Author Topic: Maxaa keeno Af-qurunka?  (Read 147676 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline dr-awale

  • Sr. Member
  • ****
  • Posts: 129
  • Points: +7/-0
  • Gender: Male
  • i love my doughter
Maxaa keeno Af-qurunka?
« on: December 11, 2008, 01:34:08 PM »
maxa kena afka in uu noqdo af qurun?


LEAVE
WOUNDS
OPEN !


Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Maxaa keeno Af-qurunka?
« Reply #1 on: December 12, 2008, 11:21:44 AM »


Af-qurunka ama waxa loo yaqaanno "Halitosis" waa xaalad qofku ka soo saarayo afkiisa hawo uraysa, taasoo ka duwan af-urka subaxii lala soo tooso, kaasoo ku baab'a naadiifinta ilkaha.

Af-qurunka ma laha wax xuduud ah, umana kala sooco dadka da'dooda, noocooda iyo xaaladooda dhaqaalaba, intaa waxaa sii dheer in af-qurunku u keeno qofka niyad jab aad u daran taasoo keensanaysa in qofku ka fogaado dadka iyo la hadlakoodaba, xitaa uusan u sheeganin dhibaatadiisa dhakhaatiirta.

Badanaa niyad jabkaan waxay ka dhalata in dadka qaba af-qurunka aysan dareemi karin dhibaatada haysata illaa ay ka ogaadaan dad kale. kadibne ay keensanayso in ay ka go'aan bulshahda kana doorbidaan kalinnimada.

Maxaa keeno af-qurunka?
Waxaa loo kala qaadaa sababha keeno af-qurunka laba qeybood oo kala ah:
Caafimaad darro ka baxsan ilkaha
  • Infekshan ama caabuq ku dhaca jeebabka sanka iyo afka u dhaxeeyo (Sinusitis) ama qalad ka jira qaab-dhismeedka lafta oo qofku ku dhashay.
  • Quumanka ama Xoqoda
  • Sanbabada oo qofku ka jiranyahay (khaas ahaan cudurrada malax-samayska ee sanbabada.
  • Hawlgabka kilyaha (qashinkii kilyaha jirka ka saari jiray oo hawo ahaan loo soo saaro sida kaadida "urea")
  • Hawlgabka beerka (qashinkii beerka jirka ka saari jiray oo hawo ahaan loo soo saaro)
  • Cudur ku dhaca dhiigga
  • Sonkorowga
  • Xamiitada oo jirata
  • Kaankaro
  • Cillaad dheefshiid
  • Cunnooyinka qaar sida basasha, tuunta iyo cagaarka qaarkiis.

Caafimaad darro ka timid ilkaha
  • Bolol ilkaha ah
  • Ciridka oo jirran
  • Infekshan ilkaha ah ama carun
  • Kaankarada ilkaha
  • Af-qaleelka (daawooyinka iyo cudurrada qaar ayaa keeno af-qaleelka)
  • Daawooyinka sanka lagu dhibciyo
  • Xasaasiyada cabburka keento
  • Bakteeriyda hawo la'aanta oo ku badato afka ama sanka

90% oo ka mid ah waxyaabaha keeno af-qurunka waxay ka timaadaa bakteeriyada qurmiska oo afka ku korto, taasoo ka dhalata cudurrada aan kor ku soo xusnay, waxay bakteeriyadaan quumanka ku samaysaa godad taasoo qashin badan ku aruuraan, wuxuuna qofka dareemaa subaxyadii qaar inuu tufo wax cadcad oo ur badan markoo xaakoodo, ka akhriso halkaan qoraal ku saabsan cilladaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2601.0

Waxaa habboon in halkaan lagu xuso, dhalinyaro badan ayaa cuqdad af-shiir qabta iyadoo aysan jirin wax cillad ah ayuu qofka aaminayaa in afkiisu uu shiirayo taas oo ku kallifaysa inuu bulshada ka go'o waana wax qofka uu aaminsan yahay, dadka sidaan ah, xalkooda waa in maskax ahaan loo daaweeyaa.

Daaweynta af-qurunka
Si loo ogaado waxa keenay af-qurunka waa in la helo lana baaro haddii ay jiraan caafimaad darro ka timid xagga ilkaha kadib ayaa loo gudbi karaa waxyaabaha kale ee keeni karo af-qurunka.
Sidaa darteed waxaa u baahantahay marka ugu horreyso inaad u tagto dhakhtar ku takhasusay ilkaha.

Ka hortagga af-qurunka
Ilaali caafimaadka ilkahaaga, cadayso inta aadan jiifan iyo markiii aad ka soo kacdaba.
Hadii aad isku aragto caalamadaha kale ee la socdo af-qurunka la socodsii dhakhtarkaaga.
Af-qurunku ceeb ma ahan waana cudur la mid ah cudurrada kale, kumana xirna nadaafad darro ee dhakhtar u tag una sheeg waxa aad dareemeysid, takhtarka isagaa kuu sheegi doono haddii ay sax tahay waxa aad dareemayso ama haddii ay tahay wax aad aaminsan tahay adiga kaliya.
Iska ilaali af-qalleelka, una sheeg dhakhtarkaaga daawooyinka aad qaadato.
Calaanji xanjada si afkaaga qalleelka uga baaba'o una yeesho calyo.

AKHRISO WASWAASKA AF-SHIIRKA IYO URKA JIDHKA: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6517.0
Haddii aad qabto su'aalo kale oo ku saabsan qoraalkaan, halkaan ka weydii
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Diktoore, maxaa laga wadaa Reactive, Weak-reactive iyo Non-reactive?

Started by XidigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 55897
Last post July 02, 2017, 11:30:43 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Agoolka "Dandruff"?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 106902
Last post January 06, 2015, 08:30:19 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keni kara calol xanuunka iyo naaso xanuunka

Started by GacalsameBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 57912
Last post December 05, 2015, 01:19:38 PM
by SomaliDoc
Maxaa meydka loo qalaa? Waa maxay "Autopsy"?

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 62234
Last post April 06, 2016, 04:35:38 PM
by Mo Digdig
Su'aal: maxaa farqi u dhaxeeyo ragga leh jocorta iyo ragga aan laheen?

Started by JaakeyeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 28941
Last post June 11, 2017, 12:22:58 PM
by SomaliDoc