Author Topic: CUDURKA KUDKA (ANTHRAX)  (Read 11655 times)

0 Members and 3 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 3560
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
CUDURKA KUDKA (ANTHRAX)
« on: July 20, 2008, 06:03:49 PM »


Waa Maxay kudku?
Kudku (anthrax) waa cudur halis ah oo ay sababto bakteeriya sameysata unugyo abuur ah (spores). Kudku waxa uu ku ridi karaa cudur marka uu kaa galo maqaarka, sambabka, caloosha, ama habka dheefshiidka Waxa uu keeni karaa geeri haddii aan la daweyn.

Sidee Baan Kudka u Qaadi Karaa?
Dadku waxay kudka ka qaadi karaan taabashada, cunista hilib xayawaan qaba cudurka, ama iyaga oo neefsada unugyada abuurka u ah bakteeriyada ee ka soo baxaya xayawaan qaba cudurka. Kudka waxa loo isticmaali karaa oo kale hub ahaan. Sannadkii 2001, dad tiradoodu tahay 22 qof ayaa xanuunsaday ka dib markii kud loogu soo riday boostada dalka mareykanka.
Waxa aad kudka ka qaadi kartaa qof kale, waxana aad u gudbin kartaa dadka kale.

Maxaa Dhaca Haddii Kud Aan Qaado?
Badanaa dadku waxay xanuunsadaan inta u dhaxaysa 1 ilaa 7 maalmood ka dib soogaarista kudka, laakiin haddii uu galay sambabkaaga waxa laga yaabaa inay qaadato 42 maalmood inta aad la xanuunsanaysid. Waxa laga yaabaa in uu maqaarkaaga u yeelo finan, ama nabarro. Waxa laga yaabaa oo kale inaad yeelatid xanuun cunaha ah, qandho, madax-xanuun, qufac ama dhibaatooyin neefsasho.
Waxa aad u baahnaan doontaa in lagugu daweeyo dawo, sababta oo ah kudku waxa uu keeni karaa cudur halis ah ama geeri.

Sidee loo baaraa kudka?
Ma jiro hab lagu baaro kudka ka hor inta aadan la xanuunsan.

Sidee Baa Kudka Loo Daweeyaa?
Antibiyootiko ayaa la isticmaalaa si loo daweeyo dhammaan noocyada kudka.
Shaqaalaha daryeelka caafimaadku waxay ku siin doonaan daawo (doxycycline ama ciprofloxacin). Dawadani waxay gargaar ka geysan kartaa ka-hortagga caabuq kud, xiitaa hadii aadan xanuun dareensanayn.
Waxa laga yaabaa in aad dawadan qaadatid 60 maalmood. Dawadu waxay sababi kartaa lallabo, shuban, madax-xanuun ama caabuqa khamiirka (yeast infection) (waa haweenka oo kaliya), laakiin waxa muhiim ah inaad sii wadid qaadashada dawada ilaa aad ka dhammeysanaysid.
Ilmaha waxa la siin doonaa qadaro ah dawada oo ka duwan kuwa dadka waaweyn.

Haddii aad wax su'aalo ah qabtid, ku soo gudbi halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html

www.somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo boggaan "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Follow him on:
     

Somali Medical Forums

CUDURKA KUDKA (ANTHRAX)
« on: July 20, 2008, 06:03:49 PM »

 

Waa Maxay Cudurka "Ebola"?

Started by Waxbaro!Board Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 13492
Last post December 10, 2007, 08:31:26 PM
by Waxbaro!
Waa maxey cudurka "Rubella Virus"?

Started by ManaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 7498
Last post January 24, 2009, 11:26:50 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Ha la ii faahfaahiyo cudurka kalamisada "Pre-eclamsia"?

Started by Mohamud FarahBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 2373
Last post May 02, 2011, 06:10:16 PM
by Drkheyre
Waa Maxay Bidaarta Cudurka ah ee "Alopecia"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Maqaarka

Replies: 0
Views: 57353
Last post April 21, 2015, 11:16:29 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay walaalayaal cudurka loo yaqaan infectionka xaglaha ama murqaha?

Started by TuuraqBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 7470
Last post February 05, 2011, 04:08:18 PM
by SomaliDoc