Author Topic: Kansarka Maqaarka (Skin Cancer)  (Read 42629 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Kansarka Maqaarka (Skin Cancer)
« on: July 28, 2008, 08:05:34 PM »

Kaankarada maqaarku wuxuu aad ugu badan yahay wadamada horumaray.
Jirkaaga caadi ayey u tahay inuu unugyada duugga ah ku beddelo kuwo cusub. Mararka qaarkood unugyada maqaarku way bataan iyadoo aan loo baahan kuwo cusub ka dibna kansar ayaa yimaada.

Arrimaha Halista leh
Kansarka waxaad halis ugu jirtaa haddii:
  • Wakhti badan qorraxda/cadceeda isu dhigtid.
  • Qoys kansarka maqaarka ku dhaco aad ka dhalatay.
  • Leedahay noocyo gaar ah ama tiro badan oo burooyin ah.
  • Leedahay maqaar gubta ama baro madow qorraxda aad ka qaaddo.
  • Leedahay maqaar cad (dadka maqaarkoodu madaw yahay wuu ku yaryahay xanuunkaan).

Raac tallaabooyinkaan:
  • Ka fogow inaad qorraxda joogto laga billaabo 10 subaxnimo ilaa 4 galabnimo.
  • Xiro dhar sida koofi, shaati gacmo dheer iyo surwaal si aad isaga celiso fallaaraha qorraxda.
  • Isticmaal qorrax celiye leh difaac qorrax (SPF).
  • Baro inaad aqoonsato waxa uu kansarka maqaarku u eg yahay.
  • Maqaarkaaga bil kasta eeg. Wixii isbeddello ah takhtarkaaga u soo sheeg.
  • Haddii aad halis ku jirto, takhtarka ku takhasusay maqaarka ee loo yaqaanno "dermatologist" u tag sanad kasta si uu kaaga baaro maqaarka.

Waxaa jira 3 nooc oo waaweyn oo kansar maqaar ah:
  • Kansarka Unugyada Aasaasiga ah ( Basal Cell Carcinoma (BCC):
Kan ayaa ah nooca ugu badan. Kansarkaan wuxuu ku koraa unugyada asalka ah ee lakabka ugu hooseeya ee maqaarka. Noocaan wuxuu u koraa si tartiib tartiib ah isla markaana waa dhif inuu ku faafo qaybaha kale ee jirka, laakiin daaweyn wakhti hore ah ayaa loo baahan yahay. Noocaan wuxuu ka soo muuqdaa maqaarka loo bandhigay qorraxda sida wejiga, dhegaha, madaxa, iyo jirka qaybtiisa kore. Iska fiiri:
- Buruqyo ama wax soo koraya oo ifaya ama dhalaalaya
- Meel xanuun leh oo bogsata oo haddana dib u soo furanta
- Wax aayar kor u soo koraya, oo casaan ah
- Dhibco maqaar oo lur leh, oo guduudan
- Dillaac dheeh ama midab leh.

  • Squamous Cell Carcinoma (SCC):
Kansarkaan wuxuu ku koraa unugyada squamous ee lakabka sare ee maqaarka. Noocaan waxaa laga
heli karaa meel kasta marka lagu daro gudaha afka iyo cowrada.
Daaweyn waqti hore ah qaado si looga hortago faafidda kansarkaan. Iska fiiri dhibic qolof leh oo maqaarka kaaga sameysanta oo badanaa salka dhibic guduudan ku leh.

  • Melanoma:
Noocaan wuxuu ka billowdaa unugyada maqaarka ee maqaarka midabka u yeela. Melanoma wuxuu unugyada iyo xubnaha
kale ugu faafi karaa si deg-deg ah. Xaddiga ka bogsashadu wuu sarreeyaa marka waqti hore la daaweeyo. Iska fiiri isbeddello ku yimaada burooyinka ama burooyin cusub halkaasoo:
- Burada kala barkeedu uusan barka kale u dhigmin.
- Cirifyada buradu ma sinna ama way kala sarreeyaan.
- Midabku isku mid ma ahan isagoo leh in ka badan hal har ama midab.
- Cabbirku wuu ka weyn yahay goommaha qalin rasaaska ama wax sidaas ah oo cabbirka iska beddelaa ma jiraan.
- Waxaa jira isbeddello sida laga dareemayo ah. Waxaa laga yaabaa iney ku cun-cunto, engegto, soo kuusanto, bararto ama xanuuneyso.

Sidee loo daaweeyaa?
Daaweyntu waxay ku lug leedahay in maqaarka laga gooyo nudaha looga shakiyey kansar maqaar. Taas waxaa lagu sameynayaa xafiiska takhtarka ama isbitaalka. Nudaha waxaa loo diraa shaybaar si looga baaro unugyo kansar. Tan waxaa loo yaqaannaa dheecaan unug ka soo qaadid (biopsy).
Badanaa, daaweyn kale looma baahna. Kansarka maqaarka waxaa kale oo lagu daaweyn karaa daaweynta shucaaca iyo kiimiko.

Haddii aad qabtid wax su'aalo ah ama walaac halkaan ka weydii.
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Prostate infection iyo prostate cancer?

Started by Mustafe MadooweBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 9746
Last post December 20, 2018, 10:10:24 PM
by SomaliDoc
Combination of a new oral Vinorelbine pluz Trastuzumab 4 anti breast cancer

Started by AbdicadeBoard Pre-Pharmacy and Pharmacy

Replies: 1
Views: 24375
Last post April 25, 2009, 07:21:16 AM
by hanad_1987
Daawo Filin: Baraarujinta Kaankarada Naaska (Breast Cancer Awareness)

Started by AdminBoard Cudurrada Haweenka

Replies: 2
Views: 40547
Last post May 28, 2015, 10:04:42 PM
by SomaliDoc
3-D Mammography Adds New Dimension to Breast Cancer Screening

Started by MankayBoard Topics in Healthcare

Replies: 0
Views: 8533
Last post January 02, 2008, 11:19:47 PM
by Mankay
Young cancer survivors face future hurdles

Started by dr-awaleBoard Health News and Events

Replies: 0
Views: 7697
Last post September 22, 2009, 03:44:04 PM
by dr-awale