Author Topic: Boronkiitada Raagta (Chronic Obstructive Pulmonary Disease)  (Read 23176 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Boronkiitada Raagta (Chronic Obstructive Pulmonary Disease)
« on: August 06, 2008, 09:19:29 PM »
COPD waa koox ah cudurada sambabka oo xaniba socodka hawada marka aad neefta sii daynaysid ama qaadanaysid.
Qaar ka mid ah cudurada ugu caamsan waxa ka mid ah:
# Sambab Barar (Emphysema)
# Barankiito Mudo Dheer Jirtay (Chronic bronchitis)
# Neef (Asthma)
Hawadu waxay gashaa oo ka soo baxdaa sambabadaada si loo haqabtiro baahida jirkaaga. Marka socodka hawada ka soo bixi lahayd sambabadaada uu xanibmo, hawada la isticmaalay ayaa ku joogsata sambabadaada. Taasi waxay keenaysaa inay sambabada ku adkaato inay jirka intiisa kale gaarsiiyaan hawo ku filan.
Sababaha
Sababaha ugu horeeya ee keena COPD waa:
# Sigaar-cabista
# Deegaan wasakheysan oo laga shaqeeyo
# Qiiqa sigaarka ay dad kale cabeen

Calaamadaha
Calaamadaha COPD waa:
# Qufac
# Xiiq
# Neefshada oo dhib kugu ah
Calaamadahaasi waxay noqon karaan kuwo culus oo saameyn kara hawlo maalmeedkaaga.

Daryeelkaaga
Dhakhtarkaaga ayaa sameyn doona baaritaan caafimaad oo amri doono baaritaano ay ka mid yihiin:
# Raajo laabta ah
# Sawir loo yaqaano "CT scan"?
# Baaritaan dhiig
# Baaritaanka shaqeynta sambabada
Dhaawaca sambabadaada ka soo gaara COPD lagama baab'in karo mana jirto bogsiimo. Adiga oo gargaar ka helaya kooxda daryeelka caafimaadkaaga, waxa aad maamuli kartaa cudurka si loo yareeyo socodkiisa.
Si aad u maamushid COPD:
# Noqo qof firfircoon.
# Jooji Sigaar-cabista.
# Yeelo miisaan caafimaad leh.
# Cun cunto isku dheelitiran.
# Cab cabitaano badan.
# Xukun walaaca ama giigsanaanta.
# Dawooyinkaaga ay ka mid yihiin kuwa la neefsado (inhalers), kuwa ah istariyoodh (steroids) iyo antibiyootikada u qaado sida laguu sheegay.
# Samee haddii la amro ku-daweynta oksijiinta guriga lagu isticmaalo.
# Ka qaybgal barnaamij dhaqancelin sambab si aad wax uga baratid COPD isla markaana samee jimicsi si aad u hagaajisid caafimaadkaaga.


Wixii aad su'aalo iyo walaac qabtid halkaan ka weydii
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Xanuunka Gacanta, Cagta iyo Afka - Hand, Foot and Mouth disease (HFMD)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Maqaarka

Replies: 0
Views: 39961
Last post January 01, 2011, 08:53:48 PM
by SomaliDoc
Controversial autism researcher tells local Somalis disease is solvable

Started by AdminBoard Health News and Events

Replies: 3
Views: 15673
Last post December 22, 2010, 06:08:52 PM
by Waxbaro!
IOM Field Nurse - Emergency Response to Diarrhoeal Disease Job in Dadaab Kenya

Started by AdminBoard Medical Jobs & Trainings

Replies: 0
Views: 9008
Last post July 28, 2011, 05:45:20 PM
by Admin
Su'aal: maxaa 'Peripheral Vascular Disease' af soomali lagu dhahaa?

Started by DidiinBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 5860
Last post March 17, 2016, 06:12:04 PM
by SomaliDoc
Study common diseases and discussing all of things about this disease.

Started by Dr.HabiibBoard Clinical Rotations

Replies: 4
Views: 23146
Last post April 23, 2011, 09:01:37 PM
by Diagnostic