Author Topic: Su'aal: Caadada markay ku dhaco wax dhiig ah kama imado?  (Read 58091 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Maizah B

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Caadada markay ku dhaco wax dhiig ah kama imado?
« on: January 03, 2016, 01:55:19 AM »
Ascwrwb gabar walashey aya cadada ama period Ka marku ku dhaco wax dhiig ah kama imado marka hore lee qoyan dareenta wana gabar ila mudo ayay saan tahay, maxaa keni karo ama lagu daweyn karaa? shukran




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Caadada markay ku dhaco wax dhiig ah kama imado?
« Reply #1 on: January 13, 2016, 01:48:41 PM »


Majiirka mindhicirada ma cadaadiska laga dareemo dhinacyada caloosha qeybteeda hoose waa astaanta ugu horeyso ee ay dareentu haweenta marka ay filanayso caadada, haddii ay xanuun dareento haweenta, xilligii caadadane lagu jiro hadane ay arki wayso wax dhiiig ah waa in ay la xiriirtaa dhakhtar si loo ogaado asbaabahaan soo socdo mid ka mid ah.

Haddii ay haweentu aysan uur filanaynin ama aysan dhalmo-goys ahayn, waxaa keeni karo cilladahaan waxyaabahaan hoos ku tixan:
  • Cunno xumada iyo jimicsiga xad dhaafka: haddii gabadhu leedahay matag joogto ah ama cunno ku filan aysan cunin, waxay keentaa nafaqo darri, haddii nafaqo darri timaadane, waxaa timaado khalkhal caadada ah ama in ay caado dhiig la'aan ah dhacdo, sidoo kale haddii aad jimicsi culus samaysid ama gym aad ciyaarto waxay khalkhal galisaa hormoonadaada waxayna keentaa khalkhal caado ama caado dhiig la'aan ah.
  • Xilliga ugxanta la soo daynayo waxay haweentu dareemi kartaa xanuunkii caadada laakiin dhiig ma isku arki karto marmarka qaar, laakiin majiirkaan waxaa laga dareemaa badanaa hal dhinac kaliya wuxuuna socdaa saacado illaa dhowr maalmood.
  • Haddii aad xaas leedahay, caadada aan dhiiga lahayn iyo calool majiirka waxay astaan u noqon kartaa ilma qoolan ama ilmaha oo ku samaysma tubada, waxaa la socon karo lalabo, matag iyo daqnasho naasaha ah, akhriso waxa laga wada ilmo-qoolan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,853.0.html
  • Fiixda ama buro-biyoodka ka soo baxo ugxansidaha: haddii ugxansidaha uu fiix yeesho ama buro biyood ay ku samaysanto waxay keentaa majiir iyo astaamo caado laakiin dhiig lama arko, waxaa jira nooc ka mid ah xanuunkaan oo leh astaamo dhowr ah oo loo yaqaano "Polycystic Ovary Syndrome" ka akhriso halkaan waxa uu yahay xanuunkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3126.0.html
  • Caabuq ku dhaca ugxansidaha ama cillad isdifaacis jirka ah, tani waxay keentaa in ugxansidaha uu shuuqo oo howlgabo oo uu soo dayn kari waayo ugxantii, sidaa daraadeed lama arko dhiig caado laakiin xanuunkii waa la dareemaa.
  • Ciriiri afka minka ah: Hadduu afka minka uu ciriiri yahay waxay keentaa in dhiiga caadada uu ku xannibmo minka taasina waxay keentaa caado dhiig la'aan ah, waxayna aad ugu badan tahay gabdhaha ay caadadu ku cusub tahay.
  • Xanuunka ku dhaca dahaarka minka oo loo yaqaano "endometriosis" isagane wuxuu keenaa caado dhiig la'aan ah, akhriso cudurkaan waxa uu yahay: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2088.0.html

Waxyaabo badan ayaa lagu qaldi karaa xanuunka aa dareemayso inuu xiriir la leeyahay caadada iyo in kale sida in ay cillad ka jirto mindhicirrada ama xanuuno kale oo saameyn ku leh kontoroolidda caadada ama aad qaadato daawooyin keeni kara caado dhiig la'aan ah.

Haddii aad isku aragtay caado dhiig la'aan ah oo soo noqnoqotay waa muhiim in aad dhakhtar la kulantaa.

Akhriso Caado Wareerka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2145.0.html
Akhriso Caadada xad dhaafka ah: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4157.0.html
Akhriso Xanuunka caadada: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2154.0.html

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Waxan ku xanusada caadada waxan helaa bishii labo jeer?

Started by SaakinBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7834
Last post April 28, 2016, 04:37:20 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Dhiig Brown Clour Ah Oo Xaaskayga ka Socda iyadoo 9 weeks pregnancy ah?

Started by Mohamed2012Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 22369
Last post January 29, 2012, 12:22:48 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Meeshii shahwada laga rabay dhiig ayaa ka yimid?

Started by Kaamil121Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 20106
Last post December 20, 2018, 10:03:39 PM
by SomaliDoc
Dhiig karka Uurku Keeno / Sumoy / Iklaamsiyada

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Haweenka

Replies: 0
Views: 38027
Last post September 02, 2008, 09:52:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa cudurka dhiig karka?

Started by AadaarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 14187
Last post December 02, 2009, 08:54:39 PM
by SomaliDoc