Diseases and Conditions > Cudurrada Haweenka

Dhibaatooyinka uurka (Pregnancy problems)

(1/3) > >>

SomaliDoc:

Inta aad uurka leedahay, waxa laga yaabaa inaad yeelatid xoogaa ah dhib iyo raaxo-daro hadba marka jirkaagu is beddelo. Isku day talaabooyinkan aasaasiga ah oo la hadal dhakhtarkaaga ama kalkaalisada si aad u heshid talo dheeraad ah. Ha isticmaalin wax ah dawooyinka la iska iibsan karo warqad dhakhtar la'aan ama dhir/geedo adiga oo aan marka hore la hadlin dhakhtarkaaga.

Waxaan qormadaan uga hadli doonaa dhibaatooyinka ugu caansan ee la soo dersa haweenada uurka leh waxaan ka mid ah:
[+]Walac (Morning Sickness)
[+]Daal (Fatigue)
[+]Hurdada oo dhib ah (Trouble Sleeping)
[+]Cirib dhiigid (Bleeding Gums)
[+]San cabur iyo san-goror (Epistaxis & Nose stuffiness)
[+]Danqasho naaska ah (Tender Breast)
[+]Laabjeex (Hearburn)
[+]Bararka gacmaha iyo cagaha (Swelling of Hands and Feet)
[+]Kaadi badni (Polyurea)
[+]Calool-adag ama Shuban (Constipation or Diarrhea)
[+]Baabasiir/Bawaasiir (Hemorrhoids)
[+]Dhabar-xanuun (Back pain)
[+]Maroojis Lugta ah (Leg Cramps)
[+]Xidido Dhiig oo Bararsan (Varicose Veins)
[+]Dheecaan siilka ah (Vaginal Discharge)
[+]Madax-xanuun (Headache)
[+]Hergab/Ifilo (Cold/Flu)
[+]Xanuun Caloosha ah ama Qabashooyin (Abdominal Pain or Contractions)
[+]Dawakhmid (Dizziness)
[+]Xiriirka galmada (Sexual relations)
[+]Isbeddelada Niyada ama Fikirka (Changes in Mood or Thinking)
[+]Jamasho cunto (Food Cravings)
[+]Maqaarka, Timaha iyo Cidiyaha (Skin, Hair and Nails)
Fadlan hoos u dhaadhac si aad u akhrisato warbixin ku saabsan dhibaato kasta.
Wixii su'aalo ku aadan waxaad na soo weydiin kartaan markii casharka uu dhamaado.
http://somalidoc.com

SomaliDoc:
Lallabo ama dareen ah in calooshu jiran tahay waxa badanaa loo yaqaanaa walac. Waa caadi la isku arko inta lagu jiro 14 todobaad ee ugu horeeya uurka.
# Isku day inaad cuntid rooti, rooti qalalan ama siriyaal ka hor inta aanad ka degin sariirta subixii. Waxa laga yaabaa in cuntooyinkaasi ku gargaaraan wakhti kasta oo ah maalinnimada oo aad isku aragtid lallabo.
# Cun cuntooyin yaryar balse marrar badan cun halka aad ka cuni lahayd cunto weyn oo ah 3 wakhti.
# Iska ilaali in calooshaadu marnaato.
# Iska ilaali inaad dhakhso u jiifsatid ka dib marka aad wax cuntid.
# Iska ilaali cuntooyinka leh baruur badan, la shiilay, leh basbaas ama dufan.
# Iska ilaali urta cuntada.
# Wac dhakhtarkaaga ama isbitaalka aad haddii aanad awoodin inaad ceshatid cabitaanada mudo ka badan 24 saacadood, haddii aad leedahay kaadi madow ama aad dareentid tabar-dari ama wareer/dawakh.

SomaliDoc:
Daal
Inaad daal dareento waa caadi.
# Samee jimicsi maalin kasta haddii uu oggol yahay dhakhtarkaagu si tamartaadu u kororto.
# Naso marrar badan. U jiifso dhinaca bidix ugu yaraan 1 saac inta lagu jiro maalinnimada.

Hurdada oo Dhib ah
Marka uurkaagu sii weynaado, waxa dhib noqon kara inaad raaxeysatid oo seexatid.
# Iska ilaali cabitaanada leh kafeyn.
# Wax ha cunin wax yar ka hor wakhtiga jiifka.
# Isku day qubays ama mayrasho diiran ka hor wakhtiga jiifka.
# Samee jimicsiyada sida neefsasho xoog leh iyo iskala-bixin.
# U jiifso dhinaca bidix iyada oo barkin kuugu jirto lugaha dhexdooda kana hooseyso calooshaada.

SomaliDoc:
Cirid dhiig-baxaya
# Isticmaal burush jilicsan oo si tartiib ah u nadiifi ilkaha. Maalin kasta mari ilkaha xarkaha ilkaha (floss).

Dhiig Sanka ah
# Waxa aad sankaaga ku dhibcin kartaa dhibco milixeysan ama waxa aad galin kartaa nooc labeen ah (gel).
# Si aad u joojisid dhiig sanka ka socda, fadhiiso ka dibna si adag farahaaga ugu cadaadi dhinaca sanka/dulka dhiiggu ka socdo.

Naaso danqanaya ama caano ka da’ayaan
# Xiro rajabeeto aan xoog kuu haynin sida keeshaliga isbortiga.
# Waxa laga yaabaa inaad gargaar ka heshid keeshali aan lahayn fiilooyin ama waayiro marka aad seexanaysid habeenkii.
# Keeshaligaaga gasho kuusaska naaasaha (nursing pads) haddii naasahaagu sii daynayaan caano.

SomaliDoc:
Laabjeex

# Laabjeexu waa dareen gubasho leh oo ah caloosha, dhuunta ama laabta.
# Iska ilaali kafeyn, wixii caano ah ama ka sameysan, cuntooyinka leh dufan, asiidh/aashito ama basbaas.
# Cuntooyin yaryar cun 2-3 saac kasta. Si tartiib ah wax u cun.
# Ka dib marka aad wax cuntid ha jiifsan muddo 1 saac ah.
# Ha gashan dhar ciriiri kugu ah.
# Ha iska laabin dhexda. Iska laab jilibaha marka aad foorarsanaysid.
# Ilaa 2 saacadood ha sameyn jimicsi marka aad wax cuntid.
# Seexo adiga oo madaxa sare ugu soo qaaday barkin labaad ama dheeraad ah.
# Ha cabin sigaar.

Bararka Gacmaha iyo Cagaha

# Iska ilaali inaad taagnaatid ama fadhidid mudo dheer.
# U jiifso dhinaca bidix mudo ah 30-60 daqiiqadood, 3-4 jeer maalin kasta.
# Samee jimicsi haddii uu dhakhtarku kuu oggol yahay.
# Iska ilaali cuntooyinka milixdu ku badan tahay.
# Booqo dhakhtarkaaga haddii aad toostid dhawr subax oo iska xiga adiga oo leh barar.

Navigation

[0] Message Index

[#] Next page

Go to full version