Author Topic: Dhiig karka Uurku Keeno / Sumoy / Iklaamsiyada  (Read 38004 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Dhiig karka Uurku Keeno / Sumoy / Iklaamsiyada
« on: September 02, 2008, 09:52:57 AM »


Maxay tahay dhiig karka uurku keeno?
Waa xaalad kugu dhacdo marka aad uurka leedahay keliya. Calaamadaha waxaa ka mid ah barar khatar ah, dhiig kar, iyo brotiin kaadidada soo raaco.

Ma jiraa magacyo kale ee dhiig karka uurku?
Waxa loogu yeeri karaa dhowr magac oo kala duwan. Waxaa lagyaaba inaad maqashay iyadoo loogu yeerayo (sumoy), dhiig karka uurka, Ikalmsiyo ama ku boorinta dhiig karka uurka, ama dhiig karka uurka la khasbey (pregnancy induced hypertension).

Maxaa keena dhiig karka uurka?
Waxaa keena dhiig karka uurku lama yaqaan. Dhiig karka uurka waxuu bilawdaa haweenaydu uurka qaado laakiin calaamaduhu caadi ahaan ma soo baxaan ilaa 20-asbuuc ka dib uurka.
Haweenka halista u ah in dhiig karka uurka ku soo baxdo waxa ka mid ah kuwa leh:
• Sonkorow
• Cayilka
• Dhiig kar raagay
• Cudurada kalyaha
• Uurka ugu horeeya
• Mataano sid
• Hooyo iyo/ama walaalo qabay cudurka
• Ka yar 17 ama ka badan 35 sano

Waa maxay astaamaha lagu garto?
Adiga ama dhakhtarkaaga waxaad fiiro u yeelan doontaan calaamadaha soo socoda:
• Kicitaan dhiig kareed
• Barar badan oo lugaha, wajiga, indhaha ama gacmaha.
• Borootiin kaadidaad la socoda
• Kaadida oo yaraato
• Madax xanuun daran
• Laab jeex daran

Calaamado kale oo daran waxaa ka mid ah:
• Aragti caad leh ama aragti dhibco leh
• Qalal (Gariir)
• Dhibaato neefsashada
Haddii aad aragtan mid ka mid ah calaamadahaan, si degdeg ah isbitaalka u aad. Ha sugin ilaa ballantaada dambe.

Waa maxay natiijada suuragalka ah ee dhiig karka uurka yeelan karo aniga iyo cunnugga?
Haddii dhiig karka uurka aan la daawayn, waxaad halis u tahay cuduro khatar ah iyo Qalal.
Tani waxay xataa cunnugga ku gelin kartaa cuduro. Ka soo qaad, cunuggu uma korayo si wanaagsan waayo ma helayo ogsijiin iyo cunno ku filan. Xaaladaha aad u darani waxay cunugga u keeni kartaa dhimasho.

Sidee baan uga hortegi karaa dhiig karka uurka?
Dhiig karka uurka lagama hortagi karo. Wayaabaha lagu yareyn karo calaamaduhu waa:
• Qaado wakhtiyo nasasho ood u jiifto dhinacaaga. Naso ama seexo 1-2 saac barqadii iyo 1-2 saac galabtii.
• Cun cunto isu dheeli tiran oo ay ku jirto cunto brotiinkeedu sareeyo sida hilibka malaayga, ukunta, lowska shiidan, caano iyo digir. Cuntada brotiinku ku badanyahay waxay kaa caawimi doontaa iney badiso nafaqada cunugaaga. Weeydii qofka cunno yaqaanka ah haddii aad su'aal qabto.
• Cab cabitaan badan sida biyaha, casiirka iyo caanaha
• Haddaad sigaar cabto jooji.
• Ilaali ballamahaaga oo dhan aad la leedahay dhakhtarka.

Waa maxay daaweynta?
• Haddaan xilliyada nasiinada ee badan ay hoos u dhigi waayaan dhiig karka, bararkana dejin waayo, waxaad u baahnaan doonta in aad sariirta guriga sarnaato.
• Haddii nashadaada sariirta ayna soo rooneynin calamadahaas, waxaa lagu seexin doonaa cusbitaalka si aad u nasato, daawooyinkana u qaadato laguuna ilaaliyo.
• Haddii dhiig karku uurku sii socdo kana daro, dhakhtarku wuxuu kuu soo jeedi doonaa in loo baahanyahay in la dhaliyo cunuga.
Daawada dhiig karka uurku waa dhalida.
• Waxaa laga yaaba in lagu siiyo daawooyinka ay ka mid yihiin magnisyam salfayt si ay u yareeyaan khatarta qalalka.
• Markuu cunugu dhasho, waxaa laga yaabaa in aad fayoobato dhowr beri gudahood dhiig karku wuxuu ku soo noqon doonaa caadi, bararkuna waa degi doonaa.

Ma jiraan cudurro raaga oo uu keeno dhiig karka uurku?
Adiga ama cunuggaga ayaan lahaan doonin waxyeelo waqti dheer oo uu keeno dhiig karka uurku. Ma lahaan doontid khatar dhiig kar kugu soo baxa noloshaada dambe. Laakiin, waxaad khatar u tahay inuu kugu soo baxo dhiig karka uurarkaaga dambe.

Halkaan ka akhriso: Sonkorowga Uurka

Hadii aad qabto wax su'aalo ah ama faahfaahin halkaan naga waydii
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Caga-hurka ama Caga-ololka Maxaa Keeno?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 4
Views: 161877
Last post August 23, 2015, 02:14:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keeno Waji Saliida? Maxaa lagu daaweeyaa?

Started by HaykalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 64340
Last post February 16, 2016, 10:07:14 PM
by SomaliDoc
Dawooyinka been-abuurka ah ee Somalia la keeno iyo dhibta ay geystaan (DHAGEYSO)

Started by DrkheyreBoard Health News and Events

Replies: 0
Views: 9934
Last post May 07, 2011, 02:42:11 PM
by Drkheyre
Su'aal: Maxaa keeno inee ilmaha madaxa biyo ka galo?

Started by Fatima Hussein MohamedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 14355
Last post October 02, 2015, 10:46:27 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxa Aan Ku HunGoobay Siikada (Gacanta Biyaha La iskaga Keeno)?

Started by Wiil.SoomaliyeedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 15334
Last post January 09, 2016, 03:57:35 PM
by SomaliDoc