Diseases and Conditions > Cudurrada Haweenka

Dhibaatooyinka uurka (Pregnancy problems)

<< < (3/3)

SomaliDoc:
Madax-xanuun

# La xiriir dhakhtarkaaga marka aad rabtid dawooyinka la iska iibsado warqad dhakhar la'aanteed ee amaanka ah. Ha qaadan asbiriin, ibuprofen (Advil ama Motrin) ama naprosyn (Aleve).
# Wac dhakhtarkaaga haddii madax-xanuunku aanuu kaa tagin, haddii aad leedahay arag isku darsan ama dawakh, ama barar badan oo ah gacmaha ama lugaha.
 
Hargab, Ifilo
 
# Iska ilaali inaad ag joogtid dadka jiran. Marrar badan dhaq gacmahaaga.
# Wac dhakhtarkaaga haddii aad qabtid qandho, neefsashada oo dhib kugu ah ama aad soo qufacaysid xaako.
# Wac dhakhtarkaaga haddii uu kuu soo dhawaaday qof qaba busbus ama caabuq dhuunta ah (strep throat).

SomaliDoc:
# Waxa laga yaabaa inaad xanuun ka dareentid aagga miskaha dhexdooda marka uurkaagu sii weynaado. Xanuunkaasi waa uu ka sii dari karaa marka aad sameysid dhaqaaq dhakhso ah ama socod dheer.
# Wac dhakhtarkaaga isla markiiba haddii aad qabtid xanuun daran.
# Qabashooyinka loo yaqaano Qabashooyinka "Braxton Hicks" waa qabashooyin khafiif ah oo aan xanuun lahayn isla markaan aan joogto ahayn. Kuwaasi waa caadi umana baahna daweyn.
# Marka qabasho ku hayso, u jiifso dhinaca bidix oo naso. Gacmahaaga saar caloosha ka dibna dareen goorta qabashadu bilaabmayso iyo goorta ay dhamaanayso. Soo saar wakhtiga u dhexeeya qabashooyinka.
# Haddii uurkaagu ka yar yahay 9 bilood oo aad leedahay qabashooyin, cab 8-10 koob oo biyo ah gudaha hal saac. Haddii wali aad leedahay qabashooyin ah 4 ama ka badan gudaha hal saac ka dib markii aad cabtay biyaha, wac dhakhtarkaaga.
# Haddii aad ku jirtid bishii sagaalaad ee uurkaaga, wac dhakhtarkaaga haddii qabashooyinku ay kugu dhacayaan wax ka badan 6 jeer saacaddiiba, ay ku haynayaan wakhti ka dheer 15-30 sekan, ay xanuun yeeshaan, ama aad yeelatid dhiig ka imanaya siilka ama uu kaa yimaado dheecaan.
# Waxa laga yaabaa in dhakhtarkaagu kuu sheego inaad isla markiiba soo wacdid haddii aad isku aragtid qabashooyin.

SomaliDoc:
Dawakh (Dizziness)
# U jiifso dhinaca bidix.
# Si tartiib ah u beddel sida aad u meeleysan tahay.
# Si tartiib ah u kac haddii aad jiiftay.
# Cuntada si joogto ah u cun.
# Booqo dhakhtarkaaga haddii dawakhu kaa tagi waayo ama uu marrar badan kugu dhaco.

Xiriirka Galmada (Sexual relations)
# Waa caadi inaad yeelatid isbeddelo ah xagga rabitaanka galmada inta aad uur leedahay.
# Galmada waa la oggol yahay wakhtiga uurkaaga iyada oo dhakhtarku kuu sheego si kale mooyaane.
# Waxa laga yaabaa inaad isku aragtid xoogaa ah maroojin dhawr daqiiqadood ka dib galmada.

SomaliDoc:
Isbeddelada Niyada ama Fikirka

# Waa caadi inaad yeelatid isbeddelo ah niyadda oo ka imanaya isbeddelada hormoonka (hormone) ee ka dhacaya jirkaaga.
# Waxa laga yaabaa inaad isku aragtid iloobid intii hore ka badan. Taasi waa caadi. Samee qoraalo xusuusin ah si ay kaaga gargaaraan inaad xusuusatid waxyaabaha muhiimka ah.
# U sheeg dhakhtarkaaga haddii aad ku fikiraysid inaad naftaada waxyeelo u geysatid.

Jamasho Cunto

# Waxa laga yaabaa inaad yeelatid jamasho cunto oo aan caadi ahayn inta aad uurka leedahay.
# Cun noocyo kala duwan oo ah cuntooyin caafimaad leh wakhtiyada cuntada iyo marka aad qaadanaysid cuntooyin fudud.

SomaliDoc:
# Waxa dhici karta in timahaaga iyo cidiyahaagu dhaksho u koraan. Haddii aad ku talo-jirtid in timaha laguu mariyo kiimikooyin, u sheeg timo-dhisaha inaad uur leedahay.
# Dhibaatooyinka maqaarka oo caadiga ah waxa ku jira isbeddelo ah midabka maqaarka, maqaar cuncun leh, calaamadaha fiditaanka iyo findoob.
haddii aad qabtid su'aalo iyo faahfaahin dheeraad ah, halkaan ka weydii
SomaliDoc

Navigation

[0] Message Index

[*] Previous page

Go to full version