Author Topic: Baaritaannada Dhiigga (Blood Tests)  (Read 20285 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Baaritaannada Dhiigga (Blood Tests)
« on: May 22, 2008, 01:58:49 AM »


Waxaa jira noocya kala duwam ee baaritaanada dhiiga. Kuwa soo socda waa baaritaano caadi ah taasoo takhtarkaaga weydiisan karo, iyo qiyaasta caddadda dhiiga la qaado baaritaan walba.

Sokorta (Macaanka): Tan waa meesha ugu muhiimsan oo ay ka timaado quwadda noolaha oo dhan. Sokorta heerka ka sareeya 120 ee qofka, kaasoo soomanaa (waxna cunin) 12 saacadood, waxaa loo soo jeedin karaa oo ay u jaleecdaa sokorow. Tan waa baaritaan aad wax-tar u leh taasoo saadaalin karta sokorowga sannado ka hor qofka inuu isku beddeli karo cudurka dhabta ah.
Akhriso Cudurka Macaanka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,623.0.html

Sodium: Soodiyam wuxuu kaalin weyn ka ciyaaraa cusbada iyo dheelitirka biyaha jirkaada. heerka soodiyamka dhiiga ku jira oo hooseeya wuxuu keeni kara biyo cabitaan aad u badan, wadnaha oo shaqadiisa gaba, ama kelida oo shaqadeeda gabta.
Akhriso Caafimaadka Biyaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5971.0.html

Creatinine: Kariyaatiniin waa sheey dhiiga ku jira kaas wuxuu ka dhacaa oo ka yimaadaa burburitaan cuntada nacfiga leh. Heerka kariyaatiniin ee jirka ku jira waa tilmaamaha muruqyada buuxa ee jirka. Heerarka hoose wuxuu sababi karaa qaadashada nacfiga oo hooseeya, cudurka beerka, kelida oo dhaawac gaaro ama uurka. Heerarka sare inta badan wuxuu sababaa kelida oo dhaawac gaaro iyo inay u baahato in si taxadar ah loola socdo.
Akhriso Caafimaadka Kilyaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5738.0.html

Bir (Iron): Birta waxay muhiim u tahay wax soo saarka unugyada dhiiga gaduudan ee jirka. Jirka wuxuu u baahan yahay bir si uu u sameeyo unugyada dhiiga gaduudan. Unugyada dhiiga gaduudan waxay caawiyaan inay oksijiin ka soo qaadaan sambabada una gudbiyaan muruqyada iyo jirka. Haddii jirka uusan helin bir ku filan, unugyada jirka oo dhan si fiican uma shaqeeyaan. Haddii ay birta kugu yar tahay, waxaad u baahan kartaa baaritaanka birta, gaar ahaan haddii aad tahay dheddig welina caadada kaa timaado.
Akhriso Cunnooyinka Birta Siyaadiyo: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1721.0.html

Baruur (Cholesterol): Baruurta waa koox xeer ah taasoo ku nool jirka. Heerarka sare ee baruurta, si-kastaba, waxaa muujinaaya cuntada oo aad ugu badan kaarbo-haaydareytis, gaar ahaan sokorta. Heerka baruurta oo sareysa muddo badan waxay keeni kartaa cudurka wadnaha.
Cunooyinka intooda badan waxay leeyahiin karbo-haydareytis (karbo-haydareytis wuxuu ku jiraa sokorta, bariiska, bataatiga, faaybar oo ah khudaarta iyo miraha diirka leh, buunshada). Karbo-haydareytis wuxuu ka yimaadaa cunta kala duwan- wuxuu ku jiraa digirta, caanaha, daangada, rootiga, buskutka, baastada, doolshada laga sameeyay miraha jeeriga (cherry pie)-laakiin cunooyinkaan mawada laha karbo-haydareytis isku wada mid ah. Karbo-haydareytis waa qayb muhiim ah waana cunto caafimaad leh maxaa yeelay jirka wuxuu siiyaa quwad qofka u baahan yahay firfircooni iyo xubnaha jirka iney si hagaagsan u shaqeeyaan. Marka karbo-haydareytis aad u badan jirkaada leeyahay, quwad badan oo aad isticmaali kartid oo ka heshid cuntadaada, jirka ayay dhex degaan sida heerka xeerta oo sii saa’idda.
Heerarka hoose ee baruurta waxaa xaqiijinaaya cuntada oo xeerta ku yar tahay, ama caloosha iyo mindhicirada oo aan caadi u nuugeynin xeerta.
Akhriso Cudurka Kolastaroolka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1461.0.html

HDL/LDL: HDL waa “fiican yahay” waa baruurta caawisa inay ka soo saarto jirka baruurta xad-dhaafka ah. LDL waa “xun yahay” waa baruur taasoo qaada baruur una geysa unugyada, laakiin gadaal ku dhaafta baruur xad-dhaaf ah agagaarka halbowlaha iyo jirka. Heerka sare LDL iyo Heerka hoose HDL waxay muujinaayaan cuntada ku badan kaarboo-haaydareytis oo sifaysan.

Unugyada Dhiiga Cad (WBC): Tirada dhiiga cad wuxuu cabiraa isugeynta nambarka ee unugyada dhiiga cad oo loo hibeeyay caddad dhiig ah. Maxaa yeelay unugyada dhiiga cad waxay dilaan bakteeriyada, tiradaan waa qiyaasta jirka sida uu ogu jaab celinaayo cudurka dhaliya jeermiga.
Akhriso Cudurka Aydhiska oo Difaaca jirka hoos u dhigo: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,446.0.html

Hemoglobin (Unugyada Dhiiga Gaduudan): Unugyada dhiiga gaduudan waxay qaadaan oksijiinka iyo kaarboonka dhiiga ku jira. Heerka hoose ee unugyada dhiiga gaduudan waxaa xaqiijinaaya joogitaanka aniimiya ama cuntada iyo nafaqada oo liidato.
Akhriso Cudurka Dhiigyarida: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,251.0.html

Taariikh Nolaleedka Baruurta: waa koox baaritaano ah kuwaasoo inta badan si wada jir ah loo dalbo si go’aan looga gaaro khatarta cudurka halbowlayaasha wadnaha. sida caadiga ah waxay qiyaasaan dufanta, baruurta iyo sokorta. Dufanta waa aasaaska sameynta xeerta, oo ku wareega dur-durka dhiigaada. badanaa xeerta jirkaada waxay ku timaadaa qaab-kaan. Dufanta waxay u dhanbalantaa laba meelood: 1) cunooyinka aad cuntid, ugu badnaan sokorta, cuntada xoolaha ka timaada iyo xeerta oo buux-dhaafta iyo, 2) waxay ka timaada beerka naftiisa. Baruurta xataa waa xeer, badanaa waxaa dhaliya beerkaada iyo waxay ka timaadaa cuntada aad cuntid. Heerarka sokorta ee dhiigaada ku jirta sida caadiga ah xataa waxaa lagu qiyaasaa Taariikh Nololeedka Baruuurta.
Akhriso Xayrta Beerka Fuusho: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5496.0.html

Takhtarkaada ayaa kuu sheegi doona haddii cunto aadan soo cunaynin iyo cabitaan ka hor baaritaanka dhiigaada.
Hadii aad qabtid wax su'aalo ah iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html

http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Good marriage = Good blood pressure

Started by AdminBoard Health News and Events

Replies: 1
Views: 16946
Last post March 21, 2008, 09:55:34 AM
by Yaxya
Causes of Secondary hypertension (secondary high blood pressure)

Started by Ahmed_07Board Topics in Healthcare

Replies: 0
Views: 21321
Last post February 02, 2012, 08:25:25 PM
by Ahmed_07
The Aging Brain Helped By Injection Of Human Umbilical Cord Blood cells

Started by YaxyaBoard Health News and Events

Replies: 0
Views: 19476
Last post June 01, 2008, 09:00:33 PM
by Yaxya
Doctors acquitted in Canada tainted blood trial

Started by DiagnosticBoard Health News and Events

Replies: 1
Views: 8029
Last post October 03, 2007, 11:57:12 PM
by Abdullahi!
A game that teach u blood typing!!good luck

Started by YaxyaBoard Clinical Rotations

Replies: 2
Views: 10684
Last post March 28, 2008, 04:53:11 PM
by Yaxya