Author Topic: Caadka Indhaha (Cataract)  (Read 57792 times)

0 Members and 3 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Caadka Indhaha (Cataract)
« on: May 27, 2008, 06:21:26 PM »


Cataract waa caad fuula bikaacda insha (lens) waa qaybta isha ee iftiinku ka gudbo taasoo keenta in araggu dhib noqdo. Caadku waxa uu fuuli karaa hal il ama labada indhoodba. Caadku waxa uu ku badan yahay dadka waaweyn.

Qodobada Halista ee Imaanshaha Caadka
Halista imaanshaha caad indhaha fuula waxa uu la kordhaa da’da.
Qodobada kale ee halista waxa ka mid ah:
  • Sonkorta/sonkorowga
  • Sigaar-cabista
  • Isticmaalka khamriga
  • Iftiinka cadceedda oo si badan kugu dhaca
  • Dhaawac isha gaara

Calaamadaha Caadka Indhaha
Calaamadaha caadka indhaha fuula si tartiib ah ayuu mudo dheer u sameysmi karaa.
  • Arag caad saaran yahay ama isku darsan
  • Waxa la arkaa iftiin ku wareegsan laydhka ama nalalka
  • Aragga habeenkii oo xun
  • Aragga oo ah laba-laba
  • Midabada oo aad moodid kuwa khafiifay

Daryeelkaaga
U tag dhakhtarka indhaha haddii aad qabtid mid ka mid ah calaamadahaa. Dhakhtarkaagu waxa uu sameyn doonaa baadhitaan indho si uu u ogaado cillada jira. Haddii dhibaatooyinkaaga araggu ay qas galiyaan hawlo maalmeedkaaga, waxa laga yaabaa in dhakhtarkaagu ku taliyo qalitaan. Qalitaanku waxa uu saaraa qeybta caadka leh waxana uu ku beddelaa lenis artifishal ah ama la sameeyay. Adiga iyo dhakhtarkaaga ayaa go’aan ka gaadhi doona haddii qalitaanku yahay daweynta kuugu fiican.

Waxa laga yaabaa in leniskaaga si tartiib ah mudo dheer caad u fuulo, sidaa daraadeed waxa laga yaabaa inaanad u baahan qalitaan mudo sannado ah. Waxa laga yaabaa in dhakhtarkaagu ku taliyo muraayado indho oo cusub, iftiin ka cad intii hore oo aad isticmaashid, muraayadaha qoraxda ee baajiya cawarista qorraxda ama leniska weyneysada ah si loo hagaajiyo araggaaga. U hubso in laguu sameeyo baadhitaano indho oo joogto ah si adiga iyo dhakhtarkaagu uga hadashaan goorta qalitaan loo baahan yahay.

Sida Loo Badbaadiyo Araggaaga
  • Haddii aad jirtid 60 ama aad ka weyntahay, ha laguu sameeyo baadhitaan indho oo leh weyneyn ugu yaraan hal mar labadii sannadooba.
  • Cun cagaar badan, khudaar iyo cuntooyin kale oo badan oo leh ‘antioxidant’ sida kuwa ku badan vitamin E-ga.
  • Gasho muraayadaha qoraxda iyo koofiyad si aad isaga ilaalisid iftiinka qorraxda ee ah ‘ultraviolet’.
  • Maamul sonkorta/sonkorowga aad qabtid adiga oo la kaashanaya dhakhtarkaaga iyo nafaqo-yaqaan.
  • Iska jooji sigaar-cabista.
  • Iska jooji khamriga.

Haddii aad qabtid su’aalo ku saabsan qoraalkaan, halkaan ku waydii.
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aa: Xanuun caruurta ah Iyo Xanuun indhaha ah?

Started by Nuur12Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 6
Views: 23654
Last post September 06, 2011, 09:46:03 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Wuxuu bilaabay inuu indhaha bilig bilig ka siiyo?

Started by Abdi21Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7908
Last post June 26, 2017, 10:06:28 AM
by SomaliDoc
Su?al: Seddexdii biloodba indhaha waxaa iiga soo baxaa nabar yar oo cuncun leh?

Started by Dr baddalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 15255
Last post March 17, 2011, 11:26:04 PM
by SomaliDoc
Daawada Indhaha: ma loo isticmaali karaa soo nooleynta Timaha daatay?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 11664
Last post January 02, 2013, 10:07:40 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay Indhaha oo iska ilmeynaya bilaa sabab?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 16790
Last post August 26, 2011, 09:15:07 PM
by SomaliDoc