Author Topic: Waraabow / Isfiilito / Xabad (Syphils)  (Read 68388 times)

0 Members and 4 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Waraabow / Isfiilito / Xabad (Syphils)
« on: July 15, 2008, 11:32:11 AM »


Isfiilatadu waxay ka mid tahay cudurrada lagu kala qaado galmada oo layska qaado marka ay istaabtaan xubnaha galmada ama xubnaha galmada iyo xuubka afka ama futada.
Halkaan ka akhriso cudurrada kale ee galmada lagu kala qaado: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,245.0.html

Cudurka waxaa xataa gudbin karta hooyada oo u gudbin karta ilmaha inta ay uurka ku jiraan ama haddi ay dhiig u shubto.

Heerarka isfiilitada
Isfiilitada waxay martaa seddex heer:

HEERKA 1aad (Primary)
Qiyaastii seddex wiig kedib marka laysku daartay waxaa jirka ka soo baxaya boog ay galeen bagteeriyo. Boogtu waxay badanaa ka soo baxdaa xubnaha galmada, laakiin wey ka soo bixi kartaa xataa futada, afka gudihiisa ama meelo kale ee oogada ka mid ah. Boogtu xanuun saas ma laha, dhowr wiig keddibna iyadaa iskeeda u baabbi'i iyadoo aan la daweyn. Qanjirada u dhaw boogta wey bararayaan, laakiin lama dhibsado. Markan waxaa lagu jiraa heerka 1aad ee cudurka aadna looma garto.

HEERKA 2aad (Secondary)
Haddii cudurka aan wax looga qaban heerka 1aad, wuxuu laba bilood keddib u gudbayaa heerka 2aad. Dhibaatooyinka caadiga u ah heerka 2aad waa firiirac ka soo baxa meelo kala duwan ee oogada ah, timaha oo daata, qanjirbarar, xoogaa qandho ah, madax xanuun iyo daal.

Haddii cudurka aan lagu daaweyn heerka 2aad, wuxuu u gudbayaa heer cusub oo uu qarsoon yahay, kaasoo qofkana uusan wax dhibaato ah ka muuqan. Isku daarashada xaga galmadana wey yaraaneysaa , laakiin weli waa la qaadsiin karaa ilmaha uurka ku jira.

HEERKA 3aad (Tertiary)
Sanado badan keddib wuxuu cudurku u gudbi karaa heerka 3aad, markaas oo uu weeraro maskaxda, wadnaha, haragga iyo lafaha.



CALAAMADAHA LAGU GARTO

Wejiga 1aad (Xilliga hore ee waraabowga)
  • Calaamaduhu waxay soo muuqdaan 1-12 toddobaad ka dib marka cudurka la qaado
  • Nabarro aan xanuun lahayn oo ka soo baxa afka, xubnaha taranka ama dabada
  • Nabaradu waxay ku qarsoonaan? karaan gudaha xubinta taranka haweenka ama malawadka; Nabaradu waxay gaaraan 1-5 toddobaad
  • Nabaradu way baaba'aan, laakiin waraabowgu weli wuu ku jiraa dhiigga Wejiga 2aad (Xilliga labaad ee waraabowga)
  • Calaamaduhu waxay soo muuqdaan 6 toddobaad ilaa 6 bilood ka dib marka ay finanka cudurkani soo baxaan
  • Finan yaryar (faniinac) oo ka soo daata meel kasta oo jirka ka mid ah
  • Calaamado u eg hargabka nooca Flu-ga

Wejiga Suursan (qarsoon)
  • Ma jiraan wax nabarro ama finan ah, laakiin waraabowgu weli wuu ku jiraa dhiigga isagoo waqtiyada dambe saameyn ku yeelan kara wadnaha, maskaxda, iyo xubnaha kaleba (wejiga saddexaad ee waraabowga)

ISU GUDBINTA
Waraabowga waxa Fidiya:
  • Galmada caadiga ah
  • Galmada aan caadiga ahayn
  • Hooyo cudurka qabta oo u gudbisa ilmaha

DHIBAATOOYINKA KA YIMAADA CUDURKAN
Haddii Aan la Daaweyn, Waraabowgu wuxuu Keeni Karaa:
  • Cudurka wadna xanuunka
  • Indhabeel
  • Waxyeello soo gaarta maskaxda

Waraabowga Waqtiga Uurka la Leeyahay Wuxuu Keeni Karaa:
  • In haweenka uurka leh dhalaan ilmo aan nooleyn
  • Ilmaha oo dhasha isagoo wax qaba (defects)
  • Waxyeelo culus oo soo gaarta lafaha, maskaxda, sambabada, beerka, iyo xubnaha kale ee ilmaha cudurka qaaday

KA HORTAGGA
Talooyin ku Saabsan sida loo Yareeyo Fiditaanka Waraabowga:
  • Nabarada ku dhaca xubnaha taranka waxay noqon karaan kuwo xubnahaasi kaga dhaca meelaha bacda galmadu (condom) ay dabooli karto. Waxay kaloo ku dhici karaan meelaha ayna bacda galmadu dabooli karin. Bacda galmada, marka loo isticmaalo si joogta ah saxna ah, waxay yarayn kartaa khatarta inaad qaaddo waraabowga kaliya marka bacdu ay ku daboolan tahay meesha nabarka leh.
  • Isticmaal bac galmo oo ku habboon markasta oo aad samaynayso galmo caadi ah ama aan caadi ahayn
  • Ka fogow zinada iyo gogol-dhaafka.
  • U tag dhakhtarkaaga si aad baaritaan u samaysid haddii aad ka shakido inaad cudurka qaadday
  • Ogeysii dadka ay galmadu idinka dhaxayso isla markiiba haddii aad qaaddo cudurka
  • Waa inaad hubisaa in dadka ay galmadu idinka dhaxayso la baaro lana daaweeyo

BAARITAANKA
Baaritaan dhiig oo sahlan oo uu qaado takhtarka ayaa lagu ogaan karaa isfiilitada.
Islamarkaasna waxay qaadan kartaa dhowr wiig marka cudurka la qaado ilaa iyo inta ay tijaabadu cudurka ka sheegto.

DAWEEYNTA
Daaweynta Waraabowga:
  • Waraabowga waa la daaweyn karaa marka la qaato daawadiisa saxda ah ee dhakhtarku qoro
  • Dadka ay galmadu ka dhaxayso waa in isku mar la daaweeyaa
Cirbado Binisheliin ah waxay 100% wax ka taraan isfiilitada. Dadka xasaasiyada ka qaba Binishiliinta waxaa loo helayaa dawooyin kale oo waxtar leh.
Adigu waa inaadan galmo sameeyn ilaa lagugu cadeeyo caafimaad qab.
OGOW: In daawada ka dib qofku dib cudurka u qaadi karo.

Akhriso jawaabta su'aashaan: Waraabow iyo AIDS xiriir ma ka dhaxeeyaa?

http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Madax xanuun mergiyo xanuun xabad xanuun seedo xanuun?

Started by XajikadiyeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 11719
Last post October 31, 2016, 04:09:19 PM
by SomaliDoc
Faaidada Saliid Xabad Sowdada (Benefits of Black Seed Oil)

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 118711
Last post August 16, 2020, 04:44:27 PM
by Cabdalle78
Su'aal: Dhirta daawada ku jirto - Xabad Sawdada, Toonta iyo Malabka?

Started by Kaahin1Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 11244
Last post September 02, 2015, 01:58:37 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xabad sowdada malagu daweyn karaa bawasiirta?

Started by Abdiraxman 1989Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7960
Last post September 20, 2017, 01:04:38 AM
by CilmiSabca
Su'aal: Xabad sowdada intee la marin karaa?

Started by Khaliil1Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 11127
Last post February 18, 2016, 01:58:56 PM
by SomaliDoc