Author Topic: Xinjirowga Xididada Lugaha / Deep Vein Thrombosis (DVT)  (Read 83300 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Xinjirowga Xididada Lugaha / Deep Vein Thrombosis (DVT)
« on: September 02, 2008, 09:48:55 AM »


Waa maxay DVT?
DVT waa erayo laga soo gaabiyay cudurka loo yaqaano"Deep Vein Thrombosis", waa xinjir dhiig oo ku samaysanta xididada dhiigga dhexdiisa. Waxay had iyo jeer ku samaysantaa lugaha, marar dhif ahne gacmaha, sabatoo ah qulqulka dhiigga maraya oo gaabinaya awgiis.
Guntankaa dhiiggu wuxuu joojin karaa socodka dhiigga qeyb ka mid ah ama dhammaantiisba. Waxay kaloo xinjirta ugudbi kartaa ilaa sanbabada oo ay markaa keento khatar culus.

Yaa khatar ugu sugan xanuunkaan?
Haddii aad mid ka mid ah leedahay astaamahan, khatar baad u tahay xanuunka DVT:
• Wadno xanuun
• Uur aad leedahay ama aad Umul tahay
• Aad shilis tahay xad-dhaaf ah
• Dhiig la’dahay
• Beer xanuun leedahay
• Muddo badan aad sariir yaal ahayd oo aadan socsocon
• Dhaawac shil kaasoo gaaray ama aad jajabtay
• Dhaqdhaqaaqa oo yar, fadhi badan iyo socod la'aan.
Dawooyinka qaarkood ama is dawaynta qaarkeed waxay ku galin karaan khatarta cudurkaan.

Calaamadaha DVT
Dhakhtarkaaga si dhaqso ah ula hadal ama u tag goobta caafimaadka degdegga ah ee kugu dhow haddi:
• Lugta ay ku bararan tahay, barar leh danqasho, kuleel iyo isbadal midabka ah.
• Meelo jilicsan oo casaan ah oo diis-diismaya oo ku yaalla lugahaaga, gacmahaaga amase laabtaada aad aragtid.
• Suuxsanaan ama kabuubyo lugaha, gacmaha amase laabta.
• Xanuun xad-dhaaf ah oo lugaha, gamacaha ama laabta ah.
• Xummad ama gariir.

Tag goobta caafimaadka degdegga ah adigoo hal lug ku bararsanayd, haddii aad isku aragtid:
• Neefta oo ku qabata, neeftoo kugu adag ama xanuun laabta ah.
Ha duugin (ha riix-riixin) lug ama gacanta bararan.

Sidee lagu ogaadaa xanuunkaan?
Waxaa lagu ogaadaa kumbuyuutarka lagu fiiriyo xididada jirka ee loo yaqaano "Doppler Ultrasound", haddii dhakhtarka uu kaaga shakiyo xanuunkaan waa qasab in baaritaankaan lagu saaro, wuxuu kaluu dhakhtarka kuu diri doonaa baaritaan dhiig ah oo lagu ogaanayo haddii ay jiraan cillad xinjiroobista dhiigga ah, waa baritaan dhowr jeer lagugu samayn doono inta ay daawada kuu socoto.
Ogow baaritaanadaan waxay u baahan yihiin aqoon ee maahan baaris lagu samayn karo sheybaar walba, mana jirto siyaabo kale oo lagu ogaan karo cudurkaan.

Sidee looga hortagaa DVT
• Soco oo lugee maalin kasta si lugahaaga iyo gacmuhu u dhaqdhaqaaqaan oo dhiiggu si fiican ugu socdo jirkaaga.
• Dhakhtarkaaga ama kalkaaliyahaya waydii jimicsiga kugu habboon.
• Iska ilaali inaad fadhido ama aad u jiifto dhinac kaliya waqti dheer.
• Ha ku fariisan lugahaaga oo iswaydaarsan, amase jilbaha oo aad culuys badan saarto.
• Haddii lugahaagu ay u muuqdaan qaar bararsan, sare u qaad markaad fadhido.
• Iska ilaali inaad sigaar cabto, gaar ahaan haddii aad qaadanayso kiniinka ilmo-kala dheeraysiinta.
• Cab 8 galaas oo cabitaan ah maalintii, haddii aan cabitaanka badan lagaa joojinin.

Daawaynta
DVT waxa sida caadiga ah lagu daweeyaa dawo dhiigga jilcisa. Dawadaas waxaa laguu siin karaa:
• Xididka oo lagaa siiyo – Waxaad joogi doontaa isbitaalka inta ay dawadu kuu socoto.
• Caloosha ama garabka oo lagaa mudo – Haddii aad u baahan tahay muditaan, waxaa lagu bari doonaa sida loo sameeyo.
• Kiniini – Kiniinkaaga u qaado sida dhakhtarku kuugu qoray. La hadal dhakhatarkaaga haddii uu kaa yimaaddo dhiig aan caadi ahayn, amase kaadidaada ama saxaradu dhiig yeeshaan ama madoobaadaan, amase haddaad bararto.
Waxaad u baahnaan kartaa baadhitaan dhiig lagaaga qaado shaybaarka amase dhakhtarka xafiiskiisa inta dawadu kuu socoto. Waa inaad raacdaa jadwalka dhakhtarkaaga.

Akhriso waxa keeno Caga-bararka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5681.0.html

Haddaad wax su’aalo ah qabtid ku soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

SU'AAL: LUGO XANUUN. Qaas ahan lafa lugaha inta ka hoseyso jilbaha !

Started by MuhaaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 30139
Last post November 01, 2011, 09:57:27 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keena in lugaha biyo galaan dadka sokorta qaba?

Started by Iraado MacalinBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 9118
Last post March 26, 2016, 02:29:50 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuun Iga haysta Gacmaha murqahooda iyo Bowd-yaha Lugaha

Started by AbdirizakBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 6
Views: 28129
Last post May 07, 2011, 09:17:44 AM
by Abdirizak
Su'aal: Ma jiraan nabaro ka soo baxa lugaha xiliyada qaboob ka?

Started by WalaalkaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8984
Last post November 01, 2011, 10:14:08 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxa sababo dhididka gacmaha iyo lugaha oo joogto ah?

Started by SahnuunyarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8922
Last post May 15, 2013, 03:42:08 PM
by SomaliDoc