Author Topic: Wadne Gariir (Atrial Fibrillation)  (Read 55216 times)

0 Members and 4 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Wadne Gariir (Atrial Fibrillation)
« on: August 10, 2008, 07:50:33 PM »


Wadne gariirka loo yaqaanno (Atrial Fibrillation amase A-fib amase atrial fib) waa wadne garaac aan caadi ahayn oo halis ah oo u baahan daryeel degdeg ah.
Garaaca wadnaha waxaa suga signallo ama seenyaale koronto ah oo wadnuhu leeyahay.
Guntin Dalqada wadnaha ku talla ayaa u dirta seenyaalo koronto ah inta kale ee wadnaha, waxaana la yiraahdaa (SA Node). Seenyaaladaasi waa kuwa sameeya in wadnuhu isku noqdo oo kala baxo haddana si uu dhiigga usoo tuuro. Sida caadiga ah wadnuhu isaga ayaa marna kala baxa marna isku noqda si uu u habeeyo inta loo baahan yahay ee dhiigga ah ee jirka kale la gaarsiinayo. Wadne gariirku markuu yimaaddo guntinta dalqada wadnaha ku talla–ayaan bilaabin inay dirto signalka, sidaa darteed signallada ayaa kasoo bilaabma qaybaha sare midig ama bidix. Taasina waxay keentaa in wadnuhu u garaacmo si qayrul caadi ah, oo mararka qaarkood uu aad u gariiro.

Gariirka wadnaha iyo garaaca ama boodboodka wadnaha waa kala duwan yihiin.
Garaaca ama boodboodka siyaadada ee wadnaha waxay dhacdaa xaalado qaar ah, waana ku meel gaar, dhibaato wayne uma keento qofka, xilliyadaha uu wadnaha boodboodo waxaa ka mid ah: naxtinta, welwelka, gaaska, hormoonada jirka qaar oo kacsan sida thyroid-ka oo kale, cadaadiska dhiiga oo dhacsan ama dhiig yari oo jirto.
Gariirka wadnaha waa cudur halis ah, wuxuuna astaan u yahay in garaaca wadnaha uu qaldan yahay ama isdhaaf uu yahay, taasoo tilmaamaysa in wadnaha qeybhiisa kala duwan aysan garaaca isla haysan.

Calaamadaha wadne-gariirka (Atrial Fib)
• Wadnaha oo si aan caadi ahayn u garaacma
• Dareenka garaac xoog ah oo laabta gudeheeda ah, oo la yiraahdo wadne gariir.
• Hawada neefsiga oo kugu yaraata.
• In aad si fudud ugu daasho dhaqdhaqaaqa.
• Inaad dareento itaal darro, diidmo (wareer), iyo madax wareeg.

Daawayntaada
Dhakhtarkaagu wuxuu eegi doonaa garaaca wadnahaaga oo ku dhegeysan doonaa qalab baaritaan. Dhakhatrkaagu wuxuu kuu diri karaa mid ka mid ah baaritaanadan:
• Electrocardiogram (ECG or EKG)—in la daabaco garaaca dhaqdhaqaaq korontada ee wadnahaaga
• Fiirsashada Holter—in la duubo heerka garaaca wadnahaaga ee 24-48 saacadood
• Baaritaanno kale oo xanuunka wadnaha la xiriira

Dawadaada waxaa ka mid noqon kara:
• Dawooyin kaa caawiya inay xukumaan garaaca wadnahaaga oo heer caadi ah ka dhigan. Waxaa laga yaabaa inaad u baahato khafiifiye dhiig la yiraahdo anticoagulant oo ka hor taga in dhiiggaaga ay ku samaysmaan guntimo ama xinjiro, taasoo ka dhalata in dhiigu ku dhex xinjiroobo wadnaha maadaama garaaca wadnaha uu qaldan yahay, dhiigane uusan si sahlan uga bixi karin wadnaha.
• Wadne garaace artafiishal ah haddii aanay dawo ku caawin karin. Waa mishiin yar oo leh layr diciif ah oo lagu dhejiyo jirka hoostiisa si uu wadnaha uga caawiyo in uu garaaciisu noqdo caadi. Dawooyin lagugu suuxiyo ayaa lagu siin doonaa ka hor intaan lagu gelin mishiinkaan.

Dadka wadna xanuunkan lihi waxay halis xogleh ugu jiraan inuu faalig ku dhaco ama dibaatooyin halis ah oo wadnaha ah haddii aan si fiican loo baarin oo aan loola socon xaalkooda. Waa muhiim in dhakhtar uu arrinkaaga mar kasta la socdaa.

Talo:
Haddii aad leedahay wadne garaac ama gariir ama aad dubaaxin ka dareentid naaska bidix dushiisa ma hoostiisa mararka qaar waxaad u baahan tahay in aad dhakhar la xiriirtid si loo ogaado in aad qabti wadne gariirkaan halista ah iyo inay tahay arrin dabiici ah ama uu keenay xanuun la daaweyn karo.
Haddii xanuunkaan lagaa helay, waa muhiim in aad si joogto ah dhakhtar ula xiriirtid, daawooyinka laguu qorayne aadan joojin si aad uga badbaadid cilladaha ka dhasha wadne gariirkaan "Atrial Fibrillation"

Haddii aad wax suáal ah hayso ama shaki kugu jiro, iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html

http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Xiliga aan naxo ama aan baqo waxa daremaa gariir?

Started by C.risaaqBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4123
Last post March 26, 2016, 03:00:28 PM
by SomaliDoc
Talada Soonka: Dhiig-karka iyo Wadne Xanuunka.

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 27002
Last post June 12, 2016, 03:06:52 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaan leeyahay gacmo gariir?

Started by liban abdiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 0
Views: 5578
Last post October 17, 2017, 02:10:15 PM
by liban abdi
Su'aal: Diiqad, welwel, tabcaan & Wadne garaac?

Started by Siciid MaxamedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4969
Last post June 13, 2018, 11:03:26 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Gariir aan ka dareemo futada?

Started by Ahmed CoofBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 8864
Last post May 19, 2012, 04:32:04 PM
by SomaliDoc