AM
by Dr.Habiib
Su'aal: Kaadi dhiig iyo Saxaro dhiig

Started by AADANBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 15129
Last post February 11, 2009, 10:43:07 PM
by SomaliDoc
Su'aal ku saabsan xubinta taranka raga iyo yiridka?

Started by AadaarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 19878
Last post October 02, 2010, 08:11:06 AM
by SomaliDoc