Author Topic: Su'aal (Lugo Barar)  (Read 17512 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Raaliyo

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 42
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Su'aal (Lugo Barar)
« on: July 28, 2008, 07:42:10 PM »
salamu calykum

bacda salaan walaalayaal waxaan isku arkay mudo lix bilood cagaha hoose baa i bararaya waliba markaan qaato kabo xiran dhaqtarkana dhiig buu iga qaaday wuxuu dhahay waxba ma qabtid waliba lugaha waa i huraan oo i xanuunaan qaas ahaan kuleelka waqtiga qabooga ima xanuunaan markaa bal walaalayaal iga siiya talo siin waxa keenaya  sababtaan



many thanks




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal (Lugo Barar)
« Reply #1 on: July 28, 2008, 08:29:02 PM »
Bararka waa xaalad ka dhalatay murqaha cagaha oo aad u shaqeeyay oo soo saaray dheecaanno keenaya in lugaha la bararaan khaas ahaan markii la xirto kabo daboolan ama kugu dhegan.

Badanaa caga bararka aad sheegtay waxay dhacdaa waqtiyada summerka weliba markuu qofku wax badan istaagnaado ama lugeeyo.

Haddii caga bararka aad sheegtay aysan la socon calaamado kale sida neefsashada oo ku dhibta ama culeys siyaada ah oo kugu kordha ama aad isku aragtid isbadal maqaarka lugaha ah, wax dhib ah malahan.

Lugaha ama cagaha oo barara waxay calaamad u yihiin oo kale cudurro badan taasoo laga ogaan karo baaritaan dhiig.
Waxaa kaloo keena bararka daawooyinka qaar sida kaniiniyada looga hortago uurka, cunno ku badantahay cusbada iyo karbooheydaraatka.
Caga bararka waxaa kaloo keeni kara murqaha lugaha ama cagaha oo dhaawac kaa gaara, uurka, iyo xididada arooriyaasha ee dhiigga oo xirma.


Talooyinkaan raac si uu kaaga yaraado bararka:
1- Ha qaadan kabo kugu dhegan
2- Qaado iskaalshooyin ama shuraabado kaa xigsada kabaha.
3- Hadii aad isku aragto barar yar kor u qaad lugahaaga.
4- Hadii aad qaadato daawooyin sida kuwa caloosha socodsiiya ama dareeriyaasha iska jooji.
5- Samee jimicsi joogto ah (Jimicsiga waxuu wanaajiyaa socodka dhiigga)
6- Iska yareey culeeska siyaadada ah.
7- Iska ilaali fadhiga iyo istaagga aadka u dheer.

Hadii aad u baahantahay faahfaahin dheeraad ah, halkaan ka weydii
SomaliDoc
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

SU'AAL: LUGO XANUUN. Qaas ahan lafa lugaha inta ka hoseyso jilbaha !

Started by MuhaaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 30158
Last post November 01, 2011, 09:57:27 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaa laygu sheegay roomatiisam? Lugo iyo Murqo Xanuun?

Started by Cabdiqani1988Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8457
Last post October 28, 2014, 11:01:17 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Laadadyo wakhtiga galmada iyo lugo xanuun?

Started by ZameehaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 9275
Last post December 05, 2011, 06:02:57 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa ka dhexeeya macaanka iyo lugo xanuunka?

Started by IlyodacadBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4772
Last post December 12, 2018, 09:25:54 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Lugo xanuun jilbaha laabata seedaha?

Started by SaneetiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 5836
Last post November 10, 2019, 12:16:05 PM
by SomaliDoc