Author Topic: Qalitaanka Saarista Xameetida (Cholecystectomy)  (Read 40739 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Qalitaanka Saarista Xameetida (Cholecystectomy)
« on: August 10, 2008, 07:55:47 PM »


Qalitaanka lagu saarayo xameetida waxa la yiraahdaa cholecystectomy.
Xameetidu waxay ku taalaa dhinaca midigta ah ee calooshaada sare. Waxa loo baahan karaa in la saaro xameetida marka ay dhagaxaan ku jiraan dhuunta ama gudaha xameetida.
Dhagaxaantu waxay keeni karaan barar ama caabuq/fashfash.

Nuucyada Qalliinka:
Waxa jira laba hab oo loo sameyn karo qalitaanka. Weydii dhakhtarkaaga habka loo sameyn doono qalitaankaaga.
• Saarista xameetida ee ah “laparoscopic”
Waxa caloosha lagu sameyn doona 3 ama 4 dalool oo yaryar.
Dhakhtarku waxa uu isticmaali doonaa kamarad iyo qalab la dhex marinayo meelihii yar-yaraa ee la qalay si loo soo saaro xameetida. Marka laguu sameeyo qalitaanka noocan ah, waxa laga yaabaa inaad hore u bogsatid, uu kaa yaraado xanuunku, ay yaraato qoloftu oo ay yaraadaan dhibaatooyinka dhaawacu. Badanaa waxa aad guriga ku noqon kartaa 24 saacadood gudahood qalitaanka ka dib.
• Qalitaanka saarista xameetida ee furan (open)
Jeexitaan weyn ayaa lagu sameeyaa meel ka hooseysa feeraha ku yaala dhinaca midig ee caloosha. Dhakhtarku waxa uu ku dhex shaqeeyaa meeshii la qalay si loo soo saaro xameetida. Waxa laga yaabaa in aad cisbitaalka joogtid ilaa 3 maalmood qalitaanka ka dib.

Si Aad Isu Diyaarisid
• U sheeg dhakhtarkaaga dhamaan dawooyinka aad qaadatid. Hubso inaad ku dartid dawooyinka dhakhtar kuu soo qoray ama kuwa la iibsan karo warqad dhakhtar la’aanteed, fitamiinada iyo geedaha.
• Waxa laga yaabaa in laguu sheego in aadan qaadan wax ah asbiriin ama ibuprofen dhawr maalmood qalitaanka ka hor.
• Weydii dhakhtarkaaga haddii la rabo in aad qaadatid qaar ka mid ah dawooyinkaaga subaxa qalitaankaaga. Haddii la rabo, ku qaado dawooyinkaaga kabashooyin yar oo ah biyo kaliya.
• Wax ha cunin waxna ha cabin, waxana ka mid ah biyaha, ilaa qalitaankaaga ka dib.
• Haddii aad diidmo/xasaasiyad u leedahay dawooyin, cunto ama waxyaabo kale, u sheeg shaqaalaha qalitaanka ka hor.

Inta Lagu Jiro Qalitaanka
• Waxa aad gashan doontaa marada cisbitaalka.
• Faleebo ayaa lagugu suri doonaa si laguu siiyo dawo iyo dheecaano.
• Waxa lagugu qaadi doonaa sariir si laguu geeyo qolka qalitaanka.
• Waxa lagugu wareejin doonaa miiska qalitaanka. Waxa laga yaabaa in lugahaaga suun lagu xiro ammaankaaga daraadii.
• Waxa lagu siin doonaa dawo si aad u huridid inta qalitaanku socdo. Dawada waxa laguu marin doonaa tuubo xidid ku jirta (IV)/faleebo ama waji-qaris wajiga lagu daboolayo.
• Waxa la nadiifin doonaa calooshaada waxana lagu dul saari doonaa go’yaal si meesha la qalayo looga dhigo nadiif.
• Jeexis ayaa la sameyn doonaa.
• Xameetida ayaa lagaa saari doonaa.
• Jeexitaanada waxa lagu xiri doonaa tolmo, qabatooyin ama sharooto gaar ah oo loo yaqaano “steri-strips”.
• Faashad ayaa dusha laga saari doonaa tolmada ama qabatooyinka.

Qalitanka Ka Dib

Gudaha Cisbitaalka
• Waxa lagu geyn doonaa qolka bogsashada halkaasoo si aad laguugu ilaalin doonaa ilaa aad ka soo toosaysid oo aad ka fiicnaatid.
• Neefsashadaada, cadaadiska dhiigga iyo garaaca wadnaha ayaa marrar badan la hubin doonaa.
• Dhakhtarka ayaa kaala hadli doonaa qalitaankaaga.
• Haddii aad guriga ku laabanaysid isla maalinta qalitaanka, dawooyinka lagu siiyo wakhtiga qalitaanka waxay kugu ridi doonaan hurdo-hurdo. Waxa aad u baahan doontaa qof weyn oo ka tirsan ehelka ama ah saaxiib oo ku geeya guriga, ammaankaaga daraadii.
• Haddii laguu sameeyay jeexitaanka weyn, waxa lagu geyn doonaa qolkaaga cisbitaalka. Waxa laga yaabaa in tuubo gororin loogu talogalay ay kaaga jirto meel u dhow jeexitaanka. Shaqaalaha kalkaalinta ayaa tuubada hubin doona oo faaruqin doonaa. Badanaa tuubada gororinta waa lagaa saari doonaa inta aadan ka bixin
cisbitaalka ka hor.

Gudaha Guriga
• Naso. Kordhi firfircoonidaada maalin kasta.
• Dawooyinkaaga u qaado sida uu kuu sheego dhakhtarkaagu.
• Wac dhakhtarkaaga si aad u ballansatid booqasho la-socod ah.
• Waad qubeysan kartaa 2 maalmood ka dib qalitaankaaga. Ha qaadan qubeys lagu fariisanayo saxanka qubeyska mudo ah hal todobaad qalitaankaaga ka dib.
• Haddii ay faashad saaran tahay meesha lagaa qalay, waxa laga qaadi doonaa maalinta labaad ka dib. Uma baahnid in aad beddeshid faashadda haddii aan dhakhtarkaagu ama kalkaalisadu sidaa kuu sheegin. Kalkaalisada ayaa ku bari doonta sida loo beddelo faashadda haddii loo baahdo. Haddii ay qabatooyin ah “steri strips” ku yaalaan meesha la qalay, iska daa. Iyaga ayaa iska soo dhici doonaa 7 ilaa 10 maalmood gudahood.
• Xanuun ah qoorta ama garabka ka dib qalitaanka ah “laparoscopic” waa caadi, sababta oo ah hawada lagu shubay calooshaada intii qalitaanku socday. Naso oo kululee garabkaaga si aad uga nafistid xanuunka. Madaxaaga iyo garbaha sare ugu qaad dhawr barkimo.
• Waxa laga yaabaa inay dhib kugu noqoto inaad saxarootid qalitaanka ka dib. Socodka iyo cunista cunto qani ku ah dufka sida siriyaalka (cereals), digirta, cagaarka iyo rootiga ka sameysan xabuublay aan buushe laga saarin (whole grain) ayaa ku caawin doona. Waxa kale oo ku caawin kara cabista casiir buruun (prune).
• Waxa kale oo laga yaabaa in lagu baro sida loo sameeyo neefsasho xoog leh iyo jimicsiyo qufac si aad uga badbaadid caabuqa/fashfasha sambabada qalitaanka ka dib. Xoog u neefso oo qufac saacad kasta inta aad soo jeedid iyo haddii aad soo toostid habeenkii. Isticmaal barkimo adigoo ku taageeraya meelaha lagaa qalay marka aad qufacaysid ama aad xoog u neefsanaysid.
• Ha qaadin alaab culus.
• Ha kaxeyn baabuur ilaa dhakhtarkaagu kuu sheego inaad kaxeyn kartid. Hubso in aadan qaadan dawo xanuun oo dhakhtarku kuu qoray marka aad bilawdid wadista baabuurka.
• Kala hadal dhakhtarkaaga ama kalkaalisada xadka u yaalaa firfircoonida kale, sida ku-noqoshada shaqada ama ku-socodka jaranjarada.

Wac dhakhtarkaaga isla markiiba haddii aad qabtid:
• Xanuun ah caloosha ama garabka oo aan tagaynin ama ka sii daraya
• Casaan, burbur maqaar ama barar soo kordhay
• Qandho ka sareysa 38 darajo C (101 darajo F)
• Matag
• Qarqaryo, qufac ama dareen ah tabar-dari iyo xanuun
• Maqaarka oo cuncuna, barar ama finan cusub
• Saxarada oo dhib ah ama shuban badan

Isibtaalka si degdeg ah ugu laabo haddii:
• Meelihii la jeexay ay kala fuqaan ama dhiig kaa yimaado.
• Ay si kedis ah neefsashadu dhib kuugu noqoto.
• Aad leedahay xanuun laabta ah.

Haddii aad qabtid wax su’aalo ama walaac ah, na gala soo xiir qeybta su'aalaha ama bogeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Xameetida ayaa dhagax la iiga sheegay qaliinkna waa ka baqay?

Started by IimaanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7363
Last post June 05, 2015, 07:12:44 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xameetida qofka laga saaray?

Started by GeesdiirBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 7846
Last post December 15, 2011, 01:10:00 AM
by Kahiye
Waa Maxay Kilyo-Dhaqista / Kaadi-Saarista (Dialysis)?

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 40676
Last post August 18, 2008, 07:32:59 PM
by SomaliDoc
Raajo Saarista (Taking X-ray)

Started by SomaliDocBoard Radiology & Medical Imaging

Replies: 0
Views: 21032
Last post February 25, 2009, 09:48:08 PM
by SomaliDoc
Daryeelkaaga Cisbitaalka - Qalitaanka ka Dib

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Qaliinka

Replies: 0
Views: 21448
Last post July 03, 2009, 10:51:57 PM
by SomaliDoc