Author Topic: Afmaldahane (balaaqada soomaliga)  (Read 35338 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Dr.Adnan

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 280
  • Points: +15/-0
  • Gender: Male
  • “The first wealth is health.”
Afmaldahane (balaaqada soomaliga)
« on: June 07, 2008, 11:32:48 PM »
Asalaamu calaykum
  Marka hore waxa aan salaan u gudbinayaa dhamaan xubnaha Golahan Somalidoc. Ta labaad waxa aan ka cudur daaranayaa kalgu'ii igu dhacay muda dhawayd taas oo ay keentay fatradan imtixaanadu.
Laakiin Ilaahay mahadii hada oo aan dhameeyay waxa aan jeclaaday in aan araar kaga dhigto soo noqoshadaydan, aniga oo soo bandhigi doona qaybo ka mid ah isticmaalada suugaanta soomaliyeed.
waxa aan qaybtan (Doctor's hobbies) ugu doortay aniga uu u arkay wax ani khaas ahaan aan u xiiseeyo laakiin ay suuro gal tahay in dad badan kale ay xiiseeyaan, dadkuna isku dookh iyo doorasho maaha.
Maadaama aynu wada nahay soomaali, ku hadalno afka soomaliga, Yahayna Hantideena ma guurtada ah. Waxa aan jecleystay in aan ka yara hadlo qayb ka mid suugaanta soomaliga, oo shaqsi ahaan aan u jecelahay.

Afmaldaha luqada soomaliga
[/u]
Afmaldaha ama Afka maldahani waa hadalka oo la sogordahay (daboolay). Si fudud, waa hadalka oo sida uu yahay maahee si kale loo dhigo. Afmaldahu waxa uu ku daraa luqada qurxin, gaabin , ujeedo qeexid isla markaana ka dhigaa hadalka mid soo jiidasha leh.
Afmaldahu waxa uu la mid yahay Balaaqada luqada carabida (بلاغه). markaa hadii aad ta carabida  hore u taqaanay dhib kugu yeelan mayso soomaliga afmaldahiisu.
Noocyada afmaldaha.
Jaadadkiisu waa Ekeyn, Qofayn, Sarbeeb, Dayrin(Yamxeero), Buunbuunin iyo Sillan-sugan. Suugaanyahanada qaar baa intaa ka badiya, laakiin ilaa imika inta lagu heshiiyay waa intan.
    1-Qofayn:-
Qofayntu sida magaceeda ka muuqata waa inaad shay aan qof ahayn ula hadasho sidii qof ku fahmi kara kuuna jawaabi kara.Had iyo jeer maaha in ay walaxdaasi jawaabto laakiin waa inaad u ekeysiisa in ay walaxdu ku fahmayso.
Tusaale
Ismaaciil mire wuxuu yidhi.

Guuguulihiiyow haddaad guga u ooyayso, *
hadaad mooday keligaa inuu gubayo jiilaalku,
Oo aad gabooyahan ku madhan gama' la'aan diiday, **


*Guuguule=nooc ka mid ah shimbiraha.(shimbirkan waxa loo yaqaan sidoo kale shimbirka colaada)
**gabooyaha= qalabka dagaalka.
Gabaygan waxa uu ismaaciil mire la hadlayay guuguulaha. laakiin guuguulaha oo shimbir ah fahan iyo jawaab toona  lagama filayo. waa taas qofayntu.
Tusaale 2
Cali xuseen wuxuu yidhi:-

Fiin yahay adaa ololayoo, oohin ciirsadaye*
Haddii aan laguu imannin waad, aammusi lahayde
Maxaad aragtay waan kula qabaa, uurkutaallada'e?

Waxay tidhi "Ilaahay taqaan, aad u garanayso
Oo aad Islaam tahay iddaa, waa irdhaysnahaye."


gabaygan cali xuseen waxa uu la hadlayay fiinta oo ah nooc shimbiraha ka mid ah, sida inoo muuqata waxa uu cali xuseen ka dhigay fiinta mid u jawaabtay oo uu yidhi waxay tidhi. waataas qofaynta in shay aan qof ahayn laga dhigo qof.

  2-Ekeeye:-
Ekeyntu waa shayga loo yaqaan carabiga tashbiih (تشبيه) oo ah in aad shay u ekaysiiso shay kale. inta badan waa barbardhig, waxana loo adeegsadaa badanaa amaanta.

Tusaale
Maxamed Axmed kuluc wuxuu yidhi:-
sida geed caleenloo
ubax guud ka qariyo
ooy gooni laamahu
ay midiba geesteed
hoobaan is gaadhiyo
guntin midha ah leedahay
oo soo gandoodoo
galka faraqa soo daray
oo godon barwaaqiyo
durdur aan go'ayniyo
gacan webi ku yaaloo
oon gu' iyo jiilaal
midab guurin baadtee

Gabaygan maxamed kuluc waxa uu gabadha uu amaanyay una ekeysiiyay geed wayn oo caleen leh , isla markaana midho badan oo bislaaday leh, midhahaas oo ah hoobaan ( kuwa iyaga oo aan la karin la cuni karo sida cinabka), geedkaas ku soo foorara haro ka hoosaysa, haba soo fooraree waabu taabtay oo biyihii ayay laamihii ku ciyaarayaan, oo hirarka biyaha kicinaya. Haradaas gacan biyaha ku soo shuba ayay leedahay oo aan gudhayn gu'a iyo jiilaal.

3-Sillan-sugan
Waa xusid laba weedhood oo iska soo hor jeeda ama liddi isku ah. sida magaca inooga muuqata sillan waa shay wax u dhimanyihiin ama naaqus ah, sugan waa shay dhamaytiran amase xaaladii lagu yaqaanay ku sugan oo aan nuqsaan lahayn.
Tusaale:-
Qaasim wuxuu yidhi:-
Dacartuba mar bay malab dhashaayood muudstaa dhabaqe.
waxaan ahay macaan iyo qadhaad meel ku wada yaale.
midigtayda iyo bidixdaydu waa laba mataanoode.
Midi waa martida soora iyo maata daadihise.
midina waa mindiya xiirayiyo murriyo deebaaqe.
Masalooyin talantaaliyaan maandhaw leeyahaye.

Qaasin tuducyadan waxa uu ku sheegay waxyaabo badan oo isku liddi ah, ka bilaw dacarta oo ah geed ku caan baxay qadhaadhka ayaa waxa uu sidoo kale xusay dhabaqa ay bixiso oo isaguna aad u macaan , macaanka iyo qadhaadhkuna waa isku liddi. deetana waxa uu isku matalay sida dacartaas qadhaad iyo dhabaqeeda macaan. dabadeetana waxa uu ka waramay labadiisa gacmood oo uu yidhi midina waa mid martida soorta oo caruurta iyo cidii itaal daran u wanaagsan, ta kale se waa midiyo af leh oo wax jaraya iyo sidoo kale qadhaad ( Mur=Deebaaq= aad u qadhaadh).


Dhamaadka qaybta kowaad
( walaal hadii aad jeceshahay faahfaahin dheeraad ah amase wax khalad ah aad ku araktay qoraalkan jawaab iiga soo celi)


**Ruuxaan Dantiisiyo aqoon, waxa daryeelaaya**
**Inuu Deeqda Eebahay ka qaday, dib u xusuusnaada**
Hadraawi...


Offline Dr.Farabadan

  • Full Member
  • ***
  • Posts: 81
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Afmaldahane (balaaqada soomaliga)
« Reply #1 on: September 26, 2008, 01:25:52 PM »
well done dr adan. waxaan filaa afka somaligu waa af luqad qani ah oo xigmadi ka buuxdo laakiin hada lama isticmaalo xigmadiisa, dadkii hore suganta waxa ay u isticmaali jireen  wax walba oo nolosha ku saabsan lakin hada  waxaad moodaa in ay sii yaraaneyso adeegsiga suugaanta

thnxx bro waxaan kugu magacaabi karaa macalimka forumkaan 8)
never give up learning

Offline PrincessMuni

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 595
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Re: Afmaldahane (balaaqada soomaliga)
« Reply #2 on: September 27, 2008, 03:37:33 PM »
 :o
it looks like quransho to me walahi! am having a big problem
will someone care to translate the post into english?
whats up with the suugo, I see you guys repeated it more than once, does it have another meaning than what we eat?
Intelligence plus character- that is the goal of true education

Dr. Martin Luther King Jr.

Offline Dr.Farabadan

  • Full Member
  • ***
  • Posts: 81
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Afmaldahane (balaaqada soomaliga)
« Reply #3 on: September 27, 2008, 11:41:08 PM »
pirincess somalis say "geel maxaa indhakuul ka kasaa kurtun aas ku rugrugtaahe"
walahi sis way haboontahay in aad luuqadaada taqaanid. ask  bro Dr.adan to help u learn somali.
if u understood those wisdoms, u would enjoy reading it

anyway, i m  happy to help u  with it
never give up learning

Offline Dr.Adnan

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 280
  • Points: +15/-0
  • Gender: Male
  • “The first wealth is health.”
Re: Afmaldahane (balaaqada soomaliga)
« Reply #4 on: September 29, 2008, 08:53:44 AM »
s/c walaal dr.farabadan waad mahadsantahay , waxaan hubaa in dad badan oo igaga wanaagsan afka soomaligi ay ku jiraan forumkan oo hadii Alle idmo aad kaba mid tahay, laakiin intani waxa ay ahayd in maalin aan Google ka waydiiyay "afmaldahane" uu soona saari waayay, markaas ayaan go'aansaday wixii aan ka aqaan in aan soo publish gareeyo si qofkii intan u baahani u akhristo.
For princess_muni Somali language is very interesting and If you can read this I assure you a whole world of wisdom will unfold to you.
For a piece of personal advice just spend holidays trying to read,write and chat with somali and you will see a great change.
**Ruuxaan Dantiisiyo aqoon, waxa daryeelaaya**
**Inuu Deeqda Eebahay ka qaday, dib u xusuusnaada**
Hadraawi...

Offline mohamed jama

  • Newbie
  • *
  • Posts: 4
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Afmaldahane (balaaqada soomaliga)
« Reply #5 on: September 29, 2008, 11:54:19 PM »
dr.adnaan waad mahadsantahay waxaad na soo xasuusisay luqada soomaaliga macaanideeda oo inteena badan aysan waayahaan isticmaalin sababtuna ay tahay memberska oo u badan kuwa ku nool banaanka wadankeena hodanka ah ee somalia waad mahadsantahay walaal dhan walba hadii loo rogo luqadeena waa mid aad u xiiso badan hadana waxa sii macaaneenaayo waa anaga oo wada isticmaalno hal luqad ilaahay ayaana ooga mahad celinaayaa taas
thank u again bro 4 da usefull posts

Offline Dr.Farabadan

  • Full Member
  • ***
  • Posts: 81
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Afmaldahane (balaaqada soomaliga)
« Reply #6 on: September 30, 2008, 01:13:48 AM »

hey Dr .adnan bro barnaamijkaan sii balaari si aan uga wada faa'iideysano. bro suugaantu power ayay leedahay, dabcan dad badan oo forumkan ku jira oo xagaa afka somaliga luqad kale ayuuba u yahay. marka bro carry on
never give up learning

Offline PrincessMuni

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 595
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Re: Afmaldahane (balaaqada soomaliga)
« Reply #7 on: October 02, 2008, 03:04:52 AM »
hold on hold on! wts the Geel and indha kuul ? lol
is that somekind of insulting? ??? i don't see wisdoms coz its kinda difficult what you wrote, i mean i can talk in somali v well but the problem is the big somali words like u wrote! for example i didnt understand afmadlahne
but u wrote balaqa so i understood, i can read but the problem is understanding
anyways, Dr. adnaan i do try 2 learn somali walahi and i've learnt so much in the past two years, better than before ofcourse, and am way 2 good in somali
since i've never been to somalia
Intelligence plus character- that is the goal of true education

Dr. Martin Luther King Jr.

Offline Dr.Adnan

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 280
  • Points: +15/-0
  • Gender: Male
  • “The first wealth is health.”
Re: Afmaldahane (balaaqada soomaliga)
« Reply #8 on: October 03, 2008, 09:10:47 AM »
Eid mubarak.
horta waad mahadsantihiin mohamed jama iyo dr.farabadan. waanan isku dayi wixii awoodayda ah inaan soo galiyo forumka, laakiin waxa xusuusin mudan in dhamaanteen wixii aan garanayno ee xoogaa iskudubarid iyo dhiiranaani uun maqantahay. mar kalana ciid mubaarak ...

For you princess_muni keep the hard work , somali is not that complicated.
**Ruuxaan Dantiisiyo aqoon, waxa daryeelaaya**
**Inuu Deeqda Eebahay ka qaday, dib u xusuusnaada**
Hadraawi...