Author Topic: Gulukooma / Bakooro (Glaucoma)  (Read 327719 times)

0 Members and 3 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Gulukooma / Bakooro (Glaucoma)
« on: August 06, 2008, 09:25:22 PM »


Gulukooma waa cudur indhaha ku dhaca oo keeni kara indho-la’aan ama lumis arag. Marka aad qabtid gulukooma, dheecaan ayaa iska buuxiya isha, taasoo cadaadis saarta xagga dambe ee isha. Cadaadiskaasi waxa uu dhaawac u geystaa dareemaha iftiinka (optic nerve) waxana uu sababaa lumis arag. Badanaa marka hore waxa waxyeelo soo gaaraa aragga dhinacyada, taasoo ay ku xigto aragga xagga hore.

Noocyada Gulukooma
Laba nooc ee ugu weyn gulukooma waa:
  • Gulukooma xagal-furan (open-angle glaucoma) badanaa ma laha calaamado ilaa ay ka gaarayso heer fog. Si tartiib ah ayuu cadaadisku waxyeelo u gaarsiiyaa dareemaha iftiinka mudo dheer ka dib. Taasi waxay saameysaa labada indhoodba laakiin waxa laga yaabaa inaad marka hore calaamado ku aragtid hal il.
  • Gulukooma xagal-xiran (angle-closure glaucoma) waxay leedahay cadaadiska oo dhakhso sare u kaca iyo calaamado dhakhso u yimaada. Lumis arag oo joogto ah ayaa ku dhici karta maalin gudaheed sidaa daraadeed waxa si weyn muhiim u ah inaad heshid daryeel caafimaad isla markiiba.

Xaaladaha Halista ah
Waxa aad halis u tahay inaad yeelatid gulukooma haddii aad:
  • Leedahay qof ka tirsan qoyskaaga oo qaba gulukooma
  • Qabtid sonkor/sonkorow ama kaadi-macaan, dhiig-kar ama cadaadis dhiig oo sareeya, cudur wadnaha ah ama shaqo-yarida qanjirka qoorta (hypothyroidism)
  • Arag dhowdahay
  • Haddii dhaawac isha kaaga dhacay, laguu sameeyay qalitaanada indhaha qaarkood ama aad qabtid barar indho oo mudo dheer jiray
  • Qaadanaysay istariyoodh (steroids) mudo dheer
  • Ka weyn tahay da’da 60

Calaamadaha
Glucoomada waxa laga yaabaa inaanay yeelan wax calaamado ah ilaa ay ka imanayso lumis arag. Calaamadaha kale ee aad isku arki kartid waxa ka mid ah:
  • Arag isku darsan
  • Giraamo iftiin ah oo ku wareegsan wax iftiimaya - Sida qaanso roobeedka u eg (Halos)
  • Lumis aragga dhinacyada (peripheral vision)
  • Arag si weyn u dhuuban (Tunnel vision)
  • Indho casaada
  • Xanuun indho oo daran
  • Lallabo iyo matag

Daaweyn
Waxa laga yaabaa in dhakhtarkaaga indhuhu sameeyo baaritaano si loo hubiyo:
  • Cadaadiska isha
  • Dareemaha iftiinka
  • Aragga
Gulukooma lama bogsiin karo isla markaana dhaawaca ay keento lama tirtiri karo. Laakiin marka la helo daweyn, cadaadiska isha ayaa la yareyn karaa waxana la badbaadin karaa araga haray si aanu u lumin. Dhibco isha lagu dhibciyo ayaa ah daweynta ugu horeysa ee ugu caamsan ee lagu daweeyo gulukooma. Daweynada kale waxa ka mid noqon kara dawooyin afka laga qaato, daweyn la adeegsanayo laysar (laser) ama qalitaan. Marka aad qabtid gulukooma, waa in la daweeyo inta ka haray noloshaada oo dhan.

Daryeelkaaga
Ma jiro wax la xaqiijiyay oo lagu baajin karo gulukooma. Haddii la dareemo cadaadis isha ku soo kordhay oo goor hore la daweeyo, waxay taasi yareyn kartaa lumista aragga waxana ay baajin kartaa indho-la’aan.
Indhahaaga ha laguu eego oo ha laga baaro gulukooma ugu yaraan shantii sannadood mar ka dib da’da 40 jir.
Haddii tirada cadaadiska ishu ay sare u soo kacdo, waxa aad u baahan doontaa in laguu sameeyo baaritaano indho oo intaa ka badan.

Si loo baajiyo cadaadiska indhahaaga oo soo kordha:
  • Hal siyaabo aad ku maareynaysid giigsanaanta ama walwalka (stress).
  • Si joogto ah u samee jimicsi.
  • Yaree cabidda kaffeyga.
  • Cun cunto caafimaad leh oo ah khudaar iyo cagaar.
  • Xiro badbaado indho marka aad shaqeynaysid ama ciyaaraysid si loo baajiyo dhaawac.
  • Xadee ama yaree sonkortaata/sonkorowga, dhiig-karka, kolesteroolka iyo khatarrada cudur wadne.
  • Ha isticmaalin dawooyinka dhirta/geedaha ah ee loo xayaysiiyo daweynta gulukooma. Lama xaqiijin waxtarkooda waxana laga yaabaa inay daahiyaan daweyn haboon oo aad heshid.

Haddii aad qabtid wax su’aalo ama walaac ah, ku soo dir halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html

http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


Offline Lukman

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
xanuunka indhaha
« Reply #1 on: March 29, 2009, 10:38:38 PM »
asalamun alaikum    walaal  idinkoo  mahadsan  waxan rabay  unsha laah   inaad  faahfaahin  yar  iiga  bixisaan    xaanuunka  aad ku  magacoowday  'glaucoma'  markii aad  cudurada  indhaha    ka waramaysay.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Gulukooma (Glaucoma)
« Reply #2 on: March 30, 2009, 07:57:25 PM »
Walaal faahfaahin dhinacee ah ayaa u baahantahay?
Ama qaab su'aalo ah u soo gudbiso
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Dr baddal

  • Newbie
  • *
  • Posts: 14
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Gulukooma (Glaucoma)
« Reply #3 on: August 31, 2011, 08:51:01 PM »
Asc dr, salaan ka dib walaal ma jirtaaa daawa dabar gooysa cucurkaln galuukoomad ah nuuceey rabta ahaatee, sida qalliin, eye drops, pills, tablet, mise mar haduu kuku dhaca waligaa waad qabeeysaa, oo daawa ma aleh, qufbaa iigu yiri eyedops-ka laguu soo qora haddeey ku hesha bahashana waligaa waad wadeeysaa, maxaa ka jira?

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Gulukooma (Glaucoma)
« Reply #4 on: September 06, 2011, 10:24:46 AM »
Illaa iyo hadda ma jirto qaabka kama dambey ah oo la isku waafaqsanyahay in lagu cirib tiro karo cudurkaan.

daawooyinka laguu soo qorayne waa joogteyneysaa, takhtarkaagane si joogto ah ayaa ula xiriireysaa.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Akhaa Binu Jowhari

  • Sr. Member
  • ****
  • Posts: 130
  • Points: +0/-0
  • Biyahaan fiiqsi loo liqin, iyo hadalkaan fiirsi loo oran feerahay wax yeelaan.
Re: Gulukooma / Bakooro (Glaucoma)
« Reply #5 on: December 29, 2017, 04:40:55 PM »
Doc, Glaucoma xiriir ma la leedahay biyaha indhaha ku furmaya?
Allow Dhakhaatiirteenna Noo Dhowr Meel Walba Oo Ay Joogaan.

Aamiin Aamiin.


 

Su'aal: Hooyaday ayaa waxay leedahay xanuunka glaucoma?

Started by Ahmed SharifBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 12421
Last post July 16, 2016, 02:01:00 PM
by SomaliDoc
Glaucoma afkeena maxaa lagu yiraahdaa ?

Started by Hashi1Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 15434
Last post April 26, 2013, 02:52:26 PM
by Hashi1
Su'aal: Glaucoma treatment?

Started by Dr baddalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 15849
Last post August 31, 2011, 06:58:27 PM
by Dr baddal
Su'aal: Gulukooma iyo Trakooma maxay ku kala duwanyihiin?

Started by CasooweBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 17366
Last post May 16, 2010, 09:35:55 PM
by SomaliDoc