Diseases and Conditions > Cudurrada Guud

Garashada Sonkorowga (Diabetes)

<< < (2/2)

SomaliDoc:
Qofna ma yaqaan waxa keena sonkorowga oo saxa ah. Waxaanu ognahay in sonkorowga uusan ahayn cudur fudud. Waxaa jira sababo badan oo keena. Cilmi baarista waxaa lagu helay dhowr sababood oo qofka gelin kara khatar weyn si u qaado sonkorowga. Khatarahaas waxaa ka mid ah:

* Kolostrooka HDL oo le'eg ama ka yar 40 iyo/ama heerka triglyceride oo ka weyn 20 mg/dl
* Dhiig kar le'eg ama ka koreeya 140/90
* Taariikh qoys ee sonkorow (Dhaxal)
* Walaac iyo walwal (cudur, dhaawac)
* Fayrus (nooca I sonkorowga)
* Daawooyinka qaarkood (steroids)
* Dhibaato sistamkaaga difaaca (nooca I sonkorowga)
* Cimri (40 sano iyo ka kor)
* Aad u cayilan iyo/ama fadhiya
* Qabitaan sonkorow inta Uurka leedahay ama dhalid cunug ka culus 90lbs.
* Midabka (sonkorowgu wuxu ku badanyahay Madowga, Isbaanishka, iyo Maraykan dhaladka ah)

SomaliDoc:
[+]Haa, waxaa jira noocyo badan oo sonkorowga ah:
 [o]Nooca I Sonkorowga
 [o]Nooca II Sonkorowga
 [o]Sonkorowga Shinka Mellitus
[+]Liiska hoose wa qodobo ka mid ah noocyada ugu badan sonkorowga.

Nooca 1 Snkorowga
[+]Waxaa loogu yeeri jiray sonkorowga ku tiirsan insuliinka ama sonkorowga Dhallin yarada ee Mellitus (JODM)
[+]Inta badan wuxuu ku dhacaa inta ka horaysa 30
[+]Ma samayn beeryartu insuliin
[+]Inta badan waa miisan yaryahay
[+]Laga helay 5-10% dadka qaba sonkorowga

Nooca 2 Sonkorowga
[+]Waxaa loo aqoon jiray sonkorowga Mellitus ee Dadka waaweyn (AODM)
[+]Inta badan wuxuu dhaca da'da 40 ka dib
[+]Xooga insuliin ah bay beeryartu samaysa
[+]Qofku inta badan miisan weynyahay
[+]Waa nooca ugu caansan sonkorowga. Waxaa laga hela 80-90% dadka sonkorowga qaba.

Sonkorwoga Shinka Mellitus (GDM)
[+]Wuxuu dhacaa Uurka
[+]Haweenka inta badan culus
[+]Heerka sonkorta caadi bay ku noqota inta badan marka cunuggu dhasho
[+]Khatarta in uu gudbo nooca sonkorowga II hadhow nolosha (khaasatan haddad culustahay iyo/ama aad fadhido)
[+]Noocyada kale ee sonkorowga waxaa ku jira Dhaawaca Dulqaadka Sonkorta (IGT) iyo sonkorowga la socdaan xaalada ale.

Dhakhtarkaaga ayaa kuu sheegi doona nooca sonkorowga aad qabto.[/list]

SomaliDoc:

* Inkasto sonkorowgu isu maro reeraha, waxaa jira fursad aad u yar in caruurtaadu Qaadan.
Fursadda caruurtu ku qaadi karto Nooca I ee sonkorowga waa:
[o] 2% haddii hooyadu qabto
[o] 6% haddii aabuhu qabo
[o] 5% haddii labada waalidba qabaan

* Fursadda ay caruurtu ku qaadayso noca sonkorowga 2 waa 50% haddii hal ama 2 waalid qabaan. Aad bay caadi u tahay in nooca sonkorowga 2 uu reer isu maro. Sababtan darteed, reerkii leh taarikh sonkorowga nooca 2 waa inay yareeyaan isirrada khatarta ah.
Luminta culayska, haddii aad u culustahay, ayaa ugu muhiimsan.

SomaliDoc:

* Ma laha daawo sonkorowga, laakiin waxaa lagu xakameyn karaa:[0]Cunto qaadasho
[0]Jimicsi ama cayaar
[0]Daawo

* Dhakhtarkaaga iyo kooxda daryeelka caafimaadka ayaa kaa la shaqayn doona adiga iyo reerkaagaba si aad u barato sida fiican loogu noolaado sonkorowga.
* Cilmi baarista sonkorowgu waxay u shaqaynaysa si loo helo daawo. Waxaa kaloo jira shaqo la qabtay oo lagu soo saaray tallaal Nooca I sonkorowga.

* Waxaan kugu caawimi doona si aad wax badan uga barato sonkorowga. Weydiiso cashiro dheeraad ah iyo dariiqado loo barto sonkorowga.

SomaliDoc:
Haddii aad ogtahay inaad qabto sonkorow, adigu waa inaad ka qayb qaadata xanaanaynta naftaada. La shaqee Dhakhtarkaaga, kalkaalisadaada iyo qofka cuntada si aad wax badan u barato oo ku saabsan nolosha fiican adigo sonkorow qaba. Ka bilow xogta ugu hooseyso (inta badan loo yaqaan xirfadda badbaadadaada). Aqoonta iyo xirfadda aad baran doonto horta waxay ku xirantahay nooca Sonkorowga aad qabto iyo qorshaha daaweyntaada. Xogta aasaasigga ah waxaa Ku jira:
[+]Qorshaynta cuntada
[+]Baaritaanka sonkorta
[+]Daawada (insuliin iyo/ama tan afka)
[+]Yaraanta sonkorta dhiigga

Xooga ka mid waxyaabaha aad u baahnaan doonto inaad ku xadido sonkorowgaaga waa:
[+]Qaado insuliikaaga iyo/ama tan afka (kiniin) sida lagu faray
[+]Baro sida loo fiiriyo oo loo xafido heerka sonkortaada
[+]Baro inaad garato marka sonkortaadu aad u hooseyso ama aad u korayso
[+]Raac qorshaha cuntadaada
[+]Jimicso ugu yaraan saddex jeer asbuuci
[+]Xafid ballankaaga dhakhtarka oo dhan, kalkaalisada sonkorowga, qofka cuntada
[+]Tag fasalada sonkorowga (hadii aad ku nooshahay wadamada leh)

Si aad warbixin buuxda uga heshid sonkorowga iyo sida loo maamulo waxaan diyaar kuugu dhahay halkaan anagoo kaaga jawaabayna su'aalahaada oo idil iyo wixii walac aad qabtid.
DHAMMAAD
http://somalidoc.com

Navigation

[0] Message Index

[*] Previous page

Go to full version