Author Topic: Waa Maxay Overactive Thyroid?  (Read 72195 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Raaliyo

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 42
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Waa Maxay Overactive Thyroid?
« on: August 20, 2008, 06:59:08 PM »
Salamu calaykum

bacda salaan waxaan ka codsanayaa somali doctor ilaaheey khayr ha ku siiyo sida wacan ee noogu soo qeexdo jirooyinka aad baan kaaga mahad celinaynaa  waxaan raba inaan ku weydiiyo dhaqtaroow waa maxay thyroid over active waxaad iga soo jaahil bixisaa maxaa keena dawadee loo qataa cuntadee loo cunaabaliga soo jawaab dhaqataroow




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Kacsanaanta Qanjirka Troodhka
« Reply #1 on: September 01, 2008, 01:23:53 PM »


Waa maxay Overactive thyroid?
Overactive thyroid ama Hyperthyroidism waa xaalad uu qanjirka troodhka aad u shaqeynayo soona saarayo hormoon tirabadan, kaasoo dhiigga ka buuxsamo, kadibna keeno in qofka ku somoobo waxaana loo yaqaannaa (Thyrotoxicosis).

Hormoonnada uu soo dayao qanjirka troodhka waxay ka qeybqaataan falalka muhiimka ah ee ka dhaca unugyada jirka, qanjirkane wuxuu ku yaallaa dhuunta qeybteeda hoose, qanjirka wuxuu ku wareegsanyahay hunguriga cad waxuuna leeyahay qaab balanbaalis oo kale.


Waa maxay qanjirka troodhka?
Qanjirka wuxu dhiigga ka aruuriyaa cunsurka ama maadada loo yaqaanno Iodine, kaasoo badanaa laga helo cunto badeedka, rootiga iyo cusbada waxuuna qanjirka u adeegsadaa samaysanka hormoonnada.
Labada hormoon ee ugu muhiimsan ee uu soo daayo qanjirka toroodhka waa T4 (99.9%), T3 (0.1%), hormoonka saameynta ku leh jirka waa T3, sidaa daraadeed markii loo baahdaba, T4 ayaa loo badalaa T3.

Sidee ayuu u shaqeeyaa qanjirka troodhka
Qanjirka troodhka waxaa kontroola qanjir kale oo ku yaalla maskaxda laguna magacaabo "Pituitary Gland", qanjirkaan wuxuu awood u leeyahay inuu yareeyo ama siyaadiyo hawsha qanjirka troodhka, hadii hormoonnada ay ku yaryihiin dhiigga wuxuu fariin u diraa qanjirka troodhka si hawsha loo kordhiyo iyo sida kalaba.
Isla qanjirka pituitary waxaa sii kontoroola qanjir muhiim ah kana mid ah maskaxda loona yaqaanno "Hypothalamus".
Qanjirka Hypothalamus wuxuu soo daayaa hormoon loo soo gaabiyo "TRH" macnihiisuna yahay hormoonkii soo deyn lahaa hormoonnada troodhka, wuxuu saameeyaa qanjirka Pituitary, waxuuna ka soo daayaa hormoon kale oo loo soo gaabiyo "TSH" oo macnihiisu yahay homoonkii kicinta ama falgilinta troodhka. markaas ayuu qanjirka hawsha billaabaa soona daayaa hormoonnada T3 iyo T4.

Marka haddii ay jirto mushkilad keensanaysa in qanjirka si aad ah u shaqeeyo, waxay ka imaan kartaa mid ka mid ah 3-da qanjir.

Maxaa keeno Kacsanaanta Qanjirka Troodhka?
Haddii aan soo koobo waxyaabaha keena kacsanaanta qanjirka troodhka waa sidatan:
  • Graves' disease (Waa cudur ku dhaca qanjirka troodhka kaasoo ka lunsiiya qaabkii saxda aheyd oo loogu kontrooli jiray hormoonka laga soo daayo qanjirka pituitary ee TSH, Cudurkan waa cudur la kala dhaxli karo, wuxuuna ku badan yahay haweenka [5-tii haween markuu ku dhaco 1-rag ah ayuu ku dhacaa], cudurkaan waxaa kiciya diiqada, sigaar cabidda, raajo lagaa saaray dhuunta, daawooyin iyo caabuqid feyras. calaamadaha lagu garto cudurkaan waxaa ka mid ah indho-fiiqnaan iyo furuuruc ka soo muuqdo badanaa lugaha)
  • Buro ka soo baxdo qanjirka troodhka, buradaasoo si kontorool laáan ah u soo deyso hormoon "Toxic Goiter".
  • In qofku qaato daawooyin u shaqeeya sida hormoonka troodhka (daawooyinka lagu yareeyo miisaanka oo kale.)
  • Hormoonka kicinta troodhka oo si xad dhaaf ah loo soo daayo, taasoo badanaa ka timaado buro ka soo baxdo qanjirka Pituitary.
  • Qanjirka troodhka oo caabuq ku dhaca waxaana badanaa keeno fayrs. waxaana calaamad u ah qandho, cuno-xanuun iyo xanuun markaa wax liqayso. qanjirka waa xanuun markii la taabto.
  • Iodine badan oo la qaato sida daawada Ämiodarone" oo leh Iodine badan.

Calaamadaha Kacsanaanta Qanjirka Troodhka
  • Dhidid badan
  • Kuleelka oo loo adkaysan karin
  • Socodka caloosha oo siyaado ah
  • Gariir gacmaha ah
  • Xanaaq iyo kacsanaan niyad
  • Wadno garaac siyaado ah
  • Miisaanka oo lumo
  • Daal iyo tabardarri
  • Dhiigga haweenka oo qaldamo

Sidee lagu ogaadaa Kacsanaanta Qanjirka Troodhka
  • In la fiiriyo calamadaha aan kor ku soo xusay sida gariirka gacmaha, dhidid badan, maqaarka jirka oo saliix noqdo, tinta oo khafiif noqoto, wadnaha oo aad u garaacmo iyo qanjirka troodhka oo bararo.
  • Baaritaan dhiiig oo lagu fiirinayo hormoonnada kala ah T3, T4, TSH
  • Raajo-saaris qanjirka ah "Thyroid Scan"

Sidee loo daaweeyaa Kacsanaanta Qanjirka Troodhka?
  • In la yareeyo calamadaha muuqdo iyadoo la adeegsanayo daawooyin
  • Daawo yareyso kacsanaanta qanjirka
  • Qalliin lagu sameeyo qanjirka

Ma jirto cunto gooni ah oo loo qaato xaaladdaan, laakiin haddii kacsanaantaadu ka timid in uu kugu badan yahay cunsurka Iodine waxaa iska yareyneysaa cunnooyinka uu ku badanyahay, dhakhtarkaaga ayaan kuu sheegi doono.

Maxaan sameeyaa hadii qanjirkeygu kacsan yahay?
Waa in aad u tagtaa dhakhtar una sheegtaa calaamadaha aad isku aragtay, baaritaan dhiig oo lagaa qaado ayaa lagu caddayn karaa dhibaatadaada.

Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan Howlgabka ama dhacsanaanta Qanjirka Thyroid-ka (Hypothyroidism) oo aad ugu badan haweenkeena: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5559.0.html

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Dr baddal

  • Newbie
  • *
  • Posts: 14
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Waa Maxay Overactive Thyroid?
« Reply #2 on: April 04, 2011, 08:21:10 AM »
asc dr waxaan rabaa in aan wax ka ogaada, ma jiraa xiriir ka dhaxeeya quumanka(quun xanuunka) ama tonsils-ka oo ku xanuuna iyo hyperthyroidism-ka  ama thyroid disease-ka uud ahaan.
Aadbaad u mahadsantihiin.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Waa Maxay Overactive Thyroid?
« Reply #3 on: April 04, 2011, 06:24:08 PM »
Xiriir ka dhaxeeyo cudurka quumanka iyo xanuunka hyperthyroidism ma jiro.

Quumanka waxaa keeno caabuq bakteeriyo.
Hyperthyroidism waa cudur xagga hormoonnada ah.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Somali_Nabad

  • Newbie
  • *
  • Posts: 24
  • Points: +0/-0
Re: Waa Maxay Overactive Thyroid?
« Reply #4 on: April 08, 2011, 10:10:12 AM »
waad mahadsan tihiin walaal illaahay waxaan idiinka rajaynayaa inuu idiinku naxariisto sida wanaagsan ee aad bulshada somaliyeed ugu dedaalaysaan,
idinka oo cilmigiinii iyo wakhtigiiniiba ku bixiyey inaad bulshadiina somaliyeed u adeegtaan, walaal khayr baan idiin rajaynayaa somalidoctors meelkasta oo aad joogtaan wsc

Offline Safia2727

  • Newbie
  • *
  • Posts: 6
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Re: Waa Maxay Overactive Thyroid?
« Reply #5 on: January 14, 2012, 07:53:54 AM »
Yes TH LEVEL OR THYROID PANEL KA AYAALAGA BAARAA..T3 IYO T4...marka uu qofka qabo hypothroid waxaa weeye qofkaasi TH LEVEL OR THYROID PANEL KA AYAALAGA BAARAA..T3 IYO T4 ISAGAA AH MID PRIMARY OR SECONDARY kiisa ayaa yar markaa waa inuu qaataa kariini hal xabo ah weligiisa qofka qabo hyperthyroidkana waa ku badan yahay so waa inuu qaataa kaniin sidoo kalo..waana xanuun ku dhaca qanjirada dhiiga oo laga qaado ayaana lagu ogaadaa..


 

Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?

Started by KamalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 66516
Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Waa maxay "Angina"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 69532
Last post February 05, 2008, 07:56:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 62453
Last post September 01, 2009, 02:23:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "gynecomastia"?

Started by AnassmBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 46728
Last post May 06, 2018, 01:17:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Priapism"?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 44978
Last post January 22, 2019, 08:47:10 PM
by SomaliDoc