Author Topic: Talaalka Dabaysha (Polio Vaccine)  (Read 27179 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Diagnostic

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 281
  • Points: +112/-0
  • Gender: Male
  • Professional Diagnosis
Talaalka Dabaysha (Polio Vaccine)
« on: May 31, 2008, 04:26:02 PM »
Poliomyelitis (Polio) waa cudur uu keeno feyras, wuxuu ku dhacaa dadka yar iyo kuwa weynba, waxaa laga qaadaa afka.

Dabayshu waxay dhalin kartaa xannuun yar ama astaamo sahlan. Waxay waxyeellaysaa hab dhiska neerfayaasha iyo dheefshiidka.
Waxay keentaa hunqaaco, qandho iyo muruqyada oo adkaada waxayna waxyeelli kartaa neerfayaasha, waxayna dhalisaa curyaanimo joogta ah.

Cudurku wuxuu curyaamin karaa muruqyada liqida iyo neefsiga, wuxuuna sababi karaa dhimasho. Inta u dhaxaysa laba iyo shan boqolkiiba dadka cudurku ku dhaco ayaa u dhinta kala-barka ka badbaadaana waxay yeeshaan curyaanimo joogta ah.

Dabaysha waa laga qaadi karaa haddii saxarada qofka infakshanka qabaa taabto cuntada, biyaha ama gacmaha.

Talaalka dabeysha wuxuu bilawday 1955. markii la gaaray 1960 tirada xaaladaha dabeysha ee ku nool dalka maraykanka hoos ayuu u dhacay ilaa 3,000 markii la gaaray 1979 waxaa jiray kaliya ilaa 10. guusha tallaalka polio ee wadanka mareykanka iyo wadamada kale waxay dhalisay in aduunka oo dhan isku dayo inuu ciribtiro dabeysha.

Bisha maarso ee sanadkan ayey aheed markii hay'adda WHO ay sheegtay in somaliya laga cirib tiray cudurka dabeysha, halkaan ka akhriso qoraalkaas http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=875.0

Tallaalka dabeysha waxaa laba nooc:

  • Mid afka laga qaato oo loo yaqaano (OPV) ama (Sabin)
  • Mid cirbad laga qaato oo yaqaano (IPV) ama (Salk)


Dadka waaweyni waa inay xaqiijiyaan inay horay u qaateen ugu yaraan saddex qadar oo ah talaalka dabaysha. Haddii aan arrintu sidaas ahayn waa in lala tashadaa talaal bixiyaha oo la siiyaa mid xoojin ah.
Xoojiyaha waxaa la siin karaa keliya waayeelka hadday khatar ku jiraan.
Khatarahaasi waa:
• kuwa u safraya wadamada khatartu ka jirto.
• shaqaalaha Caafimaadka ee xiriirka la leh dadka qaba dabaysha.

Dadkan waa in la siiyaa qadar xoojiye ah oo OPV tobankii sanaba hal mar.

Waxyeellada guud oo ka timaada talaalka aan kacsanayn ee dabaysha:
• Muruq xannuun
• Qandho heerkeedu yar yahay
• Meeshii la duray oo xanuun, guduudasho iyo bararba yeelata
• Kurtun ama kuus ay yeelato meeshii la duray

Waxyeelada aan badanaa dhicin:
• Xasaasiyad aad u daran Haddii dhib sahlani dhacdo, waxay ku dhamaan kartaa 1 ilaa 2 beri.

Waxyeellada waxaa lagu yarayn karaa iyadoo:
• iyadoo la cabayo biya badan
• iyadoo dhar badan aan la gashan
• Iyadoo la saarayo dhar qoyan oo qabaw meesha xannuunsanaysa ee irbada lagu duray
• iyadoo la siinayo ilmahaaga daawada

Haddii dhibtu badan tahay joogtana tahay, ama haddii aad ka welwelsan tahay, u tag dhakhtar.

Ka hor intaan adiga ama ilmahaaga la talaalin, u sheeg dhakhtarka ama kalkaaliyaha caafimaadka haddii kuwaan soo socda midkood jiro:
• Aanu fiicnayn maalinta talaalka (xaraaradu ka sarrayso 38.5°C)
• Uu horay xasaasiyad ugu yeeshay talaalka MMR
• Uu qabo xasaasiyad uu u leeyahay wax talaala (tusaale, neomycin)


In diagnosis think of the easy first.
Martin H. Fischer


 

Todobaadka Talaalka oo Maanta laga xusay Muqdisho

Started by DrkheyreBoard Health News and Events

Replies: 0
Views: 5571
Last post April 24, 2011, 07:28:02 PM
by Drkheyre
Su'aal: Talaalka lugta laga qato baa farisay cunugayga?

Started by ShaxshaxleeyBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4466
Last post June 03, 2016, 08:59:33 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Talaalka xilliga uurka la qaato waa imisa?

Started by ShaxshaxleeyBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8225
Last post January 27, 2015, 12:48:19 PM
by SomaliDoc
SU'AAL: MUXUU YAHAY TALAALKA MALAARIYADA?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 5283
Last post September 06, 2017, 09:20:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Talaalka hooyada ama ilmaha?

Started by Nuur12Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8550
Last post July 19, 2011, 05:55:06 PM
by SomaliDoc