Author Topic: Iska Ilaali Khatarta Malabkaan (Etumax Royal Honey)  (Read 27479 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Online Admin

  • Administrator
  • *****
  • Posts: 1489
  • Points: +60/-0
  • Gender: Male
  • Towards a better peaceful and healthy life!
    • Somali Medical Association
Iska Ilaali Khatarta Malabkaan (Etumax Royal Honey)
« on: November 03, 2014, 07:43:39 PM »


Malabkaan waa malab sida ku qoran loogu talagalay in ay adeegsadaan ragga ka cabanayo awood darrida galmada iyo kacsi la'aanta.
Waxay shirkadda samaysay sheegtay in laga sameeyay malab dabiici ah oo waxne lagu darin, shinni muhiim ah oo Malaysia ku nool in ay samaysay!!!.

Malabkaan isticmaalkiisa oo aad loogu batay oo ay dhalinyaro badan ku kadsoomeen iyagoo xitaa aanan qabin cillad xaga ragannimada ah.

Sidaa darteed waxaan rabaa in aan uga digo, lana socodsiiyo qofkii isticmaalo ama yaqaanno qof isticmaalo ama gadaba inuu la socdo khatarta uu malabkaan leeyahay oo ah in markii baaris lagu sameeyay ka dib lagu ogaaday in ay ku jirto daawo kiimiko ah oo aan la qaadan karin inuu dhakhtar kuu qoro mooyee.

daawada lagu soo dhex qasay malabkaan magaceeda waxaa la yiraahdaa "Tadalafil" waa daawo loo isticmaalo kacsi la'aanta iyo hami yarida oo la mid ah daawada loo yaqaano "Viagra", akhriso dhibaatada daawada feegada: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3443.0.html

Waa daawo halis galin karto caafimaadka qofka hadduu qaata isagoo dhakhtar u qorin khaasatan hadduu qadar badan ka qaato.

Sida sawirkaan aad ku arkaysaan, baakadkaan waxaa ku jiro dhowr bacood oo yayar oo malab ku xiran oo loogu talagalay inaad isticmaasho markaa u baahatid oo weliba aan la xadidin qaabka aad u isticmaalayso ama inta aad ka qaadanaysaba.

Dhibaatooyinka ay daawadaan keeni karto waxaa ugu horreeya, Madax xanuun, Aragga oo daciifo, Dhiig kar, Murqo xanuun siyaado ah oo u badan murqaha barida, bowdyada iyo dhabarka qeybtiisa hoose, taasoo keeni karta in murqaha ay howlgabaan oo qofka dhaqaaqi waayo.

Fadlan macluumadaan gaarsii asxaabtaada, si ay uga fogaadaan khatartaan oo ah mid dhab ah oo aan indhahayga ku arkay.

Wadanka sacuudiga markii cabashada ku aadan daawadaan isbitaalada ku badatay waa laga mamnuucay dadkii soo geliyayne xabsi ayaa la dhigay, haddii aad booqataan webka ay shirkadaan leedahay waxaad arkaysaan in ay malabkaan ku badaleen daawo kale oo ay leeyihin way ka faaido badan tahay oo aanan la garanayn iyadane waxa ay ka samaysan tahay inkastoo ay ku qoran tahay dabiici 100%.

Fadlan haku kadsoomin daawooyinka lagu soo qoro inay dabiici yihiin, maxaayeelay ganacsi ahaan ayaa loogu soo qoraa.

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com


"you never cure a patient, you treat pain often but you always comfort the patient."
www.somalidoc.com


Offline Hamse Mohamed

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Re: Iska Ilaali Khatarta Malabkaan (Etumax Royal Honey)
« Reply #1 on: May 30, 2015, 10:06:06 PM »
 jazak allah yaa Dr :


 

Su'aal: maxa sababa kasoo baxa iska so daba noqda markuu raysto mid?

Started by WalaalkaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 17681
Last post November 01, 2011, 12:06:51 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa Maxay Dhibaata Ay Keeni Karto Iska Joojinta Cunta Ay Sonkorto Ku Jir

Started by AbdirizakBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 12096
Last post November 10, 2012, 03:35:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: markaan umulo kadib caloosha ma iska xiri karaa?

Started by Deko Ali OmarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 10516
Last post May 20, 2016, 09:13:11 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaan iska daaweyay Gaaska calosha oo mudo la jiifay?

Started by Bakars0nBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 5855
Last post June 05, 2016, 08:03:07 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Baxdin iska dhacaamaya qaliin malagu sameyn karaa?

Started by Sahal143Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 3817
Last post January 18, 2017, 06:26:13 PM
by SomaliDoc