Author Topic: sudden infant death syndrome  (Read 6829 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Dr.Noora

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 236
  • Points: +15/-0
sudden infant death syndrome
« on: September 07, 2008, 02:06:35 AM »
Sudden Infant Deah Syndrome  (dhimashada lamafilaanka ah ee ilmaha yaryar)

(‏متلازمة موت الرضيع الفجائي)


Waxan jeclaan lahaa inaa ka hadlo mawuduuc runtii aad u muhiim ah ilaa xad, khaasatan aan aad loo siin ahmiyad gaar ah laakiin mudan daneen iyo ka hadal.Mawduucaan oo ah dhimashada lama filaanka ah ee ilmaha dhashay iyagoo hore u xanuunsaneen, arintaan oo ah arin xanuun badan siiba xaga waalidka ilmaha oo u keenta niyad xumo aad ah.

dhinaca ugu xanuunka badan arintaan aa ah dhimashadaas oo imaada sikadis ah iyo wakhtiga uu cunuga jiifo meel amaan ah (gurigiisa) ilaa iyo hadeerna sabata keenta dhimashadaas lama xadidin inkastoo ee dhakhaatiirta xadideen sababo qeebtood oo keeni karaan dhimashadaas.waalidiinta qeebtood aa iyagoo garanaayaan sababahaas keeni kara khatarta kataxadara khatartaan taasoo keentay inee hoos u yaraatay dhimashada ilmahaas , waxaana khatarta dhimashada lama filaanka ah ee kubadantahay ilmaha jiraan bil ilaa 6 bilood ...

Dabcan dhimashada iyo Nolosha Ilaaheey gacantiisa ee kujiraan , ilma kastana saacad uu leeyahay ,hadana saasoo ee tahay sababa ayaa jira keena dhimshadaas sababahaas oo ah:

* waalidka mid ka mid ah oo Sigaar caba ama balwad leh.
*jirooyinka kudhaca jihaazka neefsashada , sida hargabka iyo cudurada lamidka ah
*ilmaha oo loo seexiyo waji waji
*ilmaha oo laseexiyo qol kulul oo ladaboolo khaasatan hadee jiranyihiin taasoo keenta inuu heerkuleelkooda karkaro
*ilmaha kacaba Masaasada iyagana waa uga badanyihiin ilmaha kale.


Sababahaan oo keeni kara in cunuga uu udhinto neef la'aan.

Sida looga taxadaro

*Cunuga oo loo seexiyo dhabarkiisa bilaha koowaad ee noloshiisa.
*joodariga cunugaaga oo ah mid adag
*Inaadan isticmaalin barkiin , ilaa uu ilmahaaga ka gaaro Sanad.
*Inaa cunuga si aad ah loo daboolin markuu hurdo suusan u kululaan.
*Inaa guriga lagu cabin sigaar , cunugana loo kaxeen meel sigaar lagu cabaayo.
*Inee hooyada Nuujiso cunugeeda ugu yaraan bilaha koowaad ee nolosha cunugeeda.


Waalidiinta Qeebtood aa waxee isticmaalaan Qalab ilaaliya Neefsashada ilmahooda , laakiin majiraan wax muujinaayo in qalabyadaam ee yareenaayan khatarta in ilmahooda ku imaado dhimashada lama filaanka ah ,taasoo badanaa keento inuu bato walwalka Waalidka meesha uu yaraan lahaa.

Waxaa muhiim ah inee walidiinta bartaan sida loola tacaamulo xaaladaha noocaan ah, si eey ugu sameeyaan gargaar dagdag ah cunugooda taasoo keeneesa inee yaraato khatarta dhimashada lama filaanka ah ee caruurta yaryar.laakiin hadee dhacdo xaalad noocaan ah inee ku imaado cunugaaga waxaa kugu waaninaayaa inaad si dagdag ah ula xiriirtid dhakhtar ama qof awood u leh inuu ku saacido si aa uga baxdid mushkiladaan.

Wakhti danbe oo cunuga la keeno isbitaalka waxaa mar walba hoos usii dhacdo jaaniska cunugaas inuu noolaado calashaan in dhakhso laga bilaabo gargaarka waa muhiim aad ah , taas oo micnaheeda yahay in waalidiinta ee wada haboontahay inee yaqaanaan gargaarka dagdaga ah.gaar ahaan dadka kunool Somaalia iyo meelaha aan laheen Gargaar dagdag ah oo diyaar ah wakhti kasta.

Marka uu Cunug dhinto si lama filaan ah ,waalidka cunugaas dhalay aa u baahan kaalmo iyo garab istaagid,dadka oo aa isku sabar aheena waxaa ku waaninaayaa waalidiinta qeebtood oo khasaaro noocaan ah lakulmaan inee Ilaaheey u baryaan inuu samarsiiyo eena latashtaan dhakhtar nafsi ah si uu uga khafiifiyo dhibkoodaan,

Ugu danbeentiina waxaa idin wada leeyahay qof walba oo mawduuceegaan akhriyo inuusan Ilaaheey idinla kulansiin , khasaaro noocaan ah..





you're the peace in my soul
that's why I will never really be alone

Dalxiis kaagamaan tagin Dalkeegoow
Dr.Noora


Offline Munim

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 607
  • Points: +15/-0
  • Gender: Male
  • رضا ك يا امي
Re: sudden infant death syndrome
« Reply #1 on: September 09, 2008, 02:47:16 AM »
Thanks Dr.Noora mowduucaga runtii wa post jamil wa kaman maktub lugah mafhuumah lil jamiic.
Education Opens the Doors

Offline Dr.Noora

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 236
  • Points: +15/-0
Re: sudden infant death syndrome
« Reply #2 on: September 09, 2008, 03:06:34 PM »
Mahadsanid Dr Munim for ur incoragement , runtii waa ii farxad iyo sharaf in afkeega hooyo uu yahay mid lafahmi karo.



you're the peace in my soul
that's why I will never really be alone

Dalxiis kaagamaan tagin Dalkeegoow
Dr.Noora

Offline Yaxya

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 575
  • Points: +112/-0
  • Gender: Male
Re: sudden infant death syndrome
« Reply #3 on: September 10, 2008, 01:07:59 PM »
mowdoc jamiil wa muhim jidan shukran dr noora,i suggest to move the topic to af somali topics
الأسوار التي تحيط بنا عالية، وعلى من لا يستطيع أن يهدمها أو يقذفها أو يتسلق عليها... عليه أن لا يزين للباقين الجلوس خلفها.

Offline Dr.Farabadan

  • Full Member
  • ***
  • Posts: 81
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: sudden infant death syndrome
« Reply #4 on: September 10, 2008, 03:10:05 PM »
  First waxalehayahay thnx topic gaaga informative ka ah,  waa arin loo baahanyahay qof kasta oo parent ah ama noqon doontaa inay ka foojignaato. inta badan waxa sababayaa waa daryeel la'aanta waalidka waqtiga uurka iyo kadiba.

   lakin waxaan filayaa in la diagnose kareyn karo cudurkaan marka cunugu dhasho
never give up learning


 

New Case with "Foreign Accent syndrome"

Started by AdminBoard Health News and Events

Replies: 4
Views: 34517
Last post May 07, 2011, 09:55:27 PM
by drishak
Ugxansidaha Fiixda leh "Plycystic Ovary Syndrome"

Started by HidaayoBoard Cudurrada Haweenka

Replies: 5
Views: 83438
Last post July 10, 2011, 08:05:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Gacan Xanuun iyo Astaamaha uu leeyahay Carpal Tunnel Syndrome?

Started by RaaliyoBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 23041
Last post January 11, 2011, 10:28:07 PM
by SomaliDoc
Cudurka Mindhicirrada Kacsan (Irritable Bowel Syndrome)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 1
Views: 81517
Last post February 02, 2023, 11:27:16 AM
by Abualisom
Case of medical student exam syndrome

Started by Dr.HabiibBoard Medical Stories and Jokes

Replies: 0
Views: 24612
Last post May 26, 2011, 06:35:55 PM
by Dr.Habiib