Author Topic: Su'aal (Cagaarshaw)  (Read 17000 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Ahmed333

  • Newbie
  • *
  • Posts: 14
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal (Cagaarshaw)
« on: May 11, 2008, 12:04:22 PM »
waan idin salaamy walaalha musliimiinta ah ee soomaliyed runtii aad baan ugu farxay web site kan faidada  leh wax badana dadku ay ka faaidaysanayaan waan ku faraxsanahay illahayna khayr ha idinka siiyo.hadaan u daadago su,aashayda waxa weeye.
waxaaan ku noolay wadamada nirdic lay sku yidhaa sida sweden norway denmark filand markaa mid maida ayaan dahganahay,
waxa aan la kulamay dhakhtar dhiig baa layga qaaday waxa laygu sheegay cagaarshaw nooca B markaa waxaan ka baqaaa mustaqbalkayga  cudurka cancerka layidhaa ee beerka ku dhaca dhakhaatiirtii way ii diideen wax dawaa ama ka hortaga cudurkaa KANSARKA maxaan yeelaa ma dib baan ugu noqdaa untii xanuun wayn ima hayo ismana odhanaayo waad xanuunsanysaa oo wax calaamada ma lihi.ila taliya mahdsanidiin.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal (cagaarshaw)
« Reply #1 on: May 11, 2008, 11:31:24 PM »
Walaal ahmed salaan kadib, cudurka cagaarshowga B markii qofku uu hayo 6 bil ka badan ayaa la oran karaa qofka cudurka wuu ku xeel dheeraaday (chronic hepatitis), taasoo 20% ka mid ah laga yaabo in uu keeno kansarka beerka ee loo yaqaano Heaptocellular carcinoma (Hepatoma).

Waqti hore oo la ogaado kansarka waxay kordhisaa fursadda lagu guuleysto daawadiisa, maadaama nooca kansarkaan ay dhici karto in uu qofka ku dhaco iyadoo wax calaamado ama xanuun ah aan la dareemin.
Sidaa darteed ka hortagga kansarkan waxaa lagu gaaraa kaliya in si joogto ah la isku baaro iyadoo dhiigaaga laga fiirin doono heerka uu gaarsiisanyahay maadada loo yaqaano (Alpha-Fetoprotein) iyo hadii ay jiraan wax is badal ku yimaaday beerkaaga iyadoo sawiro laga qaadi doono.

Daawooyinka lagu daaweeyo (cagaarshowga B ee qotoda dheer) waa daawo ka hortagta feyraska keenay cudurka (anti-viral sida interferon) ee maahan daawo loogu talagalay in ay ka hortagto kansarka beerka.
Mida xigta, daawooyin intaa ka baxsan waxaa la siiyaa kaliya dadka beerkoodu uu is badal ku dhacay (beerka oo adkaada, qolfoof ama kurtumo yeesha = cirrhosis) maxaa yeelay heerka kansarka waxay gaaraysaa markaa 80%. Daawadane waxa loo siinayo qofkan waa in laga ilaaliyo beerka dhaawac intaa ka badan.

Dadka helista ugu jira in kansarkan uu ku dhaco ama u soo dagdago waxaa ka mid ah, qof qoyskiisa hidde taariikheed u leh Kansarka beerka iyo qof si aad ah u caba khamriga iyo sigaarkaba.

Marka waxaan talo ahaan kuu sheegi lahaa:
  • In aad iska yareysid welwelka, maxaa yeelay dadka qaba cagaarshowga B badankood caafimaad ayay heystaan noloshooda oo idil.
  • Ha qaadan daawo uusan dhakhtar kuu qorin, maxaa yeelay daawooyinka badanaa uma adkaysan karo beerka jiran.
  • In aad dhakhtarkaaga booqatid 6-dii biloodba mar si aad isku baarto.

Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan cagaarshowga b (mxuu yahay? maxaa keena? maxaa ka mid ah calaamadihiisa? sidee lagu qaadaa? sidee loo baaraa? sidee logoa hortagaa? sidee loo daaweeyaa?)

Qoraalada kale ee faaidada kuu leh waxaa ka mid ah:
Waa maxay kansar?
Ogaansho iyo barasho u yeelo kansarka?

Waxaan kuu rajaynayaa caafimaad buuxa.
SomaliDoc
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   
Offline Khaliif

  • Newbie
  • *
  • Posts: 0
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Su'aal (cagaarshaw)
« Reply #2 on: May 16, 2008, 11:21:40 PM »
haa walaalayaal aad ayaan ugu faraxsanahay webkaan faa,idada leh marka xigta waxaan rabaa dhibaatada aan tabanaayo in  aan soo bandhigo oo ah cagaashaw mudo afar sano ah i haahey marka heer wuxuu gaaray aan bararo oo socodka xataa i dhibo lugaha aan qaadi waayo marka daqtar ayaan u tagay oo wuxuu isii yay kaniini (lasix) la dhahaayo kabacdi xoogaa waa roonaaday adiga mudo kadib sidii ayaan ku noqday  oo wali jiadii waa i heesaa marka waxaan ka cabsaday in mutaqbalka uu dhibaato ii keeno cagaarshowgaas noociisa B oo igu sababo liver cancer maka walaalayaal maxaan  kaga hotagaa oo tala ah ayaa la,iisiinaa calaamadiihiisa aan dareemaayana waa baarkaas zaaidka ah oo aan la dhaqaaqi waayey  talo ayaan niiga sugaa scwww :o

Offline Ahmed333

  • Newbie
  • *
  • Posts: 14
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
cagaarshaw B
« Reply #3 on: May 17, 2008, 03:45:27 AM »
WALAALAYAAL WAAD MAHADSANTIIN SIDA AAD IIGU SOO JAWAABTEEN WALAAL SU AAL KALE AYAAN QABAA TAASOO AHA WAXA LAYGA HELAY CAGAARSHAW B MARKAA WAX LAYGU YIDHI (ALPHA FETOPROTIN) DHIIGAAGA KU JIRAA AAD IYO AAD BUU U YAR YAHAY WAKHTIGII LAY BAADHAYNA WAXA UU AHAA 2006.08 14 MAR KALE AYAAN LAY BAADHAY 2008 03 10 MARKAA WAXAY I YIDHAHDEEN DHAKHAAATIIRTII, AAD BUU U YARTAHAY ALPHA DA DHIIGA KU JIRTAA, MARKAA KHATAR INTEE LEEG BAAN UGU JIRAA INUU IGU DHACO CUDURKAA KANSARKA BEERKA WALAW AY DADAYDU TAHAY 23 JIR, SE MA U BAAHANAHAY WAX DAWAA WAX XANUUNA IMAHAYO MARKAA DHAKHATIIRTII WAXAY YIDHAAHDEEN DAWO U MA BAAHNIAD ANA  KUMAAN QANCIN FIKIRKAA OO WAAYO BEER KAYAGA LAMA SAWIRIN. JAWAB WACAN OO DAGDAGA WAAD MAHDSANTIIN WALAALYAAL. ??? ???

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal (cagaarshaw)
« Reply #4 on: May 18, 2008, 11:23:03 PM »
haa walaalayaal aad ayaan ugu faraxsanahay webkaan faa,idada leh marka xigta waxaan rabaa dhibaatada aan tabanaayo in  aan soo bandhigo oo ah cagaashaw mudo afar sano ah i haahey marka heer wuxuu gaaray aan bararo oo socodka xataa i dhibo lugaha aan qaadi waayo marka daqtar ayaan u tagay oo wuxuu isii yay kaniini (lasix) la dhahaayo kabacdi xoogaa waa roonaaday adiga mudo kadib sidii ayaan ku noqday  oo wali jiadii waa i heesaa marka waxaan ka cabsaday in mutaqbalka uu dhibaato ii keeno cagaarshowgaas noociisa B oo igu sababo liver cancer maka walaalayaal maxaan  kaga hotagaa oo tala ah ayaa la,iisiinaa calaamadiihiisa aan dareemaayana waa baarkaas zaaidka ah oo aan la dhaqaaqi waayey  talo ayaan niiga sugaa scwww :o

Salaan ka dib, walaal bararka aad sheegtay waxaa keeni kara beerka oo shaqadiisa yareeya, kaniiniga aad qaadan jirtayne waa mid dareeriye ah looguna talagalay in biyaha jirka ka saaro bararkane yareeyo, hadii bararkii kugu soo laabtay mar kale waxaad u baahantahay in dhakhtar aad u tagtid si laguu baaro, daawane laguugu qoro.

Mahadsanid
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   
Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: cagaarshaw B
« Reply #5 on: May 18, 2008, 11:37:19 PM »
WALAALAYAAL WAAD MAHADSANTIIN SIDA AAD IIGU SOO JAWAABTEEN WALAAL SU AAL KALE AYAAN QABAA TAASOO AHA WAXA LAYGA HELAY CAGAARSHAW B MARKAA WAX LAYGU YIDHI (ALPHA FETOPROTIN) DHIIGAAGA KU JIRAA AAD IYO AAD BUU U YAR YAHAY WAKHTIGII LAY BAADHAYNA WAXA UU AHAA 2006.08 14 MAR KALE AYAAN LAY BAADHAY 2008 03 10 MARKAA WAXAY I YIDHAHDEEN DHAKHAAATIIRTII, AAD BUU U YARTAHAY ALPHA DA DHIIGA KU JIRTAA, MARKAA KHATAR INTEE LEEG BAAN UGU JIRAA INUU IGU DHACO CUDURKAA KANSARKA BEERKA WALAW AY DADAYDU TAHAY 23 JIR, SE MA U BAAHANAHAY WAX DAWAA WAX XANUUNA IMAHAYO MARKAA DHAKHATIIRTII WAXAY YIDHAAHDEEN DAWO U MA BAAHNIAD ANA  KUMAAN QANCIN FIKIRKAA OO WAAYO BEER KAYAGA LAMA SAWIRIN. JAWAB WACAN OO DAGDAGA WAAD MAHDSANTIIN WALAALYAAL. ??? ???

Waa arin aad u fiican baaritaanka aad isku kontoroolaysid, waxaana kugu talin lahaa in baaritaankaa aad wado insha'lah wax dhib ahne arki maysid, mideeda kale daawada kuuma fiicna sida aan kor kuugu sheegayba, wax baahi aad u qabtane hada ma jiraan.
Baaritaankaga ugu dambeeyane helis inaad ugu jirto kansar ma uusan sheegin.