Health Related Forums > Health News and Events
Iska ilaali xirashada dacaska (Flip Flops)
(1/1)
Admin:
http://video.google.com/googleplayer.swf?docId=-8193181171565669854Warbixin laga soo saaray jaamacad ku taala alabama ayaa waxay sheegtay in xirashada dacaska uu leeyahay dhibaatooyin dhinaca caafimaadka ah isagoo keena xanuun ka bilawda ciribta, kadib ugudba canqawga, lugta ilaa iyo sinta.
Taasi oo ka timid, dacaska oo la ogaaday in uu badalo qaab socoshada qofka iyo istaagnaantaba.
Diraasadaan waxaa lagu sameeyay 39 qof oo iskugu jira rag iyo dumar kuwaasoo lagu socodsiiyay meel siman iyagoo xiran kabo kala duwan, markii dacaska loo xiray waxaa la arkay qofka dacaska badanaa ku lugeeya in kalagoysyada lugihiisa aysan si wadajir oo sax ah aysan u shaqeyneyn taasoo keeni karta in culeys ay saarto murqaha, kadibna xanuun daba dheeraado qofka u keeni karta haddii uusan iska joojin..
Kadib waxaa la ogaaday in saameynta uu keeno dacaska ay ku xirantahay inta qofka uu socday isagoo xiran dacas, lakin hadduu muddo gaaban ku lugeeyo wax saameeyn ah ma keento.
"Shoroye" oo ka qeyb qaatay diraasadaan ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay hadii aad xirato dacas wax dhib ahne aadan ka dareemin waa arrin lagu farxo, lakin hadii aad xanuun ka dareemeyso lugaha ama aad qabtaba xanuun kalabaxyada ah waxaan kugula talin lahaa inaad iska yareesid dacas xirashada.
Dr.Mahdi
PrincessMuni:
wish if i can understand it ! i would love to read it really
anyone can translate it for me?? thanks alot
Navigation
[0] Message Index
Go to full version