Author Topic: akhwaanii  (Read 4975 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Istar

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
akhwaanii
« on: July 08, 2007, 04:10:24 AM »
ikhwaani dhamaantiin waxaan idiin rajaynayaa wax walboo wanaagsan oo khayr ah inaad gaartaan aduun iyo aakhiraba.
ikhwaani waxaan jeclaystay inaan warqadaan idiin soo qoro waxaana rabay inaan idin xasuusiyo muslimka inaad u ducaysaan khaasatan somalia dhamaan muslimka ciqaab ayaan ku jirnaa somali haba ugu sii badatee.
somali hadaan nahay qabiil iyo xaasidnimo iyo qaxar ayaan ku jirnaa waana ciqaab allaaah, imisaa dad masaakiin dagaalada ku dhintay imisaa DUMAR iyo CARUUR iyo ODOYAAL lagu dilay dagaalada macquulah muslim ayaa waxaan oo kale sameeyo
meel walba ay somalia joogto dhib ayaa jiro.. wadankii carabaha somalida joogto iyo wadamada ajaanibtaba.
waxaas oo dhib ah maxaa na galiyay diintii ilaah ayaan ka tagnay
ilaah siduu noo saacidayaa hadaan somalida intooda badan qalbiga wax walboo xun nooga buuxo, been ayaan isku sheegaynaa nafteenana been ayaan u aqrinaynaa ilaah hana saacido.
ikhwaani runtii somalida dhib ayaa haysto xitaa CARUURTII yaraa ee wadamadaan galbeedka ku dhashay qabiil ayay ku dhaqmaan oo qaarkood baa iskuulada aya dhigtaan isku dacweeyo macalimiintii ajaanibta ayay ku oranayaan qofkaan igu qabiil maaha oo hadda ka hor ayaa qabiilkiisa adeerkay dhilay.macquulah way dhacdaa oo waxyaabo ka daran ajaanibta inay kugu qoslaan maahee waxba kuuma qabanayaan waxayba la yaabayaan CARUURTA yar oo fikradooda sidaas tahay, jahli baa inoo gaysay arimahaan.
ikhwaani runtii aniga ma iga ah inaan salbiga kaliyah ka eegayo somalida ee waa sida jirto waana arin laga naxo.
dhalinyaradii towciyah wax siinayo ma jirto oo hadday jirtana qabiil ahaan ayay u kulmaan dhalinyaradii way wareereen qaarkood ma rabaan qabiil inay ku dhaqmaan laakiin dee waalidkii ayaa jiran oo u aqrinayo.
ilaaah hana asturo qof dhar la''aan jidka socda waa sidee?
sidaa oo kale ayay noqdeen somalidi.
xitaa guurka wadamada ajaanibta somalida isma guursadan marka hore gabadha iyo wiilka iyagaa nikaax aan la ogeen sameenayo ka dibna way isla dagayaan markii qof walba qofka kale siiyo waxuu rabay ayaa reerka loo sheegayaa inta badana way is furaan because wax aan ilaah ogoleen ayay mustaqbalkoodii ku bilaabeen hadana ma ninkaa rabo inuu guursado gabar uu soo arkay..maya.. maya
ikhwaanii runtii ilaah diintuu noo soo dajiyay ayaan ka tagnay marka waxii ciqaab nagu dhacayo waan is taahilnaa...
ikhwaanii iga raali ahaada hadalkii ayaan idinku dheereeyay kaliyah waxaan rabaa inaad ila ogaataan somalida dhibaatada haysto maahan mid qabiil sameeyay ay tahay DUNUUBTeena badatay markaasna ilaah wuu na ciqaabayaa..
ilaaaah hana asturo ilaahna dhalinyarada hanoo hagaajiyo iyo gabdhahaba ilaahna wadankeena hanoo hagaajiyo..aamiin.. aamiin
                                maryam.
                                istar.




Offline IsseGole

  • Global Moderator
  • *****
  • Posts: 86
  • Points: +15/-0
  • Gender: Male
  • I am going back to somalia, what about you?
    • Somali Medical student's forum
Re: akhwaanii
« Reply #1 on: July 10, 2007, 06:09:17 PM »
Istar, salaan qaali ah iga guddoon, salaan ka dib;
Warka dheer ee aad ka hadashay walaalay waa war aad u qaalli ah oo run ah, Yaa rayt haddii ay dhalinyarada soomaalida sidaas u fakari lahaayeen badankood, umaddii dhan qabiil iyo cudurro badan baa googooyay oo aanan boosba u reebin rajo in khayr dhici doono. Ilaahay kaliyaa noo maqan waa runtaa.
Waxaas aad sheegtay waa calaamadaha aakhiru zamaanka, marka ha is murjinin waa wax adduunkoo dhan ka jira oo muslinkoo dhan haysta oo ibtala ah, adiga un naftaada ka badbaadi laguu qabsan mayo khaladkooda aakharee. Shaki kuma jiro dadka badankiis inaysan istaahilin nolol iyo ilaahay waxa uu siiyay laakin maa nusawwii, haadaa qadarunaa, anaga waxaan isku dayaynaa inaan ka qayb qaadanno wacyi galinta bulshada soomaaliyeed gaar ahaan mutacallimiinteeda sidii looga tagi lahaa qabiilka iyo wixii la xiriira oo dhan, ahdaafta forumkaan loo sameeyay bayna ka mid tahay, marka that is all we can do, cidna lama khasbi karo murugna wax ku iman mayaan, marka khalliinaa nadcullaah wa nuxaawil, that is all.
Waad mahadsantahay Istar,
Ciise Dheere.
Towards a better healthy Somalia!!
Unless all parts of the society participate equally in the health process, nothing could be expected.