Author Topic: Su'aal: Waxan qabaa xabeeb laga soo bilaabo yaranteydi?  (Read 25447 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Max,ud

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Su'aal: Waxan qabaa xabeeb laga soo bilaabo yaranteydi?
« on: February 28, 2013, 05:16:32 PM »
Asc waxan qaba xabeeb laga sobilabo yaranteydi 14 ila hada on jiro 24yrs. Dhibatada ey igu hayso waxa ugu weyn dadka on hadalkeyga fahmeynin shucaac ey cidkasto daremi karto aya hadalkeyga ku furan. Mar marka qaar hadalka igu adkanayo xabebta darteed. Marka dhaqtarka tala fah fahsan ha iga siyo xaladeyda . Dadalkinane Ajar an lasokobi karin ALLE idinka siyo.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waxan qabaa xabeeb laga soo bilaabo yaranteydi?
« Reply #1 on: April 17, 2013, 11:20:44 AM »


Xabeebta waa keena dhowr xaaladood oo kala duwan, waxaa ugu badan ee keeno waa dhaawac gaara xargaha codka smaeeya ee ku jira qulaanqulyaha dhexiisa (Larynx). dhaawac ama caabuq ay qaado xubintaas waxay keentaa in codka xabeeb gasho taasoo noqon karto mid joogto ah ama mid baaba'do in muddo ah ka dib.

Xanuunka ugu badan ee ku dhaca xargahaas waa caabuq degdeg ah loona yaqaano (Acute laryngitis) kaasoo uu keeno jeermiska feyraska.
haddii aad loo qeyliyo ama muddo dheer la heeso waxay cadaadis saaraan xargahaas codka u qaabilsan, xabeebne way timaadaa.

Waxyaabah kale ee keena xabeebta waxaa ka mid ah:
  • Laabjeexa ama gaaska.
  • Xajiinta ama cuncunka.
  • Sigaar cabista, shiishadda ama in aad dhuuqdo qiiq dhaawac keeni kara.
  • Cillad ka dhalata qanjirka throodhka.
  • Dhaawac ama jug gaarta dhuunta una gudubta xubinta "Larynx"
  • Cudurro la xiriira neerfaha oo dareenka ka tagsiiya xargaha oo ay la shaqeyn waayaan sida Faaliga iyo cudurka laleemada ee loo yaqaano "Parkinson"
  • Kaankaro gasho qulaanqulyaha.

Si loo ogaado cillada nooca ay thay iyo waxa keenay waxaa loo baahan yahay in aad la xiriirtid takhtar ku taqasusay cunaha "ENT Specialist" isagaa wixii wiisito iyo baaris ah kugu samayn doono.

Akhriso Riiraxyada iyo Cuncunka Dhuunta: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=4948.0

Haddii aad qabto su'aal caafimaad ah iigu soo gudbi qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Re: Su'aal: Waxan qabaa xabeeb laga soo bilaabo yaranteydi?
« Reply #2 on: April 24, 2013, 02:06:49 PM »
Dhakhtar, waxaan qabaa su'aal mowduucaan la xidhiidha;
Haddii uu Sanqaroorku hoos u jabo, oo u hilib ku riixmo sanduuqa codka iyo dhagaha; isla markaana uu codku noqdo mid aan la fahmi karin, halka ay dhaguhuna cuslaadaan.
Haddaba, Dhakhtar, xaaladdaan ma tahay xaalad la yaqaano? (sanka oo ka jaba inta u dhaxeysa labada indhood; dhagaha ma ku culaadaan? Codkana  is badal ma ku keenayaan?).
Talo SAARO Allaah

Offline Max,ud

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Waxan qabaa xabeeb laga soo bilaabo yaranteydi?
« Reply #3 on: April 25, 2013, 12:29:44 AM »
ASC  100% waad mahadsantihiin jawabta udhaqtarka isiyay ayaa su,al iga dhax dhalatay su,ashas o ku sabsan,  cudurka aad ku tilmantay in u inta badan kudhaco dadka xabebta hayso e ad ku magacawday ( Acute harnygitis)  jermiskas ayaan ubahnan lahay inaad sharaxad dheri ah iga sisaan. Calamadaha lagu garto odheri ah iyo waxa sababo iyo hababka loga hortago iyo waxayabaha udhibsado (ziyadiyo)?

Offline Max,ud

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Su,aal
« Reply #4 on: May 22, 2013, 09:34:04 AM »
Waxaan ubahanahay dhaqatirta iney fahfahin iga siyan cudurka xabebta sababo e loyaqaan ( Acute laryngitis) waxa sababo iyo wax yaabaha kiciyo ama udaran e la isticmalo, sido kale raba inaad ishegto dawo maleyahay loo isticmalo dawadas mabaabi ineysaa mase waa cawinad o kaliyah? Waad mahadsantihin dadalkina.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waxan qabaa xabeeb laga soo bilaabo yaranteydi?
« Reply #5 on: August 23, 2013, 12:22:04 PM »
Laryngitis waa caabuqa xubinta bocorka ama qulaanqulyaha, haduu ka bato xanuunka 3 usbuuc waxaa loo yaqaano xanuun raagay.

Calaamadaha lagu garto waxaa ka mid ah:
1 - xabeeb codka ah
2- qufac, sanboor iyo qandho markuu bilaw yahay
3- dhuun xanuun weliba markii la hadlaayo  ama wax lalaqaayo waa markii xanuunka cusub yahay
4- marmarka qaar neefsashada oo qofka dhibto
5- daal iyo tabar darri

Markii xanuunka raago oo bilooyin ama sanado uu gaaro wuxuu ku soo hari karaa kaliya calaamada xabeebta codka.

Xanuunada kale oo muhiimka ah in laga sooco oo isku calaamad noqon karaan waxaa ka mid ah:
1- kaankarada dhuunta
2- qiiq ku sumoobista
3- codka oo laga xabeebiyo sida qeylada
4- gaas laabjeex wato
5- cudurka neefta oo soo laablaabto
6- iyo cudurka allerjiga.
7- daawooyinka qaar ee la qaato sida: daawooyinka antihistamines, daawooyinka la isku buufiyo, daawooyinka murqaha hunguri mareenka dabciyo, daawooyinka difaaca jirka hoos u dhigo iyo kuwa kalaba.
8- dhaawac hada ka hor gaaray dhuunta ama wax adag oo qofka qasab ku liqay.
9- qalliin hada ka hor dhuunta lagu sameeyay ama tubada dhuunta la galiyo.
10- cabidda sigaarka, khamrida iyo cunnooyinka qaar sida shokolaatada iyo kaffeega.

Feyrasyada ugu caansan ee keena xanuunkaan waxay kala yihiin:
1- Rhinoviruses
2- Parainfluenza viruses
3- Respiratory syncytial virus
4- Adenoviruses
5- Influenza viruses
6- Measles viruses iyo kuwo kale.

Bakteeriyada keento waxaa ugu caansan staph aureus iyo hemophilus influenza.
xanuunada infekshanka keeno waxaa ka mid ah tiibishada.

Xanuunada cudurkaan la socon karo waxaa ka mid ah: jadeecada, qaamow-qanshiirka, busbuska iyo herpeska.

Banadaan xanuunka daawo uma baahda wuu iska baaba'aa,  waxuu kaloo ku baab'i karaa waa marka cudurka bilaw yahay in biyo qandac ah la isku uumiyo.

Hadii intaa wax ka tari wayso waa daawooyin caabuqa la dagaallamo iyo daawooyino kale oo loogu talo galay.

Xanuunka caabuqa haduu raago oo codka xabeeb yeesho daawayntiisa waa iska kaalmaati kaliya.

Hadii xanuuno kale la socdaan sida laabjeexa iyo wixii kalaba waa la daawayn karaa.

Hadii xanuunkaan dhib kugu hayo la xiriir takhtar ku taqasusay cudurada cunaha ku dhaco.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Diktoore, maxaa laga wadaa Reactive, Weak-reactive iyo Non-reactive?

Started by XidigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 55979
Last post July 02, 2017, 11:30:43 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Cudaradee laga talaalaa bilaheena la talaalaa?

Started by Awil5Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8696
Last post October 26, 2016, 06:39:23 PM
by SomaliDoc
Faa'iidada laga helay qandhada "Rifty Vally"

Started by DoctoorBoard Feel Free Here

Replies: 0
Views: 10268
Last post November 14, 2007, 12:30:34 AM
by Doctoor
Su'aal: Cabidda Shaaha Iyo Biyaha Cusbada Laga saray Makeni Kartaa Kaadi Xannun?

Started by AbdirizakBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 18440
Last post August 08, 2011, 07:55:39 PM
by SomaliDoc
Dhibaatooyinka laga dhaxlo daawada oo aan sidii loogu talo galey loo qaadan

Started by JamaaluddiinBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 14216
Last post April 03, 2016, 10:41:02 PM
by Jamaaluddiin