Author Topic: Garashada Sonkorowga (Diabetes)  (Read 71641 times)

0 Members and 3 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Garashada Sonkorowga (Diabetes)
« on: May 24, 2008, 09:31:30 PM »


Haddii aad qabto sonkorow sannado badan iyo haddii lagu yiri sonkorow baad hadda qabtaa, keligaa ma tihid. Inta u dhaxaysa 170 - 180 malyan oo qof ayaa qaba sonkorow dunida. Xogta hoose ayaa kaa caawimi doonta garashada sonkorowga iyo sida loogu noolaado horumar adigoo qaba.

Qoraalkan waxaan uga jawaabi doonnaa su'aalahaan hoos ku qoran:
  • Waa Maxay Sonkorow?
  • Sidee Baan u Dareemi Doonaa Sonkorowga?
  • Sidee Buu Dhakhtarku Ku Ogaanahayaa Inaan Sonkorow Qabo?
  • Sidee Baa Loo Daweeya Sonkorowga?
  • Maxaa Keena Sonkorowga?
  • Ma Waxaa Jira Hal Nooc Kabadan oo Sonkorowga ah?
  • Caruurtaydu Ma Ku Dhici Doonaa Sonkorowgu?
  • Ma Jirta Daawo Sonkorowga?
  • Maxaan Kalo u Baahanahay iInaan Barto Xukunka Sonkorta?

Hoos u soco si aad u akhrisatid jawaabaha su'aalahaan kore....

Department of Endocronology
The Ohio State University Medical Center


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Waa Maxay Sonkorow?
« Reply #1 on: May 26, 2008, 12:29:18 AM »
Sonkorowgu waa cudur uusan jirku si haboon uu isticmaali karin cuntada quwad ahaan. Unugyada tirada badan ee jirka ku jira waxay u baahan yihiin shidaal ay ku noolaadaan oo ku koraan.

Jirku wuxuu u jejebiyaa cuntada aad cunto inta badan nooc quwad ah oo loo yaqaan sonkor (glucose). Glukoos waa eray kale oo la yaqaan sonkorta. Insuliin waa hormoon ku caawiya sonkorta inuu ka wado dhiigga oo geeyo unugyada jirka.
Insuliinka jirka waxaa sameeya beeryarta (Pancreas). Qof ma noolaan karo Insuliin la'aan.

Sonkorowga, waxaa jira hal dhibaato ama ka badan oo insuliinka ah. Kuwaas waxaa ka mid ah:
  • Beeryarta oon insuliin samayn (Nooca 1 sonkorowga)
  • Beeryarta oon samayn insuliin ku filan, ama jirka oon isticmaali karin insuliinkii uu sameeyey (Nooca 2 sonkorowga).
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Sidee Baan u Dareemi Doonaa Sonkorowga?
« Reply #2 on: May 26, 2008, 05:32:59 PM »
Qof walba si gooni ah ayuu uga jawaabaa sonkorowga. Qaar ka mid ah calaamadaha digniinta ee sonkorowgu waa:
  • Biskood soo daaha (tartiib)
  • Awood darro (awood la'aan ama kacsi la'aan)
  • Fursad culays (kordhid ama lumid)
  • Aragti caad leh
  • Kaadi tiro badan
  • Oon
  • Noog xad dhaaf ah / daalid
  • Hurgun jirka ah iyo cuncun
Dadka qaarkood ma oga inay sonkorow qabaan waayo ma qabaan calaamadaha digniinta. Sonkorowgu dhakhso ayuu soo baxaa, asagoon digniin lahayn. Mararka kale si aayar ah ayuu u soo baxaa, dhawr bilood.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Sidee Buu Dhakhtarku Ku Ogaanahayaa Inaan Sonkorow Qabo?
« Reply #3 on: May 27, 2008, 03:57:44 PM »
Waxaa jira dhawr dariiq oo dhakhtarku u baari karo hadaad sonkor qabto. Waxaa ka mid ah:

Baaridda Dhiigga
Baaridda dhiigga ee ugu caansan oo la sameeyo si loo helo haddii aad qabto sonkorow waa heerka sonkortaada. Haddii aad soomantahay heerka sonkortu waa 126 ama ka badan, inta badan sonkor baa la tuhmaa. Dadka aan qabin sonkorowga waxay leeyihiin in sonkorta markaad waxba cunin ay ka yartahay 110. Baaritaan dhiigag kale ayaa la samayn. Inta badan waxay u baahan yihiin inaadan cunin ama cabin waxba habeenkii. Maalinta xigta waxaad u aadi doontaa xaafiiska ama shaybaarka baaritaan dhiigag socda 2 ama 3 saacadood.

Baaritaan Guud
Dhakhtarku mararka qaarkood wuxuu kaa heli karaa calaamadaha sonkorowga korkaaga asago samaynaya baaritaan.

Calaamadaha iyo Sumadaha Sonkorowga
Asago kula hadlaya, dhakhtarku wuxuu heli kara inaad qabto dhawr calaamadood oo sonkorow ah sida kabuubyada ama gubasha cagaha iyo lugaha iyo kacsi la'aanta.
Isticmaalka baaritaanka dhiigga, baaritaan jireed iyo weydiinta calaamadaha digniinta iyo sumadaha, dhakhtarku wuu ogaan doonaa haddii aad qabto sonkorow.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Sidee Baa Loo Daweeya Sonkorowga?
« Reply #4 on: May 28, 2008, 07:02:56 PM »
Natiijada daaweynta noocyada sonkorowga oo dhan waa inaad heerka sonkorta ku haysa sida ugu dhaw caadiga (heerka qiyaasta 80-120). Si loo sameeyo tan waa cuntada laysu dhelli tiro, daawada (insuliin ama tan afka / kiniin) iyo jimicsi ayaa loo baahan yahay.

Aad bay muhiim u tahay in aad loo barto sonkorowga inta aad awoodo. Meelaha ugu muhiimsan waa cuntada, daawada iyo dhaqdhaqaaqa. Barashada sonkorowgu waxay kaa caawimaysa helida xogta, xirfadda iyo isku filaanshaha aad u baahan tahay. Wax badan ood ka ogaato sonkorowga, si wanaagsan ayaad u xadidi doontaa.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Maxaa Keena Sonkorowga?
« Reply #5 on: May 30, 2008, 10:23:36 AM »
Qofna ma yaqaan waxa keena sonkorowga oo saxa ah. Waxaanu ognahay in sonkorowga uusan ahayn cudur fudud. Waxaa jira sababo badan oo keena. Cilmi baarista waxaa lagu helay dhowr sababood oo qofka gelin kara khatar weyn si u qaado sonkorowga. Khatarahaas waxaa ka mid ah:
  • Kolostrooka HDL oo le'eg ama ka yar 40 iyo/ama heerka triglyceride oo ka weyn 20 mg/dl
  • Dhiig kar le'eg ama ka koreeya 140/90
  • Taariikh qoys ee sonkorow (Dhaxal)
  • Walaac iyo walwal (cudur, dhaawac)
  • Fayrus (nooca I sonkorowga)
  • Daawooyinka qaarkood (steroids)
  • Dhibaato sistamkaaga difaaca (nooca I sonkorowga)
  • Cimri (40 sano iyo ka kor)
  • Aad u cayilan iyo/ama fadhiya
  • Qabitaan sonkorow inta Uurka leedahay ama dhalid cunug ka culus 90lbs.
  • Midabka (sonkorowgu wuxu ku badanyahay Madowga, Isbaanishka, iyo Maraykan dhaladka ah)
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Ma Waxaa Jira Hal Nooc Kabadan oo Sonkorowga ah?
« Reply #6 on: May 31, 2008, 10:13:42 AM »
  • Haa, waxaa jira noocyo badan oo sonkorowga ah:
  • Nooca I Sonkorowga
  • Nooca II Sonkorowga
  • Sonkorowga Shinka Mellitus
  • Liiska hoose wa qodobo ka mid ah noocyada ugu badan sonkorowga.
Nooca 1 Snkorowga
  • Waxaa loogu yeeri jiray sonkorowga ku tiirsan insuliinka ama sonkorowga Dhallin yarada ee Mellitus (JODM)
  • Inta badan wuxuu ku dhacaa inta ka horaysa 30
  • Ma samayn beeryartu insuliin
  • Inta badan waa miisan yaryahay
  • Laga helay 5-10% dadka qaba sonkorowga
Nooca 2 Sonkorowga
  • Waxaa loo aqoon jiray sonkorowga Mellitus ee Dadka waaweyn (AODM)
  • Inta badan wuxuu dhaca da'da 40 ka dib
  • Xooga insuliin ah bay beeryartu samaysa
  • Qofku inta badan miisan weynyahay
  • Waa nooca ugu caansan sonkorowga. Waxaa laga hela 80-90% dadka sonkorowga qaba.
Sonkorwoga Shinka Mellitus (GDM)
  • Wuxuu dhacaa Uurka
  • Haweenka inta badan culus
  • Heerka sonkorta caadi bay ku noqota inta badan marka cunuggu dhasho
  • Khatarta in uu gudbo nooca sonkorowga II hadhow nolosha (khaasatan haddad culustahay iyo/ama aad fadhido)
  • Noocyada kale ee sonkorowga waxaa ku jira Dhaawaca Dulqaadka Sonkorta (IGT) iyo sonkorowga la socdaan xaalada ale.


Dhakhtarkaaga ayaa kuu sheegi doona nooca sonkorowga aad qabto.[/list]
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Caruurtaydu Ma Ku Dhici Doonaa Sonkorowgu?
« Reply #7 on: June 01, 2008, 08:33:19 AM »
  • Inkasto sonkorowgu isu maro reeraha, waxaa jira fursad aad u yar in caruurtaadu Qaadan.
    Fursadda caruurtu ku qaadi karto Nooca I ee sonkorowga waa:
  • 2% haddii hooyadu qabto
  • 6% haddii aabuhu qabo
  • 5% haddii labada waalidba qabaan
    • Fursadda ay caruurtu ku qaadayso noca sonkorowga 2 waa 50% haddii hal ama 2 waalid qabaan. Aad bay caadi u tahay in nooca sonkorowga 2 uu reer isu maro. Sababtan darteed, reerkii leh taarikh sonkorowga nooca 2 waa inay yareeyaan isirrada khatarta ah.
      Luminta culayska, haddii aad u culustahay, ayaa ugu muhiimsan.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Ma Jirta Daawo Sonkorowga?
« Reply #8 on: June 02, 2008, 10:19:14 PM »
  • Ma laha daawo sonkorowga, laakiin waxaa lagu xakameyn karaa:
[0]Cunto qaadasho
  • Jimicsi ama cayaar
  • [0]Daawo
  • Dhakhtarkaaga iyo kooxda daryeelka caafimaadka ayaa kaa la shaqayn doona adiga iyo reerkaagaba si aad u barato sida fiican loogu noolaado sonkorowga.
  • Cilmi baarista sonkorowgu waxay u shaqaynaysa si loo helo daawo. Waxaa kaloo jira shaqo la qabtay oo lagu soo saaray tallaal Nooca I sonkorowga.
  • Waxaan kugu caawimi doona si aad wax badan uga barato sonkorowga. Weydiiso cashiro dheeraad ah iyo dariiqado loo barto sonkorowga.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Maxaan Kalo u Baahanahay iInaan Barto Xukunka Sonkorta?
« Reply #9 on: June 04, 2008, 10:45:32 AM »
Haddii aad ogtahay inaad qabto sonkorow, adigu waa inaad ka qayb qaadata xanaanaynta naftaada. La shaqee Dhakhtarkaaga, kalkaalisadaada iyo qofka cuntada si aad wax badan u barato oo ku saabsan nolosha fiican adigo sonkorow qaba. Ka bilow xogta ugu hooseyso (inta badan loo yaqaan xirfadda badbaadadaada). Aqoonta iyo xirfadda aad baran doonto horta waxay ku xirantahay nooca Sonkorowga aad qabto iyo qorshaha daaweyntaada. Xogta aasaasigga ah waxaa Ku jira:
  • Qorshaynta cuntada
  • Baaritaanka sonkorta
  • Daawada (insuliin iyo/ama tan afka)
  • Yaraanta sonkorta dhiigga


Xooga ka mid waxyaabaha aad u baahnaan doonto inaad ku xadido sonkorowgaaga waa:
  • Qaado insuliikaaga iyo/ama tan afka (kiniin) sida lagu faray
  • Baro sida loo fiiriyo oo loo xafido heerka sonkortaada
  • Baro inaad garato marka sonkortaadu aad u hooseyso ama aad u korayso
  • Raac qorshaha cuntadaada
  • Jimicso ugu yaraan saddex jeer asbuuci
  • Xafid ballankaaga dhakhtarka oo dhan, kalkaalisada sonkorowga, qofka cuntada
  • Tag fasalada sonkorowga (hadii aad ku nooshahay wadamada leh)


Si aad warbixin buuxda uga heshid sonkorowga iyo sida loo maamulo waxaan diyaar kuugu dhahay halkaan anagoo kaaga jawaabayna su'aalahaada oo idil iyo wixii walac aad qabtid.

DHAMMAAD
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

video files - awarenes on diabetes,BP,Joint pain,kindey stones

Started by YasararafatBoard Requests & Recommendations

Replies: 0
Views: 10085
Last post April 20, 2010, 08:50:57 PM
by Yasararafat
One Injection Stops Diabetes in Its Tracks: Treatment Reverses Symptoms of Type

Started by AbdulrazzakBoard Topics in Healthcare

Replies: 0
Views: 19524
Last post February 25, 2015, 02:00:06 AM
by Abdulrazzak
Dangerous diabetes drug Avandia on sale in Kenya

Started by AbdulrazzakBoard Health News and Events

Replies: 0
Views: 8339
Last post October 03, 2010, 01:06:39 PM
by Abdulrazzak
Sidee loo baaraa cudurka Diabetes-ka /Glucose-ka?

Started by HassanSunniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 29028
Last post December 21, 2007, 02:38:27 AM
by SomaliDoc
Special Report: Managing Diabetes

Started by MankayBoard Health News and Events

Replies: 2
Views: 8701
Last post January 03, 2008, 10:29:37 PM
by Mankay