Author Topic: Qabsin-saarid (Appendicectomy)  (Read 29530 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Qabsin-saarid (Appendicectomy)
« on: June 02, 2008, 02:37:54 AM »
Qabsin-saarid waa qalitaan lagu saarayo qabsinka/abindijiitada (appendix). Qabsinku waa kiish yar oo ka farcama xiidmaha/mindhicirka weyn.
Qabsinku marmarka qaarkood wuu gufeysmaa waana uu caabuqaa/fashfashaa oo bararaa.

Calaamadaha qabsin caabuqay/fahsfashay waxa ka mid ah xanuun caloosha ah oo dhinaca midigta hoose, qandho, rabitaanka cuntada oo xumaata, lallabo iyo mattag. Haddii qabsinku dilaaco, si daran ayaad u jiran kartaa.

Waxa jira laba siyaabood oo loo sameyn karo qalitaankan:

# Open appendectomy - hal meel oo laga jeexo caloosha. Dhakhtarku waxa uu ku dhex shaqeeyaa halkaas jeexis oo weyn si loo soo saaro qabsinka.
# Laparoscopic appendectomy - 3 ama 4 meelood oo yaryar ayaa laga jeexaa caloosha. Dhakhtarku waxa uu isticmaalaa kamarad iyo qalab, iyada oo la dhex marayo jeexitaanada yaryar si loo soo saaro qabsinka. Marka la sameeyo qalitaanka noocan ah, waxa laga yaabaa in aad hore u bogsato, aad yeelatid xanuun aan badnayn, ay qoloftu yaraato, ay yaradaan dhibaatooyinka dhaawaca oo taasoo yaraysa wakhtiga aad joogtid cisbitaalka.

Waxaa loo baahan yahay qof weyn oo ka tirsan qoyska ama ah saaxiib oo ku soo raaca, oo ku geeya guriga qalitaanka ka dib . Ammaan
kuuma aha inaad baabuur kaxeysid ama kaligaa ka baxdid cisbitaalka.

Is Diyaaris
# U sheeg dhakhtarkaaga dawooyinka aad qaadatid noocooda oo ay ka mid yihiin dawooyinka dhakhtar qoray, dawooyinka la iska iibsan karo warqad dhakhtar la'aan, fitamiinada iyo geedaha.
# Haddii aad ku qabtid wax diidmooyin/xaasaasiyad ah daawo, cunto ama waxyaabo kale, u sheeg kalkaalisada.
# Wax ha cunin ama ha cabin, xataa biyo, ilaa qalitaankaaga ka dib.

Inta Lagu Jiro Qalitaanka
# Tuubo xidid la galinayo (IV)/faleebo ayaa la galin doonaa xidid ku yaala gacmahaaga si laguu siiyo dawo iyo dheecaano.
# Waxa lagugu qaadi doonaa sariir si laguu geeyo qolka qalitaanka. Waxa lagugu wareejin doonaa miiska qalitaanka. Waxa laga yaabaa in lugahaaga suun lagu xidho, ammaankaaga daraadii.
# Waxa lagu siin doonaa dawo si aad u huridid inta qalitaanku socdo. Dawada waxa laguu marin doonaa tuubo xidid ku jirta (IV) ama waji-qaris wajiga lagu daboolayo.
# Waxa la nadiifin doonaa calooshaada waxana lagu dul saari doonaa go'yaal si meesha qalitaanka looga dhigo nadiif.
# Calooshaada waa la jeexi doonaa. Iyada oo la adeegsanayo habka ah "laparoscopic," 3 ama 4 jeexis ayaa la sameeyaa.
# Qabsinka ayaa lagaa saari doonaa.
# Meesha la jeexay waxa lagu xidhi doonaa tolmo, qabatooyin ama sharooto/dhejisyo gaar ah oo loo yaqaano "?steri-strips."
# Haddii tolmo ama qabatooyin la isticmaalo, faashad ayaa dusha looga dhejin doonaa.

La soco qeybta ka hartay casharkan
SomaliDoc


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Qabsin-saarid (Appendicectomy)
« Reply #1 on: June 03, 2008, 05:04:52 PM »
Qalitaanka ka dib

Cisbitaalka Gudihiisa
# Waxa lagu geyn doonaa qolka bogsashada halkaas oo si weyn laguugu ilaalin doonaa ilaa aad ka soo toosaysid oo aad ka fiicnaatid.
# Neefsashadaada, cadaadiska dhiigga iyo garaaca wadnaha ayaa marrar badan la hubin doonaa.
# Dhakhtarka ayaa kaala hadli doona qalitaankaaga iyo goorta aad ku noqon kartid guriga.
# Dawooyinka lagu siiyo wakhtiga qalitaanka waxay kuu keenayaan hurdo-hurdo. Waxa aad u baahan doontaa qof weyn oo ka tirsan qoyska ama ah saaxiib oo ku geeya guriga, ammaankaaga daraadii.

Guriga Gudihiisa
# Naso.
# Dawooyinkaaga u qaado sida uu kuu sheego dhakhtarkaagu.
# Wac dhakhtarkaaga si aad u ballansatid booqasho la-socod ah.
# Waad qubeysan kartaa. Ha qaadan qubeys lagu fadhiisanayo saxanka qubeyska mudo ah hal todobaad qalitaankaaga ka dib.
# Ka qaad faashadda meelaha la jeexay maalinta ku xigta qalitaanka, inta aadan qubeysan ka hor. Si tartiib ah ugu dhaq meelaha la jeexay biyo iyo saabuun oo si tartiib ah taabasho ugu qalaji . Saar faashado ah dhejis ama sharooto cusub meelaha lagaa jeexay. Iska beddel faashadaha dhejiska ah, wakhti kasta oo ay qoyaan ama wasakh noqdaan.
# Haddii ay kugu yaalaan qabatooyin ah "?steri-strips", iska daa. Iyaga ayaa iska soo dhici doona.
# Waxa laga yaabaa inay dhib kugu noqoto inaad saxarootid qalitaanka ka dib. Socodka iyo cunista cunto qani ku ah dufka sida siriyalka (cereals), digirta, khudrada/cagaarka iyo rootiga/roodhida ka sameysan xabuublay aan buushe laga saarin (whole grain) ayaa ku caawin doona. Waxa kale oo ku caawin kara cabista 8 koob oo biyo ah maalin kasta.
# Waxa kale oo laga yaabaa in lagu baro sida loo sameeyo neefsasho xoog leh iyo jimicsiyo qufac si aad uga badbaadid sambabada oo caabuq/fashfash ku dhaco, qalitaanka ka dib. Xoog u neefso oo qufac saacad kasta inta aad soo jeedid iyo haddii aad soo toostid habeenkii. Waxa laga yaabaa inaad caawinaad ka heshid barkimo aad ku taageertid meelaha lagaa jeexay marka aad qufacaysid ama xoog u neefsanaysid.
# Ha qaadin alaab culus oo ka badan 4.5 kiilo garaams (10 rodol) mudo ah saddex maalmood.
# Ha kaxeyn baabuur ilaa dhakhtarkaagu kuu sheego inay caadi tahay oo aadan qaadaneynin dawo xanuun.
# Kala hadal dhakhtarkaaga ama kalkaalisada xadka u yaalaa wixii kale ee firfircooni ah. Waa inaad awoodid inaad ku laabatid firfircoonidaada caadiga ahayd in lagu qiyaaso 1 ilaa 3 todobaad.

Wac dhakhtarkaaga isla markiiba haddii aad qabtid:
# Xanuun ah caloosha ama garabka oo aan tagaynin ama ka sii daraya
# Casaan, burbur maqaar ama barar soo kordhay
# Qandho ka sareysa 38 darajo C (101 darajo F)
# Qarqaryo, qufac ama dareen ah tabar-dari iyo xanuun
# Matag
# Maqaarka oo cuncuna, barar ama firiiric cusub
# Saxarada oo dhib ah ama shuban badan

Wac 911 ama si dagdag ah u gaar isbitaalka isla markiiba haddii:
# Meeshi la jeexay ay furanto.
# Dhiig-bax cusub ka yimaado meeshi la jeexay.
# Ay si kadis ah neefsashadu dhib kugu noqoto.
# Aad leedahay xanuun laabta ah.

Wixii su'aalo ama warbixin dheeraad ah halkaan ka waydiiso
SomaliDoc
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Qabsin

Started by NabadoonkaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 12037
Last post April 08, 2011, 09:35:30 PM
by SomaliDoc