Author Topic: Xiidmo Raajayn (Barium Enema)  (Read 21372 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Xiidmo Raajayn (Barium Enema)
« on: August 10, 2008, 07:53:17 PM »
Barium enema waa raajo saaridda xiidmaha waaweyn oo sidoo kale loo yaqaanno xiidan.
Baaritaankaan wuxuu dhakhtarka u oggolaanayaa inuu arko dhinacyada xiidanka ama malawadka.
Haddii aad qaadatid daawooyin maalin walba, dhakhtarkaaga weydii midkee daawooyinkaaga ay tahay inaad qaadatid maalinta ka horreysa iyo subaxda baaritaanka.
Haddii aad uur leedahay, ama aad u maleyneysid inaad uur yeelato, u sheeg shaqaalaha intaan raajada lagu saarin ka hor.
Baaritaanka waqtiga ku imow. Qorsheyso inuu baaritaankaagu qaato ilaa 1 saac.
Baaritaanka ka hor, farmashiyaha xaafadda ka soo iibso qalabka hoos lagu xarriiqay.
! Dhalada A 296 ml (10-ounce) ee Magnesium Citrate
! Sanduuq yar ee kaniiniyada Biscodyl (Dulcolax)

Maalinta ka Horreysa Baaritaankaaga
Xiidankaaga iyo malawadkuba waa in ay ka marnaadaan wax saxaro ah baaritaankaan ka hor.
• Ha cunin cunnooyin adag ama ha cabin wax caano ah ama caano ka sameysan.
• Cab dareereyaal barax la' oo keliya.
  ─ Biyo
  ─ Maraq
  ─ Casiir furuto oo cad oo aan lahayn coor coor sida tufaaxa, canabka cad, iyo liin
  ─ Cabitaanno cad sida soodhada liinta, kuul-aydh ama cabitaannada cayaaraha
  ─ Qaxwo ama shaah aan caano lagu darin ama labeen caano lahayn
  ─ jallaato-qori
• Inta u dhexeysa 10 SUBAXNIMO iyo 5 GALABNIMO:
  ─ Cab afar, 240 ml ama 8 ounce koob oo biyo ah.
• Markay tahay 1 DUHURNIMO:
  ─ Ku shub dhalada, 296 ml (10 oz.) ah oo dhan ee Magnesium Citrate baraf ka dibna cab.
  ─ Qaado 2 kaniini oo Biscodyl (Dulcolax) ah.
• Markay tahay 5 GALABNIMO:
  ─ Qaado 2 kaniini oo kale Biscodyl (Dulcolax) kuna qaado 240 ml ama 8 ounces oo biyo ah.
• Waxaad u baahan doontaa inaad badanaa isticmaashid musqul waqtiga galabtii iyo habeenkii.
• Bartmaha habeenka ka dib:
  ─ Waxna ha cunin waxnana ha cabbin, marka lagu daro biyo.

Subaxda Baaritaankaaga
Haddii ay tahay inaad qaadatid daawo, ku qaado kabbashooyin biyo ah oo keliya.

Waqtiga Baaritaanka
• Waxaad xiran doontaa goonnada isbitaalka.
• Waxaad ku seexan doontaa miiska raajada oo ka hooseeya makiinad u eg TV.
• Tubbo ayaa malawadka lagaa gelinayaa. Dhakhtarku wuxuu daawanayaa sida isku dhafka barium iyo xoogaa hawo ah ay u marayaan tubbada oo u gelayaan xiidankaaga. Waxaa lagu weydiinayaa inaad dhinac isu rogrogto waqtiga baaritaanka.
• Waxaa laga yaabaa inaad casiraad iyo cadaadis dareento. Afka ka qaado neef gaabisa oo qoto dheer si ay kaaga caawiso inaad is debciso.
• Raajo ayaa lagaa qaadayaa. Waxaa lagu weydiin doonaa inaad mararka qaarkood neefta isku celisid.
• Tubbada ayaa lagaa saari doonaa. Waxaa laguu kaxayn doonaa musqusha si aad barium-ka iyo hawada isku dhafan aad xiidankaaga uga banneysid.
• Raajo kale ayaa laga yaabaa in lagaa qaado si baaritaanka loo dhammeeyo.
• Natiijooyinka baaritaanka waxaa loo dirayaa dhakhtarkaaga. Dhakhtarkaagu adiga ayuu natiijooyinka kula wadaagi doonaa.

Baaritaanka ka Dib
Waxaad awoodi doontaa in aad cunto cuntaadii caadiga ahayd. Aad biyo fara badan cabto iyo dareereyaasha kale 2-3 maalmood ee ku xigta. Ka fogow cabitaannada karboonaatada leh muddada waqtigaan maxaa yeelay waxaa laga yaabaa in ay keenaan inaad gaas yeelato. Cun miraha isudhan, furuto iyo khudrad, iyo/ama qaado calool jilciye fudud si uu kaaga caawiyo in aad iska soo saarto barium-ka. Saxaradaada midabkeedu khafiif ayuu noqon doonaa barium-ka awgiis hal maalin ama wax la mid ah baaritaanka ka dib.

Haddii aad wax su'aalo ah ama walaac ah qabtid, halkaan ka weydii
SomaliDoc


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Liqidda Barium (Barium Swallow)

Started by SomaliDocBoard Radiology & Medical Imaging

Replies: 0
Views: 22320
Last post July 25, 2008, 08:22:55 PM
by SomaliDoc