Author Topic: Khuuro (Snoring)  (Read 44598 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Ahmed333

  • Newbie
  • *
  • Posts: 14
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Khuuro (Snoring)
« on: May 23, 2008, 10:42:09 AM »
asc, waan idin salamay salaanta islaamka, bacda salaan waxaan doonayaa inaan wax ka ogaado wax la yidhaa (KHUUROO)
:khuurada maxaa sababa
:saamayn intee leeg bay cafimaadka qofa wax u dhimi kartaa
:dawo ma leeday ama se qaliin ma leeday
:maxaad kula talin lahaydeen qof aad u khuuriya oo dadka oo dhan ay karahsadaan inay maqlaan khuuro dheer oo hurdada u diida.
wa bilaahi tawfiiq aad iyo aad baad u mahadsantiin walaalyaal. ??? ??? ??? ???




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: khuuro
« Reply #1 on: May 24, 2008, 03:58:05 PM »


Khuuradu waa cod uu sameeyo qofka jiifa marka uu ka neefsanayo afka iyo sanka, khuuradu waxa ay dhacdaa markii hawadu aysan si hallaasi ah uga gudbin marinnada hawada, taasoo keenayso in uu sameesmo codka khuurada.

Marinka hawada ee sanka waxaa carqaladeyn kara dhawr waxyaalood oo ay ka mid tahay in qolfo ama hilib ay ku sameesmaan, qaabka qofka u jiifto iyo dhibaato caafimaadeedba.

Khuuradu wax dhibaato caafimaadeed uma keento qofka samaynaya, lakin waxay sameeyn ayay ku yeelataa lamaanahaaga, qoyskaaga ama dariskaagaba taasoo hurdada u diida.

Khuuradu marmar waxa ay keentaa neef joogsiga hurdada (sleep apnea) waa marka neefsashadu joogsato marmarka qaarkood marka la hurdo, taasoo qofka ka soo toosisa habeenadii marar badan, calaamadaha kale ee lagu garto waxa ka mid noqon kara maalintii oo hurdo ku qabato iyo adiga oo wali daalan marka aad toostid subixii.

Khuuradu waxa ay u dhaxeen kartaa cod khafiif ah ama mid aad u xoogan, qofkane in uu khuuriyo in loo sheega maahanee ma dareemo.

Waxyaabah khuurada siyaadiya waxaa ka mid ah, miisaanka culus ee qofka, taasoo ka timaado xeyr siyaado ah in ay fariisato dhuunta iyo xubnaha ku wareegsan.

Da'da qofka iyadane waa cunsur kale, kulamaa qofka weynaado, kulamaa murqaha dhuuntiisa ay jilcaan taasoo keenaysa in ay gariiraan marka qofku neefsanayo isagoo hurda.

Dadka caba khamriga ama isticmaala kaniiniyada hurdada la xiriira iyagane waxay u keenaan khuuro.

Qofka oo duudka u seexdaa isagane waxay keentaa in carabka gadaal u jaleecdo, ciriiriyo marinka hawada, kadibne khuuro ka dhalato.

Hergabka iyo dadka qaba xajiinta ama xasasiyada iyagane way khuuriyaan.

Sababaha kale ee muuqaalka ah keenana khuurada waxaa ka mid ah:
1- Dhanxanaga qeybtiisa jilicsan oo hoos u raaracdo.
2- Quuman aad u bararan
3- Dalqo aad u dheer
4- Sanka oo qaab dhismeedkiisu caadi aheen.

Nasiib darro ma jirto daawo hal mar joojisa khuurada lakin waxaa jira waxyaabo badan ee dadka qaar sameeyaan si ay u yareeyaan khuuradooda.
Inkastoo qaar ka mid ah sababaha keena khuurada la xiriiraan qaab nololeedka qofka, kuwaasi waa laga fogaan karaa sida:
1- Cun cunto caafimaad leh, miisaankaagane xadid.
2- Samey jimicsi si aad u adkeysid murqaha jirkaaga oo idil.
3- U jiifo dhinacaaga, kana fogaw duudka inaad u jiifato.
4- Ha cabin khamriga iyo maandooriyaasha kalaba.
5- Jooji sigaar cabidda.

Mida kale ee muhiimka ah waa inaad marinka sankaaaga banaysaa, si aadan uga neefsan afkaaga.
hadii aad qabti allerji qaado kaniiniyada ka hortaga.

Ugu dambeyntii daaweynta qaliinka waxa ay timaadaa markii isbadalka aad ku sameysay nolol maalmeedkaaga ay wax ka qaban weyso khuurada, qaliinka waxaa lagu saxaa marinka hawada iyo in la baneeyo hadii ay jiraan wax xiraya sida cad hilib oo kale.
Qaliinka ma keeno waxyeello kale, maalmo gudaheedne qofku wuu ku socdaa.

Khuuradu wax dhibaato ah kuuma keeneyso aan ka aheyn in ay waxyeleyso xiriirka ka dhaxeeya adiga iyo dadka kula nool.
Lakin neef joogsiga hurdadu waxa uu keenaa dhiiga kar, wadna qabad iyo suuxdin mustaqbalka fog hadii aan la daaweyn, sidaa darteed hadii aad isku aragto khuuro dheer, madax xanuun iyo daal hurdada ka dambeysa iyo hurdada aan kugu filneyn la xiriir dhakhtarkaaga si laguu baaro, daawane laguu siiyo.

Wixii su'aal dheeraad ah iyo faahfaahin halkaan ka weydii.
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Waxaan leeyahay khuuro iyo inaan neef wayn tuuro?

Started by KadarhusseinBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 5751
Last post April 29, 2016, 09:38:04 PM
by SomaliDoc