Author Topic: Waa Maxay Kilyo-Dhaqista / Kaadi-Saarista (Dialysis)?  (Read 40680 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Waa Maxay Kilyo-Dhaqista / Kaadi-Saarista (Dialysis)?
« on: August 18, 2008, 07:32:59 PM »


Kaadi-saaristu waa daweyn la isticmaalo marka kilyuhu ay joojiyaan inay si fiican u shaqeeyaan. Kaadi-saarista waxaa loo isticmaala in dheecaanka siyaadada ah iyo qashinka laga saaro jirkaaga. Waxa jira laba nooc oo ah kaadi-saaris:
• Kaadi-saaris dhiig (hemodialysis)
• Kaadi-saarista xuubka hoose ee ubucda (peritoneal dialysis)

Kaadi-saarista dhiigga (Hemodialysis)
Marka la sameynayo kaadi-saarista dhiigga, in yar oo dhiig ah ayaa dibadda looga soo nuugaa ama looga saaraa jirka waxana la dhex mariyaa mishiin la yidhaahdo killi artifishal ah. Mishiinkani waxa uu dheecaanka dheeraadka ah iyo qashinka ka shaandheeyaa/miiraa dhiigga. Ka dib dhiigga ayaa dib loogu celiyaa ama loogu shubaa jirkaaga. Daweyntu waxay qaadataa qiyaas ah 4 saacadood waxana la sameeyaa 3 jeer todobaadkii.
Si loo sameeyo daweynta, waxa loo baahan yahay goob dhiigga dibadda jirka looga saaro, ka dibna lagu soo celiyo dhiigga. Tan waxa la yiraahdaa goobta siinta (access). Marka goobta siinta la sameeyo ee ay bogsato ka dib, 2 irbadood oo ku xiran tuubo ayaa la galiyaa goobta siinta. Hal irbad dhiigga ayay dibadda u soo saarta, hal irbadna dhiigga ayay ku celisaa jirka.
Goobaha Siinta
Waxa jira saddex nooc oo ah goobo siin.
• AV Fistula – Marka la sameeyo qalitaan sahlan, oo ah xidid dhiig oo halbowle ah ayaa lagu xiriiriyaa xidid dhiig oo arooriye ah meel ah maqaarka hoostiisa. Badanaa waxa tan lagu sameeyaa gacan.
• Graft – Marka la sameeyo qalitaan fudud, tuubo caag ah oo jilicsan ayaa la galiyaa si ay isugu xiriiriso halbowle iyo arooriye ah maqaarka hoostiisa.
• Central catheter – Marka la rabo kaadi-saaris ku-meel-gaarsiis ah, dhakhtarku waxa uu tuubo galiyaa xidid arooriye ah oo weyn inta badan mid ku yaala qoorta.

Kaadi-saarista Xuubka Hoose (Peritoneal dialysis)
Marka la sameynayo kaadi-saarista xuubka hoose, tuubo ayaa la galiyaa caloosha/ubucda.
Hoore/dareere gaar ah oo la yiraahdo "dialysate" ayaa lagu shubaa ubucda iyada oo la marinayo tuubo.
Hooruhu/dareeruhu waxa uu ubucda ku jiraa dhawr saacadood. Inta hooruhu ku jiro ubucda, dheecaanka iyo qashinka dheeraadka ah ayaa ka soo baxa dhiigga oo ku darsamaya hooraha. Hoorahani waxa uu si aad ah ugu eg yahay kaadida ka dibna waxa laga gororiyaa jirka iyada oo la isticmaalayo tubada. Markaas ka dib hoore nadiif ah ayaa lagu shubaa ubucda waxana lagu celiyaa talaabooyinka.
Waxa jira 2 nooc oo waaweyn:
• Kaadi-saarista Xuubka Hoose ee Joogtada iyo Socodka Leh Continuous Ambulatory Peritoneal Dialysis (CAPD) waxa la sameeyaa 4 ilaa 5 jeer maalin kasta waxana uu hooruhu ku jiraa ubucda 3 ilaa 4 saacadood. Waxa tan lagu sameyn karaa meel kasta oo nadiif ah oo asturan.
• Kaadi-saarista Xuubka Hoose ee Joogtada iyo Wareegga ah (Continuous Cycling Peritoneal Dialysis) (CCPD) waxa la sameeyaa iyada oo la isticmaalayo mishiin gaar ah. Hooruhu waxa uu caloosha ku jiraa mudo gaaban, oo ku qiyaasan 1½ saacadood.
Marka hore mishiinka ayaa la rakibaa, ka dibna qofka ayaa lagu xiraa mishiinka, mudo ah 8 ilaa 10 saacadood habeenkii.
Qofka waxa laga furaa mishiinka maalinimada.

Halkaan ka akhriso casharka Howlgabka Kilyaha

Haddii aad qabtid wax su’aalo ama walaac, halkaan ka weydii
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?

Started by KamalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 66563
Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Waa maxay "Angina"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 69574
Last post February 05, 2008, 07:56:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 62505
Last post September 01, 2009, 02:23:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "gynecomastia"?

Started by AnassmBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 46759
Last post May 06, 2018, 01:17:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Priapism"?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 45006
Last post January 22, 2019, 08:47:10 PM
by SomaliDoc