Author Topic: Murqo-Xanuun (Muscle Pain / Myalgia)  (Read 75553 times)

0 Members and 3 Guests are viewing this topic.

Offline Raaliyo

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 42
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Murqo-Xanuun (Muscle Pain / Myalgia)
« on: August 16, 2008, 09:33:02 AM »
salamu calaykum

waxaan rabaa inaan weydiiyo walalahyga sida wanaagsan oo hagar laanta ugu gudbinaya walaahooda suaalaaha soo weydiista walaalyaaloow anoo idiin mahad celinaya waxaan rabaa inaan ogaado laba shay maxaa keena murqo xanuunka  tan kalana  maxaan keena wareer yar yar waxaan ula jeedaa waxaa i xanuuna murqaha jirka oo dhan haba ugu darnaadaan kuwa garbaha iyo dhabarka tan kalewaxaan kaloo dareemaa wareer yar yar waxaa kaloo iiga sii daran waqtiyada qaboowga jirka oo dhan aa i kaaraya oo waxaan dareemayaa inaan energy badan haysan  markaa waxaan garan wayey ma vitamiinska baa igu yar iyo minarlska mise wax kalaa jira dhaqtarada waxay i dhaheen waxba ma qabitd  markaa wixii rayi  iga siiya waxa waxaan keena  iyo sababaha dhaliya murqo xanuunka  wabilaahi towfiiq

many thankx




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Murqo-Xanuun (Muscle Pain / Myalgia)
« Reply #1 on: August 19, 2008, 08:12:53 PM »


Qeexid
Murqo-xanuunku waa arrin caan ah oo wuxuuna ku dhacaa hal muruq iyo in ka badanba.
Murqo-xanuunku waxaa la socon kara mergiyo-xanuun, seedo-xanuun, Lafo-xanuun iyo xanuun ku dhaca soohyada isku haya murqaha iyo xubnaha la xiriiraba.

Murqo-xanuunku badanaa wuxuu la xiriiraa kacsanaanta qofka, welwelka, murqaha oo aad loo adeegsado ama jug ka soo gaartay jimicsi ama shaqo culus. xaaladahaasi xanuunku wuxuu ku dhacaaa murqaha kaliya ay culeeska la saaray ama dhaawaca soo gaaray wuxuuna bilawdaa isla markii dhibku dhaco ama jimicsigu ama hawshu dhamaato. taasi oo u sahalaysa qofka inuu ogaado waxa u keenaya murqo-xanuunka.

Murqo-xanuunka wuxuu kaloo calaamad u noqdaa dhibaatooyin kale oo saameeyaa jirka oo idil sida caabuqidda (infakshannada), tusaale ahaan ifilada/hargabka.
Wuxuu kaloo calaamad u noqon karaa cudurro asiiba murqaha iyo soohyada isku haya jirka oo dhan sida cudurka loo yaqaanno "Lupus" ee haweenka u badan.

Waxaa kaloo jira cudurro sidoodaba ku dhaca murqaha kaliya oo badanaa calaamado kale wadan.

Sababaha keena murqo-xanuunka
Waxyaabaha ugu caansan ee keena murqo-xanuunka waxaa ka mid ah:
# Dhaawac ama jug soo gaaray murqaha sida murgacashada ama culeys xad-dhaaf ah oo la saaro.
# In adeegsiga murqaha laga badiyo ama si dhakhso ah loo isticmaalo taasoo muruqa u adkaysan karin.
# Kacsanaanta iyo welwelka qofka.
# Qaadashada daawooyinka qaar sida daawooyinka loo yaqaanno "ACE inhibitors" ee hoos loogu dhigo cadaadiska dhiigga, Daawooyinka "Statins" ee lagu yareeyo dufanka Kolistaroolka iyo daawada "Cocaine" ee lagu yareeyo xanuunnada, dadka qaarkoodne qabatimaan.
# Huridda iyo balbalidda wadajirka murqahaiyo oogada ee loo yaqaan "Dermatomyositis"
# Carqalad ku timaado macdanta jirka ku jirta sida soodyamka, bootaasyamka iyo kaalshiyamka.
# Cudurka "Fibromyalgia" oo kudhaca murqaha iyo soohyada dunta ah ee loo yaqaanno "Fibrous".
# Infakshannada oo ay ka mid yihiin: ifilada, malaariyada, muruq-malaxawga, dabeysha iyo gooryaannada qaar.
# Cudurka "Lupus" ee dhaawaca murqaha iyo maqaarka.
# Cudurrada keena murqo-lafo xanuunka sida roomaatiisamka lafaha iyo murqaha "Polymyalgia rheumatica" iyo "Polymyositis"
# Cudurka sumoobidda murqaha ee "Rhabdomyolysis" (soohyada murqaha ayaa go'go'sun darteed)

Guri ku daaweyn
Haddii murqo-xanuunkaagu ka yimid dhaawac ama adeegsi xad dhaaf ah sida jimicsiyo badan ee aad samaysay, iska yareey, naso, qaado daawo yareysa huridda iyo balbalidda murqaha sida "Ibuprofen" kadibne baraf iska saar murqaha ku xanuunaya labadaba maalmood ee ugu horreeysa.

Haddii xanuunku kaa hayo murqaha kaliya ee jirka oo idil oo aad la dareemeysid caajis iyo wahsi, isku dheellitir jiifkaaga iyo dhaqdhaqaaqaaga kadibne sameey murqo-duugis/muroq-riixriixid (murqo-daliigid).

Haddii aad jimicsato, jimicsigaago ha noqdo mid fudud joogtane ah sida socodka, baaskiil wadidda, dabaasha IWM
hadii aad xanuun dareentid jimicsiga si aayar ah u billaw kadibne ku dar illaa murquhu soo ceshadaan tamartii iyo xooggii ay lahaayeen.

Haddii aad kacsantahay, wawalsantahay isku day in aad iska yareyso, isku mashquuliso wax ku halmaansiiya, hurdadane ku dadaal.

Haddii tallaabooyinka kor ku soo xusay aadan wax iskaga dareemin waxaad u baahantahay in aad dhakhtar u tagto si laguu wiisiteeyo, laguuna baaro.
Hadii la ogaado cudurka kuu keenay murqo-xanuunka waa in aad raacdaa tallaabooyinka uu kuu sheegayo dhakhtarkaaga.

La xiriir dhakhtarkaaga haddii
# Murqo-xanuunku sii jiro in ka badan 3 maalin
# Xanuunku uu noqdo mid aadan u adkaysan karin
# Aad isku aragto calaamad caabuq sida barar, gaduudasho iyo xanuun haddii murqaha la taabto ah
# Aad ku aragto murqaha dushooda finiinic/faruuruc
# Murqo-xanuunkaagu uu billawday daawo aad qaadan jirtay oo aad joojisay ama aad cabirka qaadashada aad badashay

Wac gargaarka dagdagga haddii
# Aad isku aragto culeys siyaado ah, barar iyo kaadi-yari
# Aad dhib kala kulanto neefsashada ama liqidda
# Aad isku aragto tabardarri ama aadan nuuxin karin murqaha
# Aad isku aragtid matag, qandho iyo qoor-kogid.

Su'aalaha aad kala kulmi doonto dhakhtarkaaga
# Goormuu xanuunka bilawday? meeqo ayuuna ku hayaa?
# Halkee ayuu xanuunka kaa hayaa? ma jirka oo dhan baa mise hal meel kaliya?
# Xanuunku ma halkiisa ayuu ku ekaadaa mise jirka ayuu ku faafaa?
# Maxaa kuu siyaadiya xanuunka maxaana kaa khafiifya?
# Maxaa calaamado ah ee la socdo murqo-xanuunkaaga?
# Qaabkee ayay murqaha kuu xanuunaan? xanuunkaasine heerkee ayuu gaarsiisanyahay?
# Wax daawo ah miyaa qaadataa?

Baaritaannada laga yaabo in laguu diro
# Baaritaan dhiig sida tirakoobka dhiigga ee dhameestiran
# Baaritaanno kale sida falgaldadajiyaasha murqaha (muscle enzymes)

F.G/ Hadii murqo-xanuunkaagu la socdo, daal, tabardarri, caloo-adeyg, qabowga oo aad u adkaysan karin, kalagoysyada oo ku xanuuna, Istaaga oo ku dhiba, miisaankaaga oo dhakkhso u kordhay waa in aad iska baartaa hormoonnada uu soo daayo qanjirka toroodhka (Thyroid gland).

Ka hortagga xanuunka murqaha
# Is kululey jimicsiga ka hor, kadibne isqabooji
# Is kala bixi jimicsiga kahor iyo kadibba
# Cab biyo badan jimicsiga ka hor iyo kadibba
# Iska ilaali in hal si' aad u fadhiisato ama u jiifsato muddo dheer.

Qoraallo xiriir la leh:
1- RIIXA: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2190.0.html
2- XUBNO-XANUUN: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,403.0.html
3- JILBO-XANUUN: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3654.0.html
4- FIBROMYALIGA: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2543.0.html
5- DHABAR-XANUUN: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,588.0.html
6- LAFOBEEL: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2132.0.html
7- MURQO-XANUUN: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1436.0.html

Hadii aad qabto su'aalo dheeraad ah ama faahfaahin, iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Raaliyo

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 42
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Re: Murqo-Xanuun (Muscle Pain / Myalgia)
« Reply #2 on: August 20, 2008, 06:55:33 PM »
salamu calaykum somali doctor;

waxaan aad ugu mahad celinayaa somali doctor sida wanaagsan ee aad iga soo haraad bixisay murqo xanuun markaa  waxaan rabaa inaan kuu sheego tyhroidkayga baa over u shaqeenaya sidaas baa igu wacan murqo xanuunka waxaan sii jeclaan lahaa hadaad isoo qeexo lahayd thyroidka over u shaqeeya sababaha keena dawadiisa waxyaalaha looga hortago cuntooyinka loo qaato bal doctoroow isoo qeex


aad baan kugu mahad celinayaa


 

Su'aal: Xiniiyo Xanuun iyo Xiniiyo Dheeraansho?

Started by Ahmed Ali MohamoudBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 33217
Last post August 10, 2015, 11:08:40 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Wadna xanuun iyo wadna garaac jogto ah?

Started by Fitah KhanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 32245
Last post September 16, 2016, 09:11:55 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuun xiniinta midig iyo lugta midig?

Started by DaadireeyBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 0
Views: 23442
Last post April 13, 2017, 11:46:51 AM
by Daadireey
Su'aal: Madax xanuun badan, xanaaq badan hadaan hurdo maskaxda wey shaqeeynee?

Started by AweisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 41569
Last post March 09, 2011, 10:28:48 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuun lugta xaga hoose ee u dhaxaysa labada kuraamood kuna qotonta cidhibta?

Started by GaadhhayeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 29371
Last post December 23, 2010, 07:28:23 PM
by SomaliDoc